|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29279 |
May 16, 2012 Jamada Al-Thani 25,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Midowga Yurub Oo Markii Ugu Horeysay Burcad Badeeda Ku Duqeeyay Berriga Somaliya BRUSSELS, May 16, 2012 (W.Wararka) - War lagu daabacay bog ay Midowga Yurub ku leeyihiin internet-ka ayaa lagu sheegay in weerar ay aroornimadii saakay diyaarado dagaal oo Midowga Yurub ay leeyihiin ka fuliyeen barriga Soomaaliya ay ku baa bi’iyeen sahay ay lahaayeen burcad badeeda Soomaalida. Inkastoo howlgalka la sheegay in waqti hore oo subaxnimadii saakay ah uu dhacay hadana warbixinta maxusin meesha sida gaarka ah uu uga dhacay iyo baaxadda khasaaro ee sahayda la sheegay in burcad badeedu lahaayeen gaartay. Dhinaca kale Taliyaha howlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa carabka ku dhuftay in weerarkaasi uu qayb ka ahaa howlgalladda ka dhanka ah burcad badeeda gaar ahaan qeybtiisa lagala dagaalamayay xagga barriga, isagoo shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallo uu sheegay in lagu wiiqayo awoodda burcad badeeda. Midowga Yurub ayaa xeebaha Soomaaliya ka billaabay howlgallo ay sheegeen in ay kaga hortagayaan qatarta burcad badeda sabnaddi 2008-dii, iyadoo weli ay sii socdaan falalka maraakiibta ay ku qafaashaan burcad badeeda, waxaana tan iyo jiritaankooda burcad badeedu qaadeen qiyaastii illaa iyo 800 oo weerar. Cilmi baaris lagu sameeyay lacagaha madax furashada ay u helaan burcad badeeda ayaa muujisay inay gaareyso illaa 7 -bilyan oo lacagta dollar-ka Maraykanka ah, waxaana sanadkii lasoo dhaafay kaliya la sheegay in burcad badeeda ay Madax furasho ahaan u heleen illaa 150-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah. |