|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29278 |
May 15, 2012 Jamada Al-Thani 24,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ardayad Dhigata Jaamacadda Gollis Oo Ku Guulaysatay Inay Qorto Buug Loogu Wanqalay Qiimaha Ay Waxbarashadu U Leedahay Hablaha Hargeysa, May 15, 2012 (Haatuf) - Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayey Buug ay qortay Niciima Faysal Maxamuud oo ka tirsan Ardayda wax kabarata Jaamacada Gollis oo ay soo qaban qaabisay isla jaamacada Gollis ayaa Habeen hore lagu qabtay Summer Time Restaurent ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Xafladaas masuuliyiinta, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Gollis, xildhibaano, xubno ka socday hay’adda Care International, Abwaano iyo martisharaf kale oo tiro badan. Ugu horayn waxaa madashaasi ka hadlay xildhibaan C/raxmaan Xuseen Caalin oo u hambalyeeyay qoraaga da’da yar ee soo bandhigtay buugan cusub Niciima Faysal Maxamuud guusha ay gaadhay waxaanu xildhibaanku kula dardaarmay ardayada buugaas qortay inay dadaalkeeda halkaa ka sii wado, isla markaana da’yarta kalena ay ku daydaan gaar ahaan Gabdhuhu. Sidoo kale Waxa isna halkaas ka hadlay Maxamed Ibraahim Xujaale oo ah qoraa wayn, kana sheekeeyay kaalinta ay barigii hore Gabdhuhu kaga jireen bulshada Soomaalida iyo haatan sida ay bulshada ugula qaybqaataan dhinacyo badan sida waxbarashada shaqooyinka iyo wixii la mida. Waxaanu ka sheekeeyey in qoraanimadu ama abwaanimadu ay tahay hibo ilaahay dadka ugu deeqo balse mararka qaarkood uu abwaanku uu kala kulmo dhibaato, kaas oo sheegay in buugiisii ugu horeeyey ee uu qoray oo magaciisa la odhan jiray “All In The Family” inuu ku mutaystay dhibaato badan iyo xadhigba. Dhinaca kale Waxaa iyana xafladan lagu daahfurayey buugan ka hadashay Naciima Faysal Maxamuud oo ah qoraaga buugaas diyaarisay, isla mar ahaantaana ka tirsan ardayda wax kabarata Jaamacada Gollis qaybteeda Civil Engineerin-ka waxayna ugu horayn u mahadnaqday waalidiinteeda wax soo baratay iyo qoraa Maxamed Ibraahim Xujaale oo ka caawiyey soo saarista buugeeda iyo Guddoomiyaha Jaamacada Gollis Dr. Siciid Axmed Xasan, waxayna ka war bixisay xiligii uu ku dhashay fikirka ah inay qorto buugan oo ahayd xiligii ay Jaamacada Gollis ku soo biirtay. Qaybaha uu buugani ka koobanyahay oo ay ugu wayntahay bay tidhi qiimaha ay waxbarashadu Gabdhaha u leedahay. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Maamulka Jaamacadda Gollis, kuwaas oo dhamaantoodba sheegay inay hiil iyo hooba la garab istaagayaan ardayada iyo cidkasta oo doonaysa inay harumar ku talaabsato. Waxaana xafladaasi lagu soo bandhigay masraxiyad ka turjumaysa qiimaha ay waxbarashadu u leedahay aadamaha gaar ahaana gabdhaha da’yarta ah Gabagabadiina waxa ay halkaasi ay Niciima Faysal Maxamuud ku gudoonsiisay shahaado sharafyo qaar ka mid ah shakhsiyaadkii wax kala qabtay soo saarista iyo isku dabaridka buugan. |