|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29277 |
May 14, 2012 Jamada Al-Thani 23,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Raul Gonzalez Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Reer Qatar Ee Al Sadd Weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid Raul Gonzalez ayaa ku biiraya kooxda Al Sadd ee dalka Qatar ka dib markii uu ka tago kooxda Schalke 04 dhamaadka xili ciyaareedkan. “kooxda Al Sadd waxa ay qaban doonta shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigi doonaan Raul Gonzalez ka dib marka ay la wareegnay ciyaaryahanka oo u ciyaari doona laga bilaabo xilli ciyaareedka 2012-13″ sidaa waxa lagu yidhi warbixin la soo dhigay website-ka kooxda Al Sadd, soo kaalinta seddexaad ku dhameystay koobkii Club World Cup bishii December. “Raul waxa uu yimid Doha waxana uu daawaday ciyaartii finalka ee Emir Cup ee u dhaxeysay Al Sadd iyo Al Gharafa ee ka dhacday Khalifa Internation Stadium” Ciyaaryahankii hore ee dalka Spain ayaa Schalke la joogay labo xilli ciyaareed isaga oo dhaliyay 28 gool oo horyaalka Bundesliga ah 66 kulan oo uu u saftay kooxda Shalke. |