Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29277

May 14, 2012                                                         Jamada Al-Thani  23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Fernando Llorente: “Waxan Ka Hortagi Doonaa Barcelona Anaga Oo Aan Wax Cabsi Ah Qabin Finalka Copa del Rey”

Inkasta oo kooxda Athletic Bilbao ay khasaarisay fursadii ay ku hanan lahayd koobka Europa League kadib markii kooxda Atletico Madrid ku garaacday 3-0 hadana ciyaartogan reer Spain ayaa aaminsan in aanay kooxdiisu wax baqdin ah ka qabin kulanka Barcelona, waxa kale oo uu sheegay in kooxdiisu ay dhinac isakaga duwi doonto murugadii kasoo gaadhay guuldaradii Europa League isla markaana ay wax kabaran doonaan khaladaadkii ay galeen. “Waxaa jira cadaadis badan intii ay ciyaartu socotay, laakiin Atletico way xaliyeen taas” ayuu saxaafada u sheegay Fernando Llorente. “Dhibku waxa uu ahaa waxay ku bilaabeen dardar, isla markiina waxa ay keeneen gool.  Waxanan haysanay fursado aan ku barbarayn karnay, hase yeeshee markii ay noqotay 2-0 waan sii diciifnay waxana cadaatay in ay guulaysteen. Waa in aan wax kabaranaa khaladaadkii aan galnay” ayuu sii raaciyay. Inkasta oo Barcelona ay ugu cadcadahay hanashada Copa del Ray hadana Florente ayaa sheegay in ayna waxba ka dhagaysan doonin kooxda Pep guardiola. Ciyaaryahanka ayaa intaa sii raaciyay in ay ogyihiin in ay laciyaarayaa koox fiican kana adag kooxdii ka qaaday Europa League hase yeshee aanay kooxda wanaagsani mar walba guulaysan. : “Waa in aan saadaalinaa wax fiican, waana in aynaan ka fikirin guuldaro, isla markaana wax walba u hurnaa. Hadii aan u ciyaarno si boqolkiiba boqol ah fursado waan haysanaa”.