Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29278

May 15, 2012                                                         Jamada Al-Thani  24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siirada Saxaabada Rasuulka (scw)

Taariikhda Asxaabiyada Weyn Ee  Al Rabiic Binu Ziyaad Al Xaarithi  Q.1aad

Waxay ahayd goor ay magaalladii Rasuulka (scw) ee Madiina ayna weli ilaawin murugadii kaga timid geeridii khaliifkii muslimiinta ee Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee. Waxay ahayd xilli ay wufuuddii ka kala imanayay jihooyinkii kala duwanaa, si ay u doortaan Cumar Binu Khadaab, iyaga oo ballan kula galaya in ay siiyaan maqal iyo aqbalitaan wakhti kasta oo lagu jiro.

Haddaba, goor subax ay tahay ayaa waxa Amiiral-mu’iniinkii cusbaa u soo galay wafdi ka yimid Baxrayn, waxa wafdigaas la socday kooxo kale oo iyagana la socday wafdiga. Allaha ka raalli noqdee, Cumar Binu Khadaab wuxu si xiiso ay ku jirto u dhageysanayay hadalladii iyo dardaaramadii ay u soo jeedinayeen wufuuddaasi, bal si uu uga helo talooyin iyo tusaale wax ku ool ah oo isaga anfacda.

Cumar oo ay saamaysay waanadii Al-Rabiic

Wuxu Cumar Binu Khadaab hadalka u fasaxay wufuuddii, hase ahaatee hadalladoodii kamuu helin hadal naftiisa sidaas u sii saameeyay, wuxuna markii danbe milicsaday nin uu kheyr ka fishay, ninkii ayuu u baaqay in uu la hadlo, wuxuna ku yidhi “bal adiguna soo daa waxaad hayso”. Ninkii wuxu ku mahadiyay Eebbe (scw), wuuna amaanay, dabadeedna wuxu yidhi:- “adiga amiiral-mu’miniinoow waxaad ogaataa in aanan ummadda madax lagaaga dhigin aan ka ahayn in ay tahay imtixaan uu Alle kugu imtixaanayo, ee Alle uga cabso wixii madax lagaaga dhigay, waxaanad ogaataa in haddii hareeraha webiga Furaat ay ku lumo neef adhi ahi in xaggeeda lagaa weydiin doono maalinta qiyaamaha”.

Cumar Binu Khadaab waxa si weyn u saameeyay hadalkii uu yidhi ninkani, markaasuu ooyay, wuxuna yidhi “ma jiro qof laga soo billaabo markii aan khaliifka noqday iigu run sheegay sidaad adiga runta iigu sheegtay, ee kumaad tahay adigu?”. Wuxu yidhi “Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi”. Cumar ayaa haddana weydiiyay “oo ma waxaad la dhalatay Haajir Binu Ziyaad?”. Wuxu yidhi “haa”.

Markii ay dadkii ka kala dareereen fadhigii uu fadhiyay Amiiral mu’miniinka Cumar Binu Khadaab, ayaa Cumar ku yidhi Abuu Musa Al-Ashcari “waxaad noo soo ogaataa arrinka ku saabsan ninkaan, hadday daacad ka tahay hadalkiisaas waxaa hubaal ah inuu kheyr fara badan wato, isla markaasna uu noo noqon karo kaalmo weyn”. Kama soo wareegan waqtigaas wax yar, jeer maalintii danbe uu Abuu Muusaa Al-Ashcariy ka diyaariyay ciidankii furanayay magaallada “MANAADIR” kana tirsan gobolka Al-Ahwaz, isagoo markaas fulinayay amarkii uu siiyay khaliifka muslimiinta ee Cumar Binu Khadaab. Wuxuu Abuu Muusa ku daray ciidankii muslimiinta Al-Rabiic Binu Ziyaad iyo walaalkiis Haajir Binu Ziyaad.

Furashadii Manaadir

Ciidankii uu hoggaaminayay Abuu Muusa waxay go’doomiyeen magaalladii Manaadir, waxayna gaalladii degganayd halkaas la galeen dagaal aad u weynaa oo si daran labada dhinac loogu hoobtay. Ciidankii gaallada waxay soo bandhigeen xeelad dagaaleed oo sarreysa, taasoo sababtay in ciidamadii muslimiinta laga laayo tiro aad u fara badan.

Iyagoo sooman ayeey dagaalamayeen

Maalintaas ay muslimiinta dagaalka galayaan waxay ahayd bil Ramadaan, sidaa darteed waxay muslimiinta dagaalamayeen iyagoo sooman. Markii uu Muhaajir oo ay walaalo ahaayeen Al-Rabiic Binu Ziyaad arkay in dhimmashadii muslimiinta ay sii badanayso ayaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw), oo uu markaas naftiisa jidka Alle dartii u qaddimo. Sidaa darteed wuxuu is mariyay barafuunka ama cadarka la mariyo meydka, wuuna is kafnay, isagoo u dardaarmayna walaalkiis.

Maadaama uu Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee wuxuu jeclaystay in walaalkiis iyo ciidamada muslimiintaba ay afuraan, wuxuuna u tagay Abuu Muusa Al-Ashcariyi oo hoggaaminayay ciidanka, wuxuuna ku yidhi “ninkii Muhaajir ahaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw) weliba isagoo sooman, muslimiintiina waxaa isugu darsamay dagaalkii qaraaraa iyo iyagoo sooman, taasoo tabar-yareysay niyaddooda, wayna diideen inay afuraan ee wixii kula quman bal sameey”.

Abuu Muusa Al-Ashcariyi ayaa istaagay isaga oo u dhawaaqaya ciidanka, wuxuna ku yidhi: “muslimiintaay waxan goostay oo go’aansaday in qof kasta oo soomani uu afuro, ama uu iskaga hadho dagaalka”, wuxuna soo qaatay ibriiq/kldhi biyo ku jiray, sidii ayuuna biyihii ku cabbay, si dadkana ay u raacaan oo ay iyaguna afuraan, maadaama uu yahay amiirkooda ay waajib tahay in ay hadalkiisa aqbalaan. Markii uu Muhaajir maqlay hadalkii uu yidhi Abuu Muusa ayaa wuxu biyihii kabaday hal jeer, wuxuna yidhi “ wallaahi uma cabbin oon i hayay dartii, hase ahaatee waxan meel marinayay dhaartii uu dhaartay amiirkaygu”. Waana tarbiyad ay ka barteen macalinkoodii weynaa ee Rasuulka (scw), oo wuxu xaddiis macnihiisa ahaa ku yidhi isaga oo arrintan ka hadlayaya “qofkii aqbala amiirkayga waa qof i adeecay”.