Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29279

May 16, 2012                                                         Jamada Al-Thani  25,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Sheekh Shariif Oo Hadal Ka Jeediyey Shir QM Ku Yeeshay New York

New York, May 16, 2012  (W.Wararka) - Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya sheikh shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galaya kulanka golaha amaanka Qaramada Midoobay ku leeyihiin Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu halkaasi ka jeediyay hadal ku saabsan arimaha Somalia.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiintii Khudbadaha halkaasi ka jeediyey ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay sida dowladda KMG Soomaaliya ay isugu howleyso dar dar galinta Qorshaha Roadmap-ka iyo sida dowladda KMG looga saari lahaa marxalada KMG ee ay haatan ku shaqeyso.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu qudbadiisa ku soo hadal qaaday arinta Dastuurka, waxaana uu u sheegay madaxdii kulanka ka qeyb galeysa ee QM in Dastuurku uu yahay mid ka mid ah Dastuurada xiligaan ugu fiican Caalamka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay ansixintiisa iyo sidoo kale dhameystirkiisa maadaama sida uu sheegay ay ku howlanyihiin quburo aqoonyahano ah, Culumaa’udiin iyo Odayaasha dhaqanka.

Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay wadahadlo mudooyinkii dambe la hadal hayay oo dhexmaraya Jamhuuriyada Somaliland iyo dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu xusay Sheekh Shariif in ay sameyn doonaan wax waliba oo miiska wadahadalka ay ku soo fadhiisin doonaan Somaliland si loo gaadho is faham buuxa.

Madaxweyne Shariif ayaa kulanka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ka hor muujiyay sida wadamada beesha caalamku ay uga gaabiyeen taageerida dowladda KMG wixii ka dambeeyay shirkii London, isagoo madaxweynuhu xusay in qodob ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii London aysan dowlada fulin kaas oo ah in la sameeyo gudi maaleeraya dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda KMG dhawaan gudigaasi ay sameyn doonto iyada oo eegeysa madaxbaanida Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dad uu ku sheegay in ay caqabad kuyihiin nabad ka dhalata Soomaaliya kuwaasi oo uu xusay in ay carqaladeynayaan qorshayaasha dowladda, isagoo sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in dowladda KMG laga teegeero la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in marka uu dhamaado shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu aadi doono Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu uga qeyb gali doono shir looga hadlayo qariirada Roadmap-ka.