|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29277 |
May 14, 2012 Jamada Al-Thani 23,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Barcelona Oo Xili Ciyaareedkii 2011-12 Ku Sagootiday Barbaro Kadib Markii Uu Gool Xili Danbe Yimid U Dhaliyay Seydou Keita Kooxda Barcelona ayaa kulankeedii ugu danbeeyay horyaalka La Liga ku dhamaysatay bareejo 2 iyo 2 ah oo ay la gashay Kooxda Real betis oo ay kula ciyaareeysay garoonkooda kadib gool soo xili danbe dhashay oo ayay bareejo ku heshay. Ciyaaryahanka Sergio Busquests ayaa daqiiqadii 9 u dhiibay kooxdiisa hogaanka ciyaarta ayads oo sidaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta. Qeybtii labaad ee ciyarta ayaa waxa calaamada Casaanka la siiyay oo garoonka laga saaray Ciyaariyahanka reer Brazil Dani Alves waxana jaaniskaas ka faa’deestay Ciyaariyahanka Martin oo 3 daqiiqo gudaheeda 2 Gool kaga dhaliyay Barcelona daqiiqdihii 71 iyo 74 intaa kadib Ciyaariyahanka Reer Maali Seydou Keita ayaa Daqiiqadii 90 goolka Barbarada u dhaliyay Kooxdiisa . Kooxda Barcelona ayaa Xili Ciyaareedkeeda 2011 iyo 2012 ku soo gaba gabeeysay Barbaro ay la gashay kooxda Real Betis waxeyna isku diyaarineysaa CiyaartaFinalka Copa Del Rey oo la ciyaaraya 25 bisha. Dhanka kale Kooxda Kaalinta Seddexaad Xaqiiqsatay ka xaadiri doonta koobka kooxaha yurub ee Champion-ka ee Valencia ayaa guul daro kala kulantay Kooxda Real Sociedad waxana lagaga badiyay 1 iyo 0 waxana daqiiqadii 64 Gool ka dhaliyay Ciyaariyahanka Griezmann.
|