|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29279 |
May 16, 2012 Jamada Al-Thani 25,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
U Diyaar Garowga Xuska Maalinta Madaxbanaanida S/land Iyo Dhalinyaro Suuq Ka Helay Tolida Iyo Iibinta Calanka Hargeysa, May 16, 2012 (Haatuf) – Maalinta Jimcaha oo Wadd inaga xigo ayaa la filayaa in Bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisuba ay si weyn ugu soo dareeraan dabaal daga xuska sanadguurada 21aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland ay Madaxbanaanideeda kala soo noqotay Somalia. Xuskan oo sanadwalba loo dabaal dago maalinta ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka bisha May, ayaa si weyn looga dareemaa u diyaargarowga Munaasibadaasi gobolada dalka iyo dalalka dibadaha todobaadyo ka hor inta aan la gaadhin maalinta xusku dhacayo, kuwaas oo iibsada Calamo iyo Boodhadh muujinaya qiimaha ay maalintani u leedahay. Wariye Ka Tirsan Wargeyska Haatuf oo maalintii shalay u kuurgalay dhaqdhaqaaqa Bulshada Hargeysi ugu diyaar garoobayaan xuska Maalinta 18-ka May ayaa waxa uu ku waramay in dhaqdhaqaaq xoogani uu ka socdo goobaha lagu Tolo Dharka ee Dawaarlayaasha loo yaqaano oo todobaadyadii u dambeeyey si weyn ugu mashquulsanaa soo saarista iyo Tolida Agab kala duwan oo lagu xardhayo Calanka Somaliland oo ay ka mid yihiin Shaadhadh, Surwaalo, Garamaan, Koofiyado, Tayga Qoorta lagu xidho, Jeeni-qaar, mid Gacmaha lagu xidho iyo Duruuc iyo Shalmadaha Habluhu Qaataan, oo dhamaantood ka Samaysan Midabada uu ka kooban yahay Calanka Somaliland ee isugu jira Akhdarka, Cadaanka iyo Casaanka ay xidigtu dhexda kaga suntan tahay. Dadka Sameeyaa Agabkaasi ayaa iyagu xiliyadan Suuqoodu xaami noqdaa, kuwaas habeen iyo maalin ku foogan Tolida iyo Soo saarista Astaamahaasi lagu xusayo Maalinta Somaliland ay Madaxbanaanideeda ku dhawaaqday oo ku beegnayd 18-kii May 1991-kii, ayaa waxa Tolida Agabkaasi ay keentay in dakhliga hadda soo gala uu bato kii hore usoo Gali Jiray Dawaarlayaasha. Sidoo kale waxa jira Dhalinyaro tiro badan oo Jumlad ahaan uga soo qaadata Dawaarlayaashaasi Farsameeya Agabka lagu xardhay Calanka Somaliland oo dib uga iibiya Bulshada oo aad ku arkaysaa iyaga oo la wareegaya goobaha ay dadku isugu yimaadaan, kuwaas oo marka aad la sheekaysato kuu sheegaya inay shaqo ka dhiganayaan Iibinta Astaamahaasi Calanka Somaliland, isla markaana ay kala soo baxayaan Nolol Maalmeedkooda. Mid ka mid ah Dhalinyaradaasi oo Magaciisa ka gaabsaday ayuu Wariyuhu Waydiiyey Qiimaha uu Siinayo iyo sida looga Iibsado, kaas oo yidhi “Runtii dadku way iga iibsadaan si ay maalintaasi 18-ka May ugu muujiyaan dareenka ay u hayaan xuska maalinta Madaxbanaanida Somaliland, waxa aan siinayaa Koofiyadan laga tolay Calanka Somaliland oo kale 12,000SL/shilling ama $2 dollar”. Si kastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa maalmihii ugu dambeeyey xukuumada dhaliilo ugu soo jeedinayey inay ka seexatay qabanqaabada 18-ka May inay u soo agaasinto si la mid ah 18-kii May ee sanadkii hore oo in badan oo ka mid ah bulshada Caalamka indhaha ku soo jeedisay sida Somaliland loo duudsiyey xaqa ay u leedahay inay aayaheeda ka tashato oo la Aqoonsado. |