Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29278

May 15, 2012                                                         Jamada Al-Thani  24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Hogaamiyayaasha Ururada Wadani, Gurmad, Horyaal Iyo NDB Oo La Sheegay In Shirar Hoose Oo Wadatashi Ay U Socdaan

Hargeysa, May 15, 2012 (Haatuf)-Masuuliyiinta iyo taageerayaasha ururada Horyaal, Gurmad iyo NDB oo ka mid ahaa sagaalkii urur ee guddiga diiwaangalinta ururada iyo ansixinta Axsaabta siyaasadu ay ku sheegeen in qiimayntii shuruudaha ay ku hadheen, ayaa la sheegay inay qorshaynayaan sidii ay ula midoob lahaayeen urur siyaasadeedka Wadani, oo ka mid ah lixda urur siyaasadeed ee ku gudbay qiimayntii lagu sameeyay.

Ilaa hada ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay masuuliyiinta ururada Horyaal, Gurmad, NDB iyo Wadani oo xaqiijinaya midowgooda, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola ururadaasi ayaa Haatuf u sheegay in qaar kamid ah masuuliyiinta ururadaasi ku hadhay qiimaynta iyo taageerayaashoodu ay isla qaateen inay la midoobaan urur siyaasadeedka Wadani.

Ilo wareedyadu waxay intaa ku dareen in shirar hoose ay u socdaan masuuliyiinta ururada Horyaal, NDB, Gurmad iyo Wadani, kuwaas oo la sheegay inay kaga wada hadlayaan sidii ay taageeradooda siyaasadeed ugu biirin lahaayeen ururka Wadani oo ka mid ah Axsaabta ka qaybgali doonta tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanada ee la filayo inay dalka ka qabsoomi doonaan dabayaaqada sanadkan 2012-ka. Hase yeeshee masuuliyiinta ururadaasi ayaa wali ka mid ah xubnaha mawqifka adag ka taagan go’aankii lagu reebay.

Urur siyaasadeedka Wadani ayaa maalintii doraad hantiyay masuuliyiinta iyo taageerayaasha ururka Badbaado oo isagu ka mid ahaa ururadii ku hadhay qiimayntii lagu sameeyay, ayaa si rasmiya ugu biiray ururka Wadani.