Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29278

May 15, 2012                                                         Jamada Al-Thani  24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Real Madrid Oo 100 Dhibcood Ku Qaaday Horyaalka La Liga+Manchester City Oo Premier League-ga Ku Hanatay 1-Daqiiqo Iyo 8-gool Iyo Juventus Oo Ku Guulaysatay Horyaalka Serie-A-da Markeedii 28-aad Kadib Sanado Fadeexad Iyo Ganaaxyo Ay Hadheeyeen

Kooxda Real Madrid ayaa horyaalkeedii 32aad ee La Liga ku qaaday 100 dhibcood, iyada oo noqday kooxdii ugu horeysay ee gaadha 100 dhibcood hal xilli ciyaareed, ka dib markii kulan keedii ugu danbeeyay ay 4-1 ku jiidhay kooxda Real Mallorca. Real Madrid oo xaqiijisatay horyaalka Spain todobaadkii hore ayaa kulankii Axadii ku soo gabagabeysay guul islamarkaana kula dabaaldegtay garoon Bernabeu goolal ay u kala dhaliyeen Ronaldo, Benzema iyo labo gool oo uu dhaliyay Mesut Ozil.  Kooxda lagu naanayso Los Blancos Real ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee badisa 32 kulan oo horyaalka ah hal xilli ciyaareed islamarkaana horyaalka La Liga ku qaada 100 dhibcood. Waa horyaalkoodii ugu horeeyay muddo afar sanno ah ka dib, iyada oo tababare Jose Mourinho uu kooxda ku hogaamiyay xilli ciyaareedkiisii labaad koobka horyaalka oo ay sagaal dhibcood kaga qaadeen kooxda Barcelona. Santiago Bernabeu ayaa dabaaldeg weyn ay Real Madrid ku qabatay, iyada oo taageerayaasha Real Madrid  ay aad uga qeyb qaateen farxada ay ku soo dhaweynayeen horyaalkoodii 32aad ee La Liga. Dhanka kale kooxda Villarreal ayaa ku laabatay horyaalka heerka labaad, waxana ay sii raacayaan kooxaha Sporting Gijon iyo Racing Santander oo hore u xaqiijiyay in ay ka hadheen La Liga. Dhanka abaalmarinta Pichici waxa ku guuleystay ciyaaryahan Lionel Messi oo ku qaaday 50 gool, halka Cristiano Ronaldo oo ku soo xigay uu horyaalka ku dhameystay 46 gool oo La Liga ah. Guushii Real Kadib may seexan taageerayaasha kooxdu ee waxa ay farxada la qayb sadeex xidigaha kooxda Real Madrid , garooonka way nee Santiago Bernabeu waxa lagu qabtay munaasibad mudo laga shaqaynayay oo la isku arkay. Real Madrid damaashaad weyn ayay ku qabatay garoonka Santiago Bernabeu oo ay ugu dabaaldegayaan horyaalkoodii 32aad ee La Liga ka dib markii ay ku qaadeen rikoodh 100 dhibcood ah. Afar sanno horyaalkoodii ugu horeeyay kooxda Real Madrid ayaa ka oomanayd horyaalka mudo sadex sano ah, oo ay urursatay kooxda Barcelona.

Dhanka kale kooxda  MANCHESTER CITY ayaa  Si Taariikhi ah 44 sanno kadib ku hanatay Horyaalka Premier League-ga. Manchester City ayaa noqotay horyaalka Ingariiska markii ugu horeysay tan iyo 1968dii iyagoo 5 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay kaga badiyay 3-2 QPR oo marti ku aheyd Etihad Stadium. Edin Dzeko ayaa barbareeyay ciyaarta daqiiqadii labaad ee wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ka hor intii aanu Sergio Aguero dhalinin goolkii horyaalka gacanta u geliyay Manchester daqiiqadii 4aad ee wakhtigii dheeraadka ahaa.

Labada kooxood ee reer Manchester ayaa ku dhameystay min 89 dhibcood lakiin kooxda Roberto Mancini ayaa sideed gool waxa ay dheeraatay  kooxda Sir Alex Ferguson oo kulankeedii ugu danbeeyay 1-0 kaga badiyay Sunderland. Tartanka horyaalka ee xilli ciyaareedkan ayaa kii ugu xamaasada badnaa horyaalada yurub iyo horyaalka Ingariiska inta laga xasuusto taariikhda, waxana taageerayaasha Manchester City ay farxad darteed soo galeen garoonka markii ay ciyaartu dhamaatay. Sergio Aguero ayaa noqday halyeey ay kooxda xusi doonto, isaga oo daqiiqad gudaheed taageerayaasha Manchester City ka siibay waran xanuun badnaa islamarkaana ugu bedelay farxad ay sugayeen 44 sanno. Manchester City ayaa noqotay kooxdii 5aad ee ku guuleysatay horyaalka Ingariiska tan iyo intii loo bixiyay Premier League 1992kii.

Magaalada Manchester waxa ay noqotay labada daamood qayb farxadi  hadhaysay iyo daanta kale oo murugo la tiicaaya kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson kulankeedii ugu danbeeyay waxa ay ku dhamaysatay iyada oo qaaday horyaalka laakiin waxa laga faro maroojiyay ilbidhiqsiyo kadib markii goolka guusha ay heshay Manchester City. Dhanka kale tababaarha kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa u Hambalyeeyay Manchester City Hanashada Horyaalka Premier League-ga. Sir Alex Ferguson ayaa hambalyeeyay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City hanashada horyaalka ee Premier League. Lakiin tababaraha reer Scotland ayaa sidoo kale uga digay Manchester City in Manchester United ay soo noqon doonto xilli ciyaareedka soo socda iyada oo ka awood badan sida ay haatan tahay. “Anigoo ku hadlaya magaca Manchester United waxan ugu hambalyeeynayaa hanasha horyaalka Manchester City” ayuu yidhi Ferguson. “Maaha horyaal ay fududahay in lagu guuleysto, cid kasta oo ku guuleysatana way u qalantaa, sababta oo ah waa shaqo dheer oo adag”

Manchester United ayaa horyaalka ku guuleysan laheyd daqiiqadii 90aad. Madaama ay 1-0 kaga badiyeen Sunderland islamarkaana Manchester City lagu lahaa 2-1 kulankii ay QPR la ciyaarayeen. Lakiin Manchester City ayaa labo gool dhalisay wakhtigii dheeraadka ahaa, taas oo u sahashay in ay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horeeyay tan iyo 1968dii. Ferguson ayaa yidhi: “Ilaa iyo inta ay doonaan ayay Manchester City socon karaan. Waana waxa aad ka filan karto, lakiin taariikhda ay kooxda Manchester United leedahay ayaa meel gees ah na dhigeysa” “Waxan qabaa in aan leenahay taariikh hodan ah oo ka fiican koox kasta, waxa ay ku qaadan doontaa qarni in ay soo gaadhaan heerka taariikheedkayaga” horyaalka Talyaanigana waxa loo cumaamayaday kooxda

Juventus. Horyaalka Talyaaniga oo lasoo afjaray todobaadkii hore ayaa Axadii waxa koobka Serie A-da la gudoonsiiyey kooxda Juventus iyada oo koobka uu gacantiisa ku qaaday Del Piero oo si weyn looga tixgaliyo kooxda Juventus. Isaga oo ka hadalayana wuxu yidhi waxa sharaf ii ah in aan koobkan u qaado kooxdayda, mar wax laga qeydiiyey mustaqbalkiisana waxa uu sheegay in aanu ka fadhiisan doonin ciyaaraha isla markaana  tagi  doono Ingiriiska iyo Mareynkanka mid ahaan. Dhanka kale ciyaaryayanka kooxda Milan Inzaghi ayaa  kooxdiisa u dhaliyey goolkii guusha uu kusagootiyey kooxdiisa iyo taagerayaashiisa wuxuna ka fadhiisatay dhamaan ciyaaraha oo dhan.