|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29278 |
May 15, 2012 Jamada Al-Thani 24,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xubno Ka Soo Jeeda S/land Oo U Tahriibay Shirka Xamar Uga Socda Madaxdhaqameedyada Somalia Oo Ka Cabanaya In Saamigoodii La Musuqmaasuqay, Sheegayna In Ergadoodu Ka Bixi Doonto Kulankaasi Muqdisho, May 15, 2012 (Haatuf) – Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Somaliland oo dhawaan u Suudalay Muqdisho si ay uga qaybgalaan shirka Madaxdhaqameedyada Somalia uga socda magaaladaasi, ayaa ku hanjabay inay ergadooda kala bixi doonaan shirka odayaasha dhaqanka hadii aan wax laga qaban Musuqmaasuqa lagu sameeyey saamigii ay lahaayeen Beelaha Somaliland, sida ay hadalka u dhigeen. Madaxdhaqameedkan oo isugu jira Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin u dhashay Somaliland oo dhawaan u socdaalay dalka Somalia ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kuwaas oo shaaca ka qaaday inay qaadici doonaan, isla markaana ay ergadooda kala baxayaan shirka lagaga hadlayo arimaha dastuurka ee odoyaasha dhaqanka Somalia uga soconaya magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay kulankan ayaa waxa ay sheegeen in Musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyay hanaanka awood qeybsiga beelaha Somaliland ay ku la haayeen shirka ka socda magaalada Muqdisho, taasina ay muujineyso in xaqiraad lagu sameeyay beelahaasi. Idiris Xadi Qalinle oo ka mid ah waxgaradkii ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in hadii dowladda Sheekh Shariif ee Soomaaliya ay ka fiirsan waydo xaqiraada lagu hayo beelaha ka soo jeeda Somaliland ay gabi ahaanba ay qaadacayaan shirkaasi, isla markaana aanu noqon doonin mid midho dhal yeesha oo wax la taaban karo ay ka soo baxaan. Maxamed Sheekh Ibrahim Tubeec oo isna kulankaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay intiradii loogu talagay beelahooda inay uga qeyb galaan shirka odoyaasha dhaqanka ay shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan dowladda KMG ah ay isdaba marin ku sameeyeen. Si kastab ha’ahaatee tan iyo markii uu magaalada Muqdisho ka furmay shirka odoyaasha dhaqanka ee looga hadalayo arimaha dastuurka ayaa waxa u Tahriibay koox madaxdhaqameed ah oo ka soo jeeda Somaliland, isla markaana tan iyo maalintii la furtay shirkaasi waxa isa soo tarayey cabashada iyo dhaliilaha ay jeedinayaan qaar ka mid ah odayaasha u dhashay Somaliland.
|