|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29277 |
May 14, 2012 Jamada Al-Thani 23,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Siyaarada Sheekh Isaxaaq Oo Shalay Si Balaadhan Loogu Xusay Xarunta Ansaarudiin Sunna Waljamaaca Ee Hargeysa Hargeysa, May 14, 2012 (Haatuf) - Siyaaradii Sheekh Isaxaaq Binu Axmed ayaa shalay si balaadhan looga xusay Xarunta Ansaaudiin Sunna Waljamaaca ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, xuska siyaarada Sheekh Isaxaaq oo ay soo qabanqaabiyeen Culimada Ansaarudiin Suuna waljamaaca ayaa waxa ka soo qaybgalay Culimo badan iyo dadweyne farabadan oo reer Somaliland, kuwaas oo halkaas ka muujiyay Qasaa’idka iyo Siirada Sheekh Isaxaaq iyo Taariikhda faca weyn ee uu Sheekh Isaxaaq lahaa waxaana halkaasi nuxurka ujeedada siyaarada Sheekh Isaxaaq ka jeediyay Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin Jaamac oo ah Iimaanka Masjid Jamaaca Hargeysa, sidoo kalena waxa taariikhda Sheekh Isaxaaq dadweynaha tafaasiil ka siiyay oo ka waramay Sheekh Ismaaciil Xasan Jaamac, xilligii uu yimid Sheekh Isaxaaq yimid iyo meesha uu ka yimid, xilligii uu dhashay Sheekhu iyo xilligii uu geeriyooday, isla markaana waxa uu sheegay taariikhda xilligii uu Sheekh Isaxaaq yimid magaalada Maydh ee deegaanka gobolka Sanaag, Xaasaskii uu guursaday Sheekh iyo Caruurta uu dhalay iyo noloshii Sheekha ilaa intii uu ka geeriyoonayay taariikhdiisa. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh Axmed Macalin Cabdillaahi oo sheegay faa’iidooyinka ku jira xuska Sheekh Isaxaaq iyo inay bulshadu ka qaybqaadato weynaynta siyaarada oo aanay iloobin waalidiintii Culimadu waxay halkaa ka soo jeediyeen, isla markaana bulshada reer Somalilaland ugu baaqeen inaanay Waalidiintii, Aabayaashood iloobin ee ay xusuustaan mar walba, isla markaana weyneeyaan xusaska Waalidiinta, sidoo kalena waxay ugu baaqeen dadweynaha Somaliland inay nabadgalyada dalka si wada jira u ilaaliyaan, isla markaana wixi nabadgalyada Somaliland ku lidi ah meel uga soo wada jeestaan, waxaanay dadweynaha ka codasadeen inay isku duubni iyo dadaal muujiyaan.
|