|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29278 |
May 15, 2012 Jamada Al-Thani 24,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Safarkii Mahadhada Lahaa Jamal Abdi Muhumed (Mahdi) Waa arooryo hore oo ay sii kala Sahay qaadanayaan Qoraxda iyo Daxayu. Hada ayuunbuu shaacu soo cadaanayaa waa wakhti aad dirqi ku kala garan karto Geedka iyo Ruuxa waayo habeenkaasi waxa uu ahaa Gudcur 15aad ah, Goorsheegtu waxa ay Caga-cagaynaysaa 3:15 Am Habeenimo. Wakhtigan waxa aan kasii baxayaa Gurigaya oo kuyaal Hargaysa gaar ahaan xaafada Xidigta waxa an usii xadhko xidhanayaa Goob miyi ah waxaanaan rabaa inaan gaadhiga oo aan anigu wade ka ahay aan cagaha u saaro jidka taga magaalada Berbera, laso Gaadhi waa Lancrusal 4w, waxaanse wadada kaga baydhayaa Tuulada Abdaal oon uuga kacayo Koonfur Quman. Waxa Kalahaadan iigu wacan waxtiga oo ah gu iyo dhulka oo biyuhu Qul-qulayaan roobkuna uu da’ayey bishii u danbaysayba si aan u dhaafo ifika maalin nimo goobaha dhiidhiga ah. Waa Dul Jilaalkii oo dhan hadba meeshii Caws leh Xoolaha loo Haybiyo ama loo rarro , waxa dishooday raadka xoolaha, waa Dul bus iyo habaas badan hasa yeeshee bishii u danbaysay roobabku ku laxaad sadeen , Bishan oo ah Guyaad Horaanteed ayaa reerguuraga dhulkani dagani mid walba dib uugu soo laabtay halkii uu hore uuga hayaamay Jiilaalkii, Geediga iyo Sahanka ayaa habaqle ah, waa deegaan jeesas yar yar mooyee aan dad sidaa usii badaniba daganayn wakhtigan hadana Qallo ah. Gadiidkaa Deegaankan u baxaa waa laba qad, Dadkuna Goobaha tuulayaasha ah kaliya waxa ay Yimaadaan habeenka uu gaadhiga rakaabka ihi Magaalada ka imanayo oo kaliya, Waxaana ay soo doontaan qaadka oo uu gaadhigaasi tuulada keeno, waa dad aan daawlad waxba u ogayn waa deegaan markaasi uun barwaaqo iyo gu horaantii galay xooluhuna ay badidooda maqashu Waabka uugu jirto . Waa deegaan ninkii doob ahaa hada uun bilaabay inuu noqdo guurmeer una sahan taggo ooridii uu la hoy gali lahaa . sidaa si lamida ayaa iyagana hablihii gashaan timaha ahaa ay iyaguna u bilaabeen Cays gur iyo Alaabaysi. Waxaan hadba Galli, Kayn, Ay Iyo banano Doogu milikhyahay oo ay isa simen Dareemada,Rista, Gargoor, Tima Hawenlaha, Garagarada iyo warabta ama faraqa Geeduhu sii dhex qaadaba , waxaan Dukur ku dhawaad kii ku nastay Tuullo ka Dhisan Jaajuur Dhoobo ah, Tiirar iyo Sarab. Waxay aan intii aanaan guda galin Tuuladan Duleedka ku soo dhaafay Halo aan ku Qiyaasay inay Shalay oo kale Dhaleen oo Nirgokooda dul jooga iyagoo daaqayey goob tigaad badan nirguuhuna jiifeen goob risa, Cosobka meesha Geelu daaqayey ku yiil ka sokow Roobkii Xalay miray Xareediisiibaa Dhijaan, Gal iyo Galgalinba Galac lahayd Waxaan Istaagay Tuulada oo markaasi ahayd Afar Dargadood iyo Laba Waab waxaan ka dagay gaadhiga waxaan markiiba ku salaamay Caano Geel halaysiiyo . Waxa halkaas oo kale markaasi taagnay Gabadh Kasoo baxday Hoy Laba Daryaale ah oo ay aragiisa iigu danbaysay muddo dheer, shaw Gabadhu waa Aroos Cusub, iyada oon Jawaabba isiin ayaa inta ay dib u Laabatay iiso Qaaday Darmo ay Kala bixisay Hadh-qoodaar halkana iina Dhiibtay Dhiil Caano Geela oo Uguba kute Soo Fadhiisu Darmadan oo Caanaha Dhan. Mahadsanid inta aan idhi ayaan Gaadhidhii Bakhtiistay oo aan Darmadhii Salka Dhigay Caanaha Bisinka u Qabtay ilayn Taraag ayaan ahaaye oo Gaajo ayaan bes ahaaye. Kadib inanti waxa ay iisoo toosisay wiilkii qabay oo ah nin dharin yaro ah markaasna aan anigu ninweyn u noqonayo laakiinse anigu ma dhaadani wiilkan inuu yahay Ninkeeda hasayeeshee dareen waa igu jiraa oo aad ayaan dareenkaygu u taagan yahay xataa inanta hadal nama dhex marin imana sheegin inay Caruusad tahay, hadana kor waayeel waa wada indhee waxaan isku qiyaasay guriga oo ka dhisnaa Kabad , Allool, Cawy todobaale ah iyo Googaas wada cusub oo dhalaalaya iyo labiska aan dumarka kale lahayn ee ay xidhnayd. Waxba yaanan hadal idinku daaline inankii agtaydaa salka dhig waxa uu markaasi xidhnaa Macawis Cusub oo nooca loo Yaqaan Abu Saraandaha ah iyo GO Shaala , judhiiba waar maxaad sheegtay iyo nabad. Waxaanu bilaa bay hayb iyo inuu I hayb sado markaasi kuma cusbi Miyi aan tago oo waa caado aan hore u arkay lamana yaabin laakiin waa xusuus dheer marka aad maqasho ereyadan:- Reermaad Tihiin, Waa Darma, maxaad sheegteen iyo weedho kale oo badan. Intii aanaanu hadalkaba kala bogan, waxa layaab igu noqotay inaan bidhaan meel dheer ka halac sado, in kasta oo aanaan burkaba bahal ka filayn. Waxaan hadba isha dhan uula raacaba waxa ay marba kayni qarisaba Bidhaantii ayaa soo dhawaatay, waxa aanay noqotay gabadh Gashaanti ah oo Hubqaad ,Bilic iyo Quruxba ilaahay u dhamaystiray, waxaanay markaasi ahayd Milxiisadii Arooska oo ku labisan dharkii hidaha iyo dhaqan oo aanay waxbo ka maqnayn waxaanay naga soo istaagtay Dhankaa Bari ee Cadceed kasoo baxa . iyada oo xishood ka muuqdo . Waa laydin Salaamay iyo lagaa qaad markii aanu is weydaarsanay ayaa sheekadii halmar isku badashay Ilaaq iyo Kaftay aan Turxaan lahayn oo iska soo horjeeda, inay mixiisad ahayd ii sheegtay, barasho kadib . Waxa ay ii sheegeen inay Maanta tahay Todobabixii Arooska, ana aan la joogayo kana tagi Karin Bari mooyee “ waa reer magaalka halkani waxa ay leedahay dhaqan qofka nasoo martiyana ilaa aan sooryeyno ma tago caanuhu sooryo maaha oo caawa waad joogaysaa” inantii ayaa sidaa igu tidhi. “waa siwacan walaal lkn waxaan ku socday meel aad u durugsan lugna ma ihi sooryana iima dhina oo caanaba isiiseen waxaan umalaynayaa inay idinka badantahay inaan idilo qadeeyaa” ayaan uugu jawaabay. Intaa kadin waxa na dhex galay Caruuskii oo yidhi “waa sida inantu tidhi amarkeeda weeyaan todobaxana arooska lama dhaafo hadii aad timi”. Intaa kadib waxaan go’aan saday inaan joogo oo aan la joogo reerkan Arooska ah si aan uuga faa’iido waxyaalo badan oo xaga dhaqan ka ah. Milxiisadu waxa ay ahayd 20 jir Hilib iyo Hanaan Dumarnimo Ilaahay u dhameeyey Dhexdu waxay ahayd Qabatin , Joogeeduna meel dhexaad dherer raacsan. Dhiico,Golxo, Qallaafo,Wegdo iyo wax kale oo qotinkeeda waxyeela midnaba looguma tallo galin. Kubka Boqob iyo xagal ka dhex baa isku jooga, Wajigeeda suuban, Suniyaha gayr-gayran ee indhaha korkooda ku daliigan, gacmaha hilibku simay ee xaada leh , ilkaha safan ee cadcad iyo ciridka sugulka ah ee saldhigooda ku seeman , Curcurada farawgu cammiray iyo cabaadhyaha qoorta ku daliigan ayaa markii aan jaleecaba Qalbigayga jiidanayey . Timaheeda ay subaxdaasi sida layaabka leh usoo gadafaysay waxa aad moodaysay Faras Suunaari ah Sayntii. Intaasba waxa kasii darnaa Miyirkaiyo habsamida ay talaabada u miisaamaysay. Waxaanu Aniga Caruuska iyo Milxiisaduba u kacnay dhanka gurida oo markaasi Qadadii lagu diyaariyey waxaanuu ku qadaynay faftakii iyo barashii oo xiiso sii yeelatay. Cabaar kadib markii la qadeeyey waxaan u anbo baxnay xaga dudada guri iyo kanbalka halkaasi oo aan daawasho aniga ii ahayd waxaanaan hadba cabaar marka aan quruxda dhirta ku mashquulo ku soo laabanaayey haasaawihii oo aan garabkayga talaalixinaayey walow aanaan isba fahmahayn dhanka haasawa magaalada iyo ka miyiga oo kala duwan awggood. Cadceedu markii ay dhanka Galbeed u Hogaansantay ayaanu dheelmasho iyo xoolo xaray iyo show ciyaargu habeenkaas ah ku hoyanay.waxaana la loogay labaneef oo sooryo ah. Anaga iyo Gaadhigaygii waxa naloo diyaariyey Ardaa Wayn oo dugsoon waxaana layskukay dul dhigay Darmo , Go Shaala iyo Birkimo dabna lay shid. Iyaguna xoolo lis iyo casho samayn u dareere, Waxaa Kaligay Ardaaga fadhiyaba waxa isoo hormay Quruxdii iyo heemaal Milxiisada , saxan saxadii udgoonayd ee kaymaha iyo quruxda Ramadka dhalay. Geelii iyo Adhigiiba inta hore loo Maalay, waxaana fiidaddawgiiba hareeraha kasoo baxay laydhadh badan oo aan anigu u haystay baabuur lakiiin ahaa Tooshash ay sitaan dad cayaar gud ahi, waa gad lagu yaqaanaaye waxa tuuladii oo markaasuun waxoogaa odayaali yimaadeen oo sugaayey qaadka saran baabuurka Hargaysa ka imanaaya ka dul qab sadeen Duleedkiisa Sacab iyo Or, Hal nabar ah markii haloosiyayeen ayaa reerkii arooska oo shaw ablo badani isku yimaadeen soo dareereen mise waxaaba hogaaminaysa milxiisadii, waxa habeenkaa oo dhan Sidida la hayaba, waa soo dhawaadkii ayaa Gataati dhac lala kala tagay . Mahadhadu waxay ahayd ciyaarta heesaheedo dhamaan waxay ahaayeen kuwo siyaasadaysay una badan Shareero, Duurxul, Silansugan iyo Yamxeero, waxaana lagaga wada hadlaayey Quruxda Milxiisada iyo mooganaan Daawlada Somaliland. Yaab iyo fajac amakaag ayaan dhabana qabtay waxa iskugu kay hagaagi waayey Somaliland Dawladeeda iyo waxa kala galay inantan bal adba. Intii Dhalin yaradu sii kala socdeen oo dhan waxa ay faaladeeda ku jireen Milxiisadii “waar miyaanay wadnaba lahayn ?” “ waar waa madaasho” “Allaylehe nin calfadaybaa cawo iyo ayaan leh” faalooyinkaas oo dhami waxay ay igu ahaayeen dhinbiilo si gaara ii taabanaya hada se waxa aan ka fikiraya meel kale mar waxaan eegayaa ciyaarta marna sheekada ay ku dhex qarinayeen ee u dhaxaysa Somaliland iyo Inanta . Waxaan ku laabtay Ardaagaygii waxaana ii timi inantii oo hugeede u dhan yahay waxaana ay I tidhi” waa su’aal aan curad ahayn oo barashaa iskugu keen laabnayd ma hubtaa Halaajiyayeel iyo halyeeyo mida aynu nahay?” yaabay oo idhi “ malaa labada midna ma nihin waayo halyey ma ihi oo ma soo dagaalamin halaajina ma ihi oo wali layguma sheegin” . intaa kadib waxay ii sharaxday sheekadii ciyaar oo oo ilaa fiidkiiba aniga imari la’ady waxaana ay tidhi “ waxa caawa yimi ninka ah kaabaha ama Gudoomiya tuuladan waxaana uu dadka deegaanka wax kaga guraa xilga jiilaalka ee caawimada loo baahan yahay xoolo keena aan Magaaladii ku tago oo aan dawladii idiin la soo hadlo waxna lagama arka ta kale dawladu dan marka ay leedahay ee doorashada way timaadaa oo waxbay naoo sheegta oo tidhaa badaan milix ka dhigi hadana ma arag” Markii ay hadalka halkaasi marinaysay ayaan su’aalay dawldee wax ka tabanaysaan ma tan mise tii hore waxaana ay ku jawaabtay “tanaaba uugu been badan waxaanse adiga ku su’aalay odaygii Siilaanyo ma noolyahay ma dhintay maba maqlee xaguu joogaa waxaanaan iigu dartaa horta Xirsi Idaacada ayaanbaan ka maqlaa iyo gawaadhigaa hargaysee ma Silaayaa dhalay” Waa jawaab maqan. Intaas ayaan habeenkaas ku kala gaabsanay wanaanu kala hurdo tagnay waxaananaan ka anbo baxay salaadii danbe gaadhayna meeshii aan rabay, Laba Caana maal kadib ayaan dib usoo baray jidkii waxaana aan la kulmau Layla oo inat tuuladii Maqaaxi ka furatay Isna uu guurswaday nin Sare, hase yeeshee madawga. diifta, diihaalka iyo dacaska ka muudo aanaad odhanayn waa inantii ama Gabadh Madaxweyne waxaana uu furay hal Dalqad. Lasocoo Inantu waxay ahayd inan qurux leh 20 jir ah oo bala Caano maal la qabay . waa hubaal oo waxa laga furay dabar ay ku taamaysay in bar uun laga furo laakiin iyadu waxa ay jeclayd in hab Diblumaasi looga furro oo ay nolosheeda la wadaagto nin aan waligeed furin oo cadawga ka ilaaliya una heelan. taasina ma dhicin. Hadaba akhriste Dhaliil maleeyahay ninka Guursadaa Somaliland Iyo Maxaa Kala Galay Milxiisada? Jamal Abdi Muhumed (Mahdi) Freelance Journalist, based in Hargeisa. Reporter, News editor and Feuture writer. Tell: 00-252-2-4127409 Email:- mahdi760@hotmail.com |