Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29279

May 16, 2012                                                         Jamada Al-Thani  25,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiir Duur Maba’diida Uu Ka Aaminsanaa Saxaafada Xilligii Uu Ka Tirsanaa Baarlamaanka

Hargeysa, May 16, 2012 (Haatuf) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa lagu tilmaamaa muddadii sanadka ahayd ee uu xilka ka hayay masuul habdhaqano xadhig iyo cago juglayn iskugu jira u adegsada Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinmta Madaxbanaan, kaas oo muddadii lixda sanadood iyo dheeraadka ahayd ee uu ka tirsanaa Golaha Wakiilada ahaa mudane si weyn ugu dhawdhawaa warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka hawlgalada, islamarkaana ka mid ahaa xildhibaanada inta badan ka qaylin jiray tacadiyada iyo cabudhinta lagula kaco Suxufiyiinta iyo Madaxbanaanida Distooriga ah ee Saxaafadana u doodi jiray, isla markaana aan dhib u arki jirin haddii Saxaafadu dhaliilo uu leeyahay ay tilmaanto.

Hase yeeshee Wasiir Duur ayaa muddadii xilka Wasaarada arrimaha gudaha loo magacaabay lagu tilmaamaa in isbadal weyni ku dhacay habdhaqankiisii iyo aragtidii uu hore uga aaminsanaa saxaafada iyo xuquuqda suxufiga xilligii uu ku jiray golaha wakiilada, kaas oo lagu dhaliilo in muddadii uu kursiga wasiirnimada ku fadhiistay uu Saxaafada wax ka tilmaanta dhaliilaha xukuumada ama xilgudashadiisa aan xamil iyo dulqaadkii uu lahaa xilligii Baarlamaanka aanu u lahayn hadda, balse lagu eedeeyo in suxufiga dhaliilihiisa Tooshka ku qabta inuu xadhig iyo hanjabaad iskugu daro, iyadoo sidoo kalena shirarka jaraa’id ee uu qabto ee Suxufiyiintu su’aalaha ku waydiinayaan kaga jawaaba su’aalaha uu dhibsado hadalo aan munaasib ahayn, oo ay ka mid yihiin “Suxufiyow mucaarid baad tahaye shirjaraa’id adigu qabo”, taas oo uu kaga gabanayo in su’aalaha la waydiiyo uu jawaab waafiya ka bixiyo, halka uu xilligii golaha wakiilada uu ka tirsanaa uu ka mid ahaa wasiir duur mudanayasha su’aalaha lagu waydiiyo shirarka jaraa’id sida mug leh oo maangal ah uga jawaaba, isagoo kalsooni ku qabay dhaliisha uu tilmaamayo iyo jawaabaha uu ka bixinayo mawduucyada wax laga waydiiyo ee xilligaasi taagan, balse wakhtigan xaadirka uu wasiir Duur dareemo sas ah ka qabo dhaliilaha ay saxaafadu soo bandhigayso.

Ilaa hada inta la ogyahay wasiir Duur ayaa muddadii uu xilka hayay waxa Xabsiyada dalka loo taxaabay suxufiyiin kor u dhaafaysa kontomeeyo, kuwaas oo qaar ka mid ah jidh-dil loogu gaystay xabsiyada dalka, iyadoo inta badana lagu dhaliilo in wasiir Duur si shakhsi ah xabsiga ugu taxaabo suxufiyiinta uu u arko inay si Madaxbanaan dabagal ugu samayso dhaliilaha xil-gudasho ee wasaarada arrimaha gudaha iyo waayaha kala duwan ee la soo gudboonaada.

Wasiir Duur oo sidoo kale xilliyadii uu wakiilada ka tirsanaa si weyn u taageeri jiray xeerka anshaxa saxaafada xeer 23/2004 ee dhaqangalka ah in lagu qaado saxaafadu gafafka ay gasho, ayaa wakhtigan xaadirka ah aan wax sharci daro ah u arkin suxufiyiinta xabsiga loo taxaabo iyo cabudhinta warbaahinta madaxabanaan.