Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29279

May 16, 2012                                                         Jamada Al-Thani  25,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Olole Nadaafadeed Oo Laga Fuliyey Magaalada Berbera

Berbera, May 16, 2012, (Haatuf) – Olole balaadhan oo nadaafadeed ayaa maalintii shalay laga fuliyay qaybo badan oo kamid ah Magaalada Berbera, ololahan oo ay soo abaabuleen Maamulka Dowlada hoose ayaa socday intii u dhaxaysay 7: 00 subaxnimo ilaa iyo 10:00-kii barqonimo.

Ololahan oo qayb ka ah diyaargarowga Xuska munaasibada sanadguurada 21-aad ee kazoo wareegtay Maalintii Magaalada Burco lagaga dhawaaqay go’aankii (Gooni isu taaga Somaliland) kazoo baxay shirkii aayo ka tashiga Beelaha Somaliland oo ku began 18-ka May 2012.

Ololahan oo intii uuu socday ay kala qaybqaateen Dadweynaha iyo shaqaalaha qaybo kamid ah laamaha Dawlada Masuuliyiinta Maamulka Dowladda Hoose ee Berbera, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Kuxigeenkiisa Khadar Cali Cilmi, Maareeyaha dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor) Maamulaha Wershda laydhka C/shakuur Cidin, Maareeyaha Haamaha Kaydka shidaalka Berbera Dr Cismaan Cabdi Barkhadle, kuwaas oo qaarkood goobaha ay ka socotay howsha nadaafadu hadalo kooban ku siiyeen Warbaahinta.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ku amaanay maamulka Dowlada hoose dedaalka ay ugu jiraan kor uqaadista nadaafada Berbera halka uu ku dhaliilay bulshda Reer berbera basrinta qashinka “ qashinkani waa kii bulshada berbera waa dhibaato runtii waxaan ku amaanayaa maamulka Dowlada hoose  dedaalkooda ay goor kastaba heeganka u yihiin hagaajinta nadaafada wxase nasiib daro ah in aanay Dadweynaha berbera basrin qashinkooda iyagoo basarin la’aanta ay u weheliso weliba in aanay gacan siinin hay’adaha ku shaqada leh arinta nadaafada waad arkaysaan sida aanay ugu soo bixin howshan qashin gurka waana lagula xisaabtami doonaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka saaxil

Maareeyaha Dekedda Berbera  Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor) oo kamid ahaa Madaxdii Shaqaalahooda kala qayb qaadanayey Ololaha nadaafadeed Maalintii shalay ayaa mar uu saxaafada ugu waramayey mid kamid ah goobihii ay nadiifinayeen shaqaalaha Dekeddu waxa uu yidhi “waxaan jeclahay in aan waxoogaa ka idhaahdo Sababta ka danbaysa dhaqdhaqaaqyadan socda iyo sawaxanka heesaha aad maqlayseen maalmanba ololahani horta waxa uu qaybka yahay diyaargaroga guud ahaanba bulshda Somaliland meelkasta oo ay joogaanba ay ugu jiraan Xuska Maalinta qiimaha badan inoogu fadhida ee 18ka May Ragii in ay maalintani timaado oo aynu qaranimadeena lasoo noqono ka soo shaqeeyayna in badanbaa manta nool Waxa nasiib wanaag kamid ahaa ragas hormuudna ka ahaa Madaxweynaheena Maanta Mudane Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) waxaynu manta aduuyada ka sugaynaa in aynu beesha caalamka ka helo aqoonsi buuxa taasna insha alaahu tacaalaa ilaahay haynoo aqbalo rabitaankeena waxaan fursadan manta uga faa’iidaysanayaa in aan halkan hambalyo u mariyo dhamaan Umadda Reer Somaliland gudo iyo debed meelkasta oo ay joogaan waxaanan leeyahay badhaadhe iyo caafimaad ku gaadha Xuskan xuskiisa waana in aad ogaataan qiimaha uu idiin leeyahay Dhulkiina Hooyo

Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali oo hadalkooban saxaafada ku siiyey intii ololahani socday ayaa sheegay in ay dhawaan dhigi doonaan goobaha qashinka haamaha gawaadhidu xambaartaan ee qashinka  “anaga dowlad hoose ahaan caado ayay nootahay howsha Nadaafada magaaladu waxaad moodaa manta sidii aanu doonaynay runtii in aanay Dadweynuhu ugu soo bixin ololaha Nadaafada iyadoo aanu ogaysiisna gaadhsiinay maalin ka hor waa aragtaan oo labadaas hablood ee iyaguna ina daawanaya  mooyaane dadweynihii xaafada qofkale uma soo bixin waanaan ka xumahay arintaas” ayuu ydhi Maayer cabdale isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey “Waxaan manta halkan fariin uga dirayaa Dawweynaha ku dhaqan Berbera waxaanu wiigan keenaynaa Haamo waaweyn oo qashinka loogu talo galay iyo gaadhigii qaadayey haamahaas  waanu wada gaadhsiin doonaa dhamaanba qaybaha Magaalada waxaan farayaa in xashiishka lagu rido gudaha haamaha oo aanay dhicin in agtooda lagu daadiyo, waa in laga digtoonaadaa in qashinka lagu shubo meel aan ahayn haamaha gudahooda, cidda lagu qabto iyagoo qashinka ku qubaya meel  kale waxay mudan doontaa Ciqaab sharci ah” ayuu  hadlkiisa ku gebogebeeyay Gudoomiyaha Golaha degaanka Degmada Berbera Cabdale Maxamed Cali (Sandheere)

Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada Berbera Cali Maxamed Cilmi oo kamid ahaa Masuulyiintii kala qaybqaadanayey Dadweynaha iyo shaqaalaha laamaha Dowlada ololahan Nadaafadeed oo faahfaahinaya ujeedada ololaha nadaafadeed ayaa waxa uu yidhi “Ololahan maanta wuxuu qayb ka yahay howsha u diyaargarowga xuska munaasibada 18-ka May  geesta kalena wuxuu dardargelin iyo baraarujinba u yahay Ololihii nadaafadeed ee uu Madaxweynaha Dalku inoo cayimay in aynu 45-kii maalmoodba hal mar wadanka oo dhan laga sameeyo taas oo runtii xiliyadan danbe aad moodo in aanu u qabsoomin sidii waajibku ahaa balse anagu ka dowlad hoose Berbera ahaan iyadoo marwalba ay waajib na saaran tahay shaqada Nadaaafada Magaaladu hadana anaga oo fulinayna go’aanka Madaxweynaha ayaanu qaban doonaa ololayaal nadaafadeed oo kan oo kale ah Labadii Biloodba mar iyada oo ay marwalba Nagala qayb qaataan Maamulka Heer Gobol Madaxda iyo shaqaalaha laamaha Dowlada ee ka howlgala Magaalada Berbera iyo Dadweynuba” ayuu yidhi Xogahayaha Dowlada Hoose ee Berbera.