|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29278 |
May 15, 2012 Jamada Al-Thani 24,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wada Tashiga Iyo Islaamka Shuuradu waa mabda islaami ah oo weyn oo aan lagu soo koobi Karin halkan, laakin waxan tilmaamayaa qaybo kamid ah. Alle (swc) waxa uu amray nabigiisa (scw) in uu la tashado asxaabtiisa, Alle wax uu ku amaanay muminiinta in ay wada tashadaan .Wada tashigu kuma koobna arrimaha siyaasadda iyo dawladda oo kaliya, ee arrimaha qoyska muslimka waa lagama maarmaan tusaalle markii hooyadu ay ka goynayso ilmaha naaska in ay ka wada tashtaan iyada iyo odeygeedu weeye. Sidoo kale, wada tashigu kuma koobna muslimiinta oo kaliya waxan qur’aanka kabarannay in Fircoon uu la tashaday dadkiisii kadib markii uu soo waajahay Nabi Muuse(cs), in uu yidhi maxaad i amraysaan ( َ نوُسُمْأَت اَذاَمَف ) ( 1 ) .Haweenaydii xukuntay Yemen ee reer Saba waxay la tashatay xaashiyaddeedii(dadkeedii) ka dib markii nabiyulaahi Suleymaan (cs) uu fariin udiray )مَا كُنْتُ قَاطِعَتً أَمْساً حَتَّ تَشْهَدُونِ () 2 ) Ma aan ahayn mid goosata arrinta ilaa aad goob joog tihiin ma’ ahee. Qisatu yusuf(cs) waxaan iyana aragnay in ay walaalihiis dilkiisa ka tashdeen markii dambena mid ka mid ah uu yidhi yaan laddilin ee ceelka ku tuura taladaas oo ka fiicnayd tii dilka. Nabigeena (scw)aad ayuu ula tashan jiray asaxaabtiisa Abuu hureyra waxuu yidhi ma arag qof ka tashi badnaa nabigeena (scw). Sidoo kale, khulafadii muslimiinta sida Abu bakar, Cumar, Cisman iyo Cali aad ayey ula tashan jireen muslimiinta.Haddaba maxaa ku habsaday ummada maanta oo ay uga hareen ummadihii kale ? Waa qofwalba oo iskiis u socda. Taasi waxay dhalisay burbur iyo halaag ku habsada ummada.Kelitalisnimadu waa go’aan mid naga mid ah uu gaarayo,ee aan lagala tashan dadka ehelka iyo waayo-aragnimada uleh islamka. Qaar -keen markii ay arrin ku dhaqaaqaan kaligood, natiijada ka soobaxdana ay la fiicnaan waydo ayey bilaabaan latashiyo taasina ma aha wadatashi ee waxaa loobaahnaa inta aan waxba la sameyn in la isla tashado.Haddii qof ka maarmi lahaa wadatashiga waxa ka maarmi lahaa nabigeena (scw). Imaam Ibnu taymiyah waxu leeyahay Alle waxa uu amray nabigiisa (scw) in uu latashado asaxaabtiisa haddaba qofkasta oo ka sokeeya nabiga (scw) waxa ku haboon wadatashi. Acraaf (111), namal (23) Dadkii rabigood raacay oo tukaday salaadda arrinkooduna noqday shuuro (wadatashi) dhexdooda ah , waxii aan ku irzaaqnayna wax kabaxshay. Alle (sw) shuurada waxuu dhexdhigay salaadda iyo sakada taasi waxay ku tuseysaa weynaanta la weyneeyey wadatashiga gaar ahaan muslimiinta iyo hoggaankoodu in uusan isaga gabood falin talada ee loo baahanyahay rog-rogid iyo xog aruurin dhab ah. Quraanka kariimka ah meelo badan ayuu Alle ugahadlay wadatashiga iyo ahmiyaddeeda waxaa ka mid ah suratul al-cimran,aayadda 159 (Naxariista Eebe darteed ayaad ujilicday haddaadse ahaan lahayd mid engagan oo qalbi adag way kaakala tagi lahaayeen hareertaada,ee iska cafi una dambi dhaaf warso kalana tasho amarka,markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebe(ku dhaqaaq) Eebe waxuu jecelyahay kuwa tala saartee ) Imaam Xassan al-Basri waxuu yidhi, Alle(sw) talada toosan ayuu dadka wada tashada ku hagaajiyaa. Sunnada nabiga(scw) waxay ku tusin in nabigu hadal iyo ficilba ku muujiyey wadatashiga,uuna latashaday saxaabadiisa dagaalkii badar,dagaalkii uxud,dagaalkii axzaab dagaaladii ka danbeeyey iyo kuwii kahoreeyey uuna oranjiray markasta oo arrini lasoogudboonaato. Saxaabadii nabiga iyo xaalkoodii shuuradu siduu ahaa Sida lalasocdo markuu nabigu(scw) dhintay waxay bilaabeen asaxaabadu in ay katashdaan qofkii naqon lahaa khaliifada rasuulka waxay na udoorteen Abu-bakor, markiiba waxaa ridoobay carabtii reer miyiga in kamid ah,Abu-bakor waxuu latashday asaxaabtii oo uu kamid ahaa Cumar waxayna taladii ku soo aruurtay in lala dagaallamo.Cumar ayaa talada muslimiinta la wareegay saas ookale ayaa muslimintu waxgarad koodii uga tashdeen looguna dhiibay talada muslimiinta.waxay ka wadatashdeen dagaaladii reer Ruum iyo reer Faaris masaajidka dhexdiisa si cad oo muuqata,tusaaloyinku waa badanyahiin Ujeedooyinka laga leeyaha wadatashiga waa xaq oo la helo: 1. Wadatashigu haddii ikhlaas iyo Alla kacabsi laraaciyo waa cibaado loogu dhawaanayo Alle dartiis lagagan dalbayo Alle dambidhaaf iyo janno 2. Waxaad ku baareysaa wadatashiga arrinta dulucdeeda iyo meesha xaqu uu jiro,Iimaamu Ibnu Jawsi waxuu leeyahay fawaa’ida shuurada ama wadatashiga waxaa kamid ah in arrin ay kugu cuslaato oo meelkale iyo dadkale aad kaheshid xalkeeda. Sidoo kale, Qataada waxa uu leeyahay Alle waxa uu amray nabigiisa in uu latashado asaxaabta isagoo waxyigu uu uimanayo taas oo ku tusaysa ahmiyada shuuradu leeday. 3. Faa’iidada waxaa kamid ah in laga takhaluso kaligitalisnimada iyo fitanta ay keeni karto qolo iney meel mugdi aha isku xirto oo ay wax marooqsadaan. Farqi weyn ayaa u dhaxeeya qof in uu go’aan isaga khuseeya uu qaato iyo go’aan ummadda oo dhan khuseeya.Haddii Alle uu yidhi hooyadii iyo aabihii kawada tashada nuujinta ilmaha,annagoo og in hooyadu ay tahay tan kaliya ee nuujineysa bal kawarran ummad dhan waxii kadhaxeeya oo ah mustaqbalkeeda, hogaankeeda,masaajiddeeda iyo dowladnimadeeda in hal qof ama labo ay ku kaliyeystaan ? 4. Waxaa fawaa’id kamid ah in xoogga muslimiinta la mideeyo lagana ilaaliyo tafaraaruqa iyo khilaafka,in si dhab ah loo xisaabtamo. 5. In lahelo ama latababbaro dhalinta mustaqbalka si ay u ogaadaan talada iyo wadatashiga Sidaadaraadeed Cumar markii arrin lagatashanayo waxa uu ku soo darijiray dhalinta si ay u maqlaan dadka waa weyn ra’yigooda sidey barri u noqon la haayeen kuwa kala gooya garta.Waxuu in badan u yeeri jiray Ibnu cabaas oo ahaa wiil yar oo nabigu uu u duceeyay. Marka ay raggu wada tashanayaan waxaad ku kala baran cuquusha kala duwan ee ragga iyo musatwahooda .Qof ayaa ku fiican meel oo aan ku fiicnayn meel kale. Qofku markuu ku dadaalo walaalihiisa kale in ay taladda la leeyihiin oo uu talada wax kasiiyo hadii ay ku guuleystaan waa sidii larrabey hadii kalana laisku dhaleecayn maayo sabatoo ah way kawada qaybgaleen arrintaas, haduuse kaligiis la gooni noqdo isaga ayaa ka masuul’ah aakhiro iyo aduunkaba. Somaliland Iyo Maxaa Kala Galay Milxiisada? Jamal Abdi Muhumed (Mahdi) Freelance Journalist, based in Hargeisa. Reporter, News editor and Feuture writer. Tell: 00-252-2-4127409 Email:- mahdi760@hotmail.com |