|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29278 |
May 15, 2012 Jamada Al-Thani 24,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Maraykanka Oo Tababar Siinaya Ciidamo Yugaandhiis Ah Oo Somalia Ka Hawlgali Doona Kakola, Uganda, May 15, 2012 (W.Wararka) – La Taliyeyaal dhinaca Milatariga ah oo Maraykan ah oo hore casharo iyo tababaro uga soo bixiyey Ciraq iyo Afghanistan ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn ugu hawlanaa tababaro ku saabsan dhinaca Milatariga oo ay Siinayaan Ciidamo Yugaandhiis ah oo ka hawlgali doona Somalia si ay ula dagaalamaan Al-shabaab. Horaantii Sanadkan ayaa koox yar oo ka tirsan Marines-ka Maraykanku ay heshiis tababar kula galeen Saldhig ku yaala dalka Uganda si ciidamo Midawga Afrika ka tirsan oo Somalia loo diri doono ay u tababari lahaayeen, iyadoo kooxda xidhiidhka soke la leh Alqacida ee Al-shabaab ay aad awoodoodii loo diciifiyey. Dawladda Maraykanka ayaa iyadu cutub yar oo kaliya oo si khaas ah u tababaran u dirtay Somalia si ay u bartilmaameedsadaan xubno Alqaacida ka tirsan oo ku sugan Somalia ama la haystayaal u afduuban budhcad badeeda Somalia si ay uga soo furtaan, balse aan si toos ah u galin dagaalka lagaga soo horjeedo Alqacida iyo Alshabaab, tan iyo intii ay Maraykanku uu ciidamadiisa kala baxay Somalia sanadkii 1994, inkasta oo wadamo kale oo afrikaan ahi ay Somalia soo galiyeen kumaan ciidamo ah oo la dagaalama kooxahaasi oo ka hawlgalay wadan aanay ka jirin sharci oo dadkiisuna uu gaajoonayo. Saraakiishan Americanka ah ee Tababaraya ciidamada Uganda oo khibrado ku soo qaatay wadamo uu duulaan ku qaaday Maraykanku ayaa waxa ay siinayaan casharo ku saabsan sida looga hor tago walxaha qaraxa iyo sida magaalooyinka loogula dagaalamo dagaalyahaniinta Mayalka adag.
|