|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29278 |
May 15, 2012 Jamada Al-Thani 24,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gudida Joogtada Baarlamaanka Oo La Sheegay In La Kala Diri Doono Kadib Markii Ay Ka Baaqsadeen Gudashada Waajibaadka Ay U Igmanaayeen Hargeysa, May 15, 2012 (Haatuf) - Guddiga Joogtada iyo Anshaxa Golaha Wakiilada Somaliland oo muddadii bil iyo dheeraadka ahayd ee Gole-weynuhu fasaxa ahaa aan wax fadhiya yeelanin, isla markaana ka baaqsaday hawshii ay Golahooda ugu igmanaayeen, ayaa la sheegay in Shirgudoonka Golaha Wakiiladu ay ka fiirsanayaan sidii ay isbadal isku shaandhayn ah ay ugu samayn lahaayeen xubnaha guddiga joogtada oo tiradooda guud ay ka kooban tahay 18 xubnood. Ma jiro war cad oo ka soo baxay Shirgudoonka Wakiilada oo faahfaahin ka bixinaya kala dirista guddigaasi joogtada, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola xubnaha guddigaasi ayaa Haatuf u xaqiijiyay, maadaama guddigaasi joogtadu ay ka baaqsadeen xilkii golaha ay ugu xil saarnaayeen muddada labada kalfadhi dhexdooda, la filayo in Shirgudoonka Golaha Wakiiladu ay badalaad iyo isku shaandhayn balaadhan ku samayn doonaan xubnaha guddigaasi ee ka baaqsaday gudashada waajibaadkii ay Gole-weynaha ugu xilsaarnaayeen. Xubnaha guddiga joogtada Golaha Wakiilada oo ah xubnaha ugu tirada badan ee siddeeda guddi hoosaadyada golahaasi, oo ka kooban 18 xubnood ayaa muddadii Goluhu fasaxa ku jiray tahli kari waayay inay kasoo xaadiraan lix xubnood, kuwaas oo xilkii ay ugu igmanaayeen Golaha Wakiiladana kaga mashquulay dano gaar ahaaneed oo u khaasa, kuwaas oo shaqo xumida iyo xil gabista guddigaasi lagu sababeeyo inay ka dhalatay labada masuul ee guddigaasi ugu sareeya, gudoomiye Maxamed Barkhad Miigane iyo xoghaye Axmed Maxamed Nacnac, oo lagu tilmaamo kuwo ka gaabiyay inay ka shaqaysiiyaan xubnaha guddigaasi.
|