|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29279 |
May 16, 2012 Jamada Al-Thani 25,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
W/Waxbarashada Oo Qirtay Kartida Masuuliyiinta Dawlada Ee G/Saaxil, Sheegtayna In Dugsiyada Berbera Horumar Lagu Sameeyay “Berberi waxay nasiib u heshay 4 masuul oo meel kaliya u wada jeeda, oo hagar la’aan waxbarashada ula shaqeeya” Marwo SamsamCabdi Aadan Waraysi khaasa Hargeysa, May 16, 2012 (Haatuf) - Wasiirka Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in horumar balaadhani uu ka hirgalay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, kuna sababaysay wada shaqaynta masuuliyiinta dawlada ee gobolkaasi inay yihiin ul iyo diirkeed, waxaanay marwo Samsam intaa ku dartay in Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamed Ramaax, Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeyaha Dekadda Cali Xoor-xoor iyo xoghayaha dawlada hoose Cali ay taageero weyn siiyaan Macalimiinta iyo Ardayda waax ka barata dugsiyada gobolkaasi. Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay kormeer ku joogtay gobolka Saaxil, isla markaana dugsiyo cusub oo laga hirgelinayo Saaxil dhagax dhigtay oo xalay Haatuf khadka Telephone-ka ugu warantay, iyadoo ku sugan degmada Sheekh, ayaa waxay tidhi “Magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera waaxa ka socda horumar balaadhan oo dhinac kasta leh oo iskugu jira waddooyin iyo mishiino casriya oo laydhka u shida, waxa kale oo aan ku arkay afar masuul oo si wada jir ah u waada shaqaynaya oo ul iyo diirkeeda, kuwaas oo kala ah Badhasaabka, Maayarka, Maareeyaha Dekadda iyo xoghayaha dawlada hoose, kuwaas oo wasaarada ahaan noola shaqeeya si hagar la’aan ah, dugsiyadi waxbarashadana ku wada xidhay Marawaxado qaboojiyaaleh” Wasiirka Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan waxay intaa raacisay “Waxa kale oo aan ku arkay horumarka Laydhka, iyagoo soo iibiyay mishiino cusub oo 2011-kii soo baxay, kuwaas oo mishiinadii hore ee duugoobayna la badalay, waxa kale oo uu Maayarku ku caawiyay shalay maamulka waxbarashada gobolka Saaxil gaadhi cusub, isagoo Maareeyaha Dekaduna gunno siiya macalimiinta dugsiyada wax ka dhiga. Waxaanu dhagax dhignay afar Iskuul oo cusub iyo shan dugsi oo dhismahooda la dhamaystiray oo laga fuliyay gobolka Saaxil”
|