|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29277 |
May 14, 2012 Jamada Al-Thani 23,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
BOGA TACSIYADAHA
Gudoomiyaha Haatuf Media Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Tifaftiraha Haatuf Axmed Cali Cige, C/laahi Xasan Budul, Maxamed Ibraahim Sagax, Naasir Aadan Maxamed, Maxamed Cumar Jibriil, Khaalid Baashe Cabdi Gaboobe, C/fataax Sheekh Nuux Jaamac, Mustafe Aw Xamse (Awliyo), C/raxmaan Maxamed Aadan, Cabdi Cumar (Bayle), Yuusuf Xaaji Maxamed Mire (Qurbaawi). Dhamaan Bahda Wargeysa Haatuf waxa ay tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelkii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland Geerida ku timid Marxuum Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar, waxaanay ilaahay Marxuumka uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin
Tacsi Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Ummada Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe iyo Taageerayaasha Ururka Ummadu waxay iyagoo ka Murugaysan Tacasi Tiiraanyo leh u diryaan Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar oo maanta Shil baabuur ku Geeriyooday Waxaanay Illahay uga baryayaan inuu Naxariistii Jano ka waraabiyo Eheledii, Qaraabadii iyo dhmaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Samir iyo Iiimaan ka siiyo.
Tacsi Sheekh Jaabir Carab Warsame (Nuur Dariiqa), Sheekh Ismaaciil Muxumed Ibraahim, Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore, Sheekh Axmed Muxumed Axmed (Aayatule), Sheekh Ismaaciil Xasan Askar, Sheekh Maxamed Xaaji Daahir, dhamaan waxay tacsi u dirayaan Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hooyadii marxuumad Muumina Sayid Saleebaan shalay ku geeriyootay magalaada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu Marxuumada Naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii iyo Qaraabadii ay ka baxdayna Samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin
Tacsi Cabdillaahi Xaaji Axmed Qulumbe, Haaruun Xaaji Axmed Qulumbe, Siciid Xaaji Axmed Qulumbe iyo reer Xaaji Axmed Qulumbe oo dhan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan reer Sheekh Cali Jawhar oo ay ka tacsiyadaynayaan geerida ku timid Dr C/Shakuur Sheekh Cali Jawhar oo ku geeriyooday magaalada Boorama, waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu marxuumka Janno Fardawsa ka waraabiyo Qoyskii Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin
Tacsi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Xaaskiisa, Caruurtiisa iyo dhamaan qoyska reer Aw Cali Faarax waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Dr C/shakuur Sheekh Cali Jawhar oo ku geeriyooday magaalada Boorama, waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu marcuumka Janno Fardawsa ka waraabiyo iyagana Samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin
Tacsi Aniga oo ku hadlaya Magacayga, kan Hogaanka Xisbiga KULMIYE,kan Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye, Kan Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxaan Tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii,Asxaabtii iyo dhamaan Shacbi waynaha Somaliland Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum: Dr.C/rashiid Sh.Cali Jawhar oo maanta Geeriyooday. waxaan Marxuumka Illaahay uga baryayaa inuu Naxariista Janada ka waraabiyo Ehelkiisiina Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
|