Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29279

May 16, 2012                                                         Jamada Al-Thani  25,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiira Dawlaha Dastuurka Somalia Oo Shakhsiyaad Ka Socda Xafiiska Faroole Ku Tilmaamay Ergadii Beelaha Puntland Ee Ka Baxay Shirka Xamar

Muqdisho, May 16, 2012 (W.Wararka) – Diyaarad Gaar ah ayaa shalay subax ka qaaday Garoonka  Magaalada Muqdisho badi odayaashii dhaqanka Beelaha Puntland uga qeyb galayey shirkii odayaasha beelaha Soomaaliya uga socday magaalada Muqdisho ee lagu soo xulayey ergooyinka ansixinaya dastuurka Somalia yeelan doono.

Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamanka Somalia ayaa sheegay in Odaayashaas oo gaadhayey in ka badan 20 xubnood ay shalay ka duuleen magaalada Muqdisho, iyaga oo dib ugu laabtay  magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland oo ay ka yimaadeen.

Odayaashan ayaa la sheegayaa sababaa ay dib ugu  laabtaan  Garoowe inay ka dambaysay kadib markii culeys kaga yimid dhinaca maamulka Puntland oo iyagu ka waayey miisaankii ay ka filanayseen, kuwaas oo ku andacooday in laga leexiyey habkii uu ahaa qoraalku markii labada dhinac waa Puntland iyo TFG  ay saxeexaayeen una aragtay dustuurkan qabyo qoraalkaa inaan dani uugu jirin maamulka Puntland,

Daahir Ciiro waa mudane katirsan barlamaankaa TFG, kaas oo sheegay  inay u cutami wayday qodobada ay ka qeyliyeen bulshada Somalia,  kulantaliyeena madaxda TFG iney waxa kabadalaan qodobadaa, hase yeeshe dhag jalaq looma siin.

Dhinaca kale waxa jawaab ka bixiyey Wasiiru dowlaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumada Somalia Xasan Maxamed Jimcaale, kaas oo been ku tilmaamay inay shalay subax  magaalada Muqdisho ka duuleen, Garoowena ku laabteen Odayaashii dhaqanka beelaha Puntland ku metelayey shirka lagu soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka ee waxgaradka beelaha uga socday magaalada Muqdisho.

Wasiiru dawluhu ayaa intaa ku daray in odayaasha dhaqanka beelaha Puntland ay weli joogaan magaalada Muqdisho, kana qeyb galayaan shirka lagu soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka, isagoo xusay in saaka garoonka Muqdisho ay ka ambaabxeen shaqsiyaad ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska madaxweynaha Puntland.

Maalintii doraad ayay ahayd markii xubno ka falaagoobay Somaliland oo u socdaalay Xamar ay Musuqmaasuq ka dhawaajiyeen, kuwaas oo sheegay in haddii aan wax laga qaban saami qaybsiga la siiyey ay ergagooda kala bixi doonaan Kulankaasi.