Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29277

May 14, 2012                                                         Jamada Al-Thani  23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siirada Saxaabada Rasuulka (scw)

Taariikhda Abii Daalib oo Nabiga “N.N.K.H” adeer u ahaa  Q.1aad

Abii-daalib wuxu ahaa Nabiga SCW adeerkiisii soo koriyey toban sanano difaacayey oo qureysh uga biqi jirtey, muddo badanna ay odeyaashii qureysheed ku soo noqnoqdeen iyaga oo uga dacwoonaya Rasuulka SCW dhibaatooyin badanna ka soo gaadheen difaaciddii Nabiga SCW iyada oo sababta uu u difaacayeyna ahayd ficilo qabiil iyo in aan wiilkuu adeerka u yahay lagu xad gudbin intuu nool yahay.

Tobanka sano ee uu Rasuulka SCW difaacayey muu qaadan islaamka isaga oo ujeeda in uu xaq yahay oo xitaa gabay ku sheegay in islaamku yahay diin xaq ah sababta uu u rumeyna waxay ahayd Ilaah oo aan la damcin hanuunka.

Sannadkii 10aad ee soo diridii Rasuulka SCW markay cunaqabatayntii dhammaatay ka dib ayuu Abii-dhaalib xanuunsaday, xanuunkaas oo ahaa kii uu u geeriyooday. Odeyaashii qureysh markay maqleen xanuunkaas Abii-dhaalib ayey shir qaateen waxayna is yidhaahdeen “waad maqasheen in uu Abii-daalib xanuunsan yahay waxana la arkaa in uu u dhinto, annaga iyo Maxammedna is gefi mayno oo xaaladdiisu meel adag ayey taagan tahay, haddaan waxyeelleyno markii Abii-daalib dhintana carab ayaa na ceebeynaysa oo dhahaysa “intii Abii-daalib noolaa wax way yeeli kari waayeen laakiin markuu dhintay ayey waxyeelleeyeen” sidaa darteed waa in aan hadda u tagnaa Abii-daalib oo ku dhahnaa annaga iyo wiilkaaga arrin cad nakala sii oo ha nabad geliyo ilaahyadeena iyo diinteenaa anaguna waa nabad gelineynaaye.” waxay markaa Abii-daalib u direen 25 nin oo odeyaashoodii ka tirsanaa oo go’aankaas ula tegey.

Abii-daallib markuu arrinkoodii dhegaystay ayuu Rasuulka SCW u yeedhay oo ku yidhi “Adeer reer tolkaa arrintan bay la yimaadeen ee ka warran” Rasuulku SCW wuxu yidhi “Adeer hal kalmad oo keliya ha Ii yidhahdaan”, Abii-jahal ayaa hadlay oo yidhi ‘hal keliya iska daa oo. iyada iyo toban la mid ah ayaan kuu odhanayna”. Rasuulka SCW wuxuu yidhi:- waxaad tidhaahdaan “LAA ILAAHA ILLA LAAH”. Nimankii qureysheed markay maqleen ayey yidhaahdeen “ninkani wax uu idiin oggol yahay ma jirto inaga soo kiciya meesha”.

Ibnu Hishaam wuxu yidhi arrintani waa qisada ay ka warramayso suuradda la yidhaahdoSAAD bilwgeeda.

Waxa is weyddiin leh sababtaa ay u diideen in ey hal mar yidhaahdaan kalimmadaas Tawxiidka ah, maxay se toban jeer intay afka ka yidhaahdaan ay howshooda isaga wadan waayeen? Su’aalahaas jawaabtoodu waxay weeye, waxay ogaayeen macnaha ka dambeeya kalmada iyo in ay dhaqankooda oo dhan beddelayso, manay rumeysneyn sida ay maanta in badan oo muslimiin sheeganayaa ay ku kadsomeen oo kalimmadaas iney afka kaga dhawaaqaan ahayn maxaa yeelay islaamku waxaa weeye inuu qofku qalbiga ka ictiqadiyo xubnahana kaga dhaqmo Ilaahayna si toos ah ugu xidhnaado.

Sidoo kale Alle isaga oo tilmaamaya in markii alle oo keliya la sheego ay dhabarka jeedinayaan waxu yidhi:

“((Waxan quluubtooda ka yeelnay dabool in ay fahmaan qur’aana, dhagahoodana culays, haddii aad (Nabiyow) qur’aanka dhexdiisa ku xusto Rabbigaa kaligii waxay jeedinayaan dabada iyaga oo cararaya), (Suuratul-Israa 46).

Ugu dambayntii Abii-dhaalib xanuunkii ayaa ad ugu siyaaday, Rasuulka SCW wuxu aad isugu hawlay sidii uu adeerkii uga badbaadin lahaa cadaabka Alle, laakiin Alle ayaan hanuun la damcin.

Maalinkii ugu dambeysey ee sakaraadku hayey ayaa waxaa u yimid Rasuulka SCW isaga oo ay la joogaan Abii-jahal iyo Cabdullaahi ibnu abii Ummaya oo doonaya in Abii-dhaalib ku dhinto diintii aabbayaashood, markaasuu Rasuulka SCWadeerkiis ku yidhi “adeerow dheh LAA ILAAHA ILLA LAAH kalimmad aan Ilaahay agtiisa kaaga doodo” Abii jahal iyo Cabdullaahi ibnu abii Ummaya ayaa ka daba hadlay oo yidhi “Abii-daalib, ma diintii Cabdimudalib baad ka tegeysaa?”, kamay suulin in ay ka daba hadlaan Rasuulka mar kasta oo uu Rasulka SCW u bandhigo adeerkii kalimmadda tawxiidka ilaa uu markii dambe ka yidhi ” waxan ku dhimanayaa diinta Cabdimudalib”.

Abii-dhaalib waxa uu ogaa in diinta Nabi Maxammed SCW uu wataa ay xaq tahay sida uu ku caddeeyey gabayaduu tiriyey, laakiin wuxu xaqa u diiday isaga oo is lahaa armaa lagu yidhaahdaa markuu dhimanayey buu baqdin daraaddeed u islaamay.  Isku soo wada duuub oo Alle ayaan hanuun u qorin sidaa ayuuna ku geeriyooday. Allaah markuu arkay Rasuulka SCW sida uu u jecel yahay adeerkiis isaguna hawlay hanuunkiisa ayuu aayaddaan ku soo dejiyey RasuulkaSCW, oo ku yidhi:-((Adigu ma hanuunin kartid ciddaad jeceshahay laakiin Alle ayaa hanuuniya ciddduu doono, isagaana og kuwa hanuunaya)), (Suuratul-Qasas 56). Markii uu kufrigaas ku dhintay ayuu Rasuulka SCW yidhi “waan kuu dambi dhaaf weyddiin intaan la iga reebin” Hase yeeshee muddo ka dib markii Madiina loo wareegay ayaa Alle soo dejiyey aayaddan lagaga reebayo Rasuulka SCW iyo mu’miniinta in ay gaalo dambi dhaaf u dalbaan.((Uma haboona Nabiga iyo kuwa rumeeyey in ay Mushrikiin u dambi dhaaf wayddiiyaan, haba ahaadeen (mushrikiintaasi) qaraabadooda, ka dib intay u caddaatay in ay yihiin (gaalo) ehelu Jaxiima), (Suuratu-Tawbah 113).