|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29278 |
May 15, 2012 Jamada Al-Thani 24,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Maayar Jiciir Oo Eryey 23 Ciyaartoy, Iskuna Duubay Mushaharkii Yaraa Ee Ay Ka Qaadan Jireen D/ Hoose Iyo Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Cabashadooda Hargeysa, May 15, 2012 (Haatuf) – Maayarka Caasimadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa soo saaray amar uu Mushaharkii kaga joojinayo dhawr iyo labaatan Ciyaartoy oo ka tirsanaa kooxda dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo mudo 10 sano ku dhaw ku ciyaarayey magaca dawladda hoose ee Caasimadda. Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Ciyaartoyga Maayar Jiciir ayaa dhawaan soo saaray warqad qoraal ah oo ku wargalinayo Ciyaartoyga dawladda hoose, kaas oo Amarkan Maayarka Hargeysa Mr. Jiciir, taas oo run ahaantii argagax ku noqoto xubno badan oo u baahnaa Mushaharka yar ee ay ka qaadan jireen dawladda hoose ee Caasimadda oo ahaa 480,000 Shilings Somaliland. Mid ka mid ah Ciyaartoyga dawladda hoose ee Hargeysa oo ka cudurdaartay in Magaciisa la shaaciyo ayaa Haatuf u sheegay in Maayarka Caasimadu talaabadan uu qaaday wakhtigan inay u muuqato mid uu ku sii baabiinayo dawladda hoose, kaas oo tilmaamay inuu Maayarku wakhtiga yar ee u hadhay uu ku sii hanti urursanayo waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dhaqanka Cali Siciid Raygal oo isaguna xalay Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey ayaa sheegay inaanay wali is arag Maayarka Caasimadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir,waxaanu tibaaxay inuu arintaas ka hadli doono marka ay Maayarka iska arkaan talaabadaas uu ku kala diray Ciyaartoyga dawladda hoose ee Hargeysa. Ugu horayna Wasiirka Cali Siciid Raygal oo ka hadlaya waxa uu kala socdo Talaabada uu Maayar Jiciir ku eryey Ciyaartoygii u ciyaarayey, waxa uu si kooban u yidhi “Arintaas waan maqlay laakiin Maayarkii ismaanu arag, markaa waxaan ka hadli doonaa uun marka aanu Maayarka Caasimadda kulano”. Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal ahayd in loo diiday inuu la shalay la kulmo Maayar Jiciir oo xafiiskiisa loo diiday, waxa uu yidhi “May arintaas waxba kama jiraan, mana jirto meel la iigu diiday anigu inaan la kulmo”. Dhinaca kale xubinta ka mid ah Ciyaartoyga dawladda hoose ee Hargeysa oo ka hadlaya sababta uu Maayarku u kala diray wakhtigan ciyaartoygooda, waxa uu yidhi “Maayarka Hargeysa Mr Jiciir waxa uu na mariyey tubtuu uu mariyey 42-kii Jaamiciinta ahaa ee dhawaan laga shaqaalaysiiyey dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo ahaa ardaydii Jaamacaha ka baxay oo mudo 2 bilood ah oo kaliyey ayey iyagu shaqaynayeenba oo wuxuu yidhi waxba naguma soo kordhinayaan Jaamaciiintaasi. Mida kale Ciyaartoyga iyo dhalinyaradaas Jaamaciyiinta ahba waxa ansixiyey golaha deegaanka oo shaqaalayntooda sharciyeeyey. Ciyaartoygaasi isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Markii shaqaalaha dawladda 100% Mushaharka loo kordhiyey shaqaalaha dawladda hoose 20% oo waxa u kordhiyey golaha deegaanka, wixii oo dhan isagaa madaxa kaga fadhiya oo yidhi aniga ayaa maamula oo xataa 20% wuu diiday oo wuu ka joojiyey shaqaalaha, Ciyaartoygana waxa uu leeyahay dhaqaale la’aan awgeed ayaanu uga maaranay oo Mushahar ma siin karno, waxaanu warqad uu ku joojinayo Mushaharka Ciyaartoyga dawladda hoose uu soo saaray 6-dii bishan May”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya mar Wasiirka Ciyaaraaha iyo agaasimihiisa laga horjoogsaday inay la kulmaan Maayarka, waxa uu yidhi “Maanta-na waxa u yimid Maayarka oo askartii xafiiskiisa horjoogsadeen Wasiirka Ciyaaraha iyo Agaasimihiisa guud, waxaanay halkaas kala soo noqdeen Waji gabax, waana foolxumo inuu Masuuliyiin xil qaran haya uu yidhaahdo ha ii sii daynina oo uu kaga marmarsoodo shirbaan ku jiraa, markaas sidaas ayaanay bishan Mushahar ku qaadanayn ciyaartoygu, xataa bishii April oo ay ku leeyihiin Mushaharkii waa loo diiday, waxaanan u malaynayaa uun inuu is leeyahay wakhtiga yar ee kuu hadhay ka xamaan ururso meesha oo lacagta Mushaharka inuu gaar u isticmaalo ayuun buu rabaa. Mushaharka uu joojiyey Maayarka Hargeysa ee ay qaadan jireen Ciyaartoygu waxa uu ahaa 480,000 Somaliland Shilings ah, taas oo ciyaartoyga ay qaarna nolosha Faamilygooda kula tacaali jireen, halka kuwa Jaamacadaha dhigtaana ay wax ku baran jireen”. |