|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29279 |
May 16, 2012 Jamada Al-Thani 25,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wiil Loo Xidhay Shil Chemical Oo Ka Dhacay Iskuul, Kuna Dhaawacmeen Arday Iyo Macalin Wiil Ciyaala Iskuul ah Iyo Macalin u dhashay Imaarada Abu Dhabi ayaa Cusbitaal loo dhigay maalintii shalay kadib markii ay ku neef qabatoobeen walxo Chemical ah oo dareere ah oo u raacay Hawada oo meel u dhow fasalkooda uu ku farsamaynayey Arday Kale, taas oo sababtay Cabsi iyo in la xidho Dugsigaasi. Wax yar ka dib markii shilkaasi dhacay ayay Ciidamada Bileysku xidheen Wiil Ciyaala Iskuul ah oo isagu ka shaqaynayey walxahaasi dareeraha ah ee Chemicals-ka ah oo hawada u raacay Fasal ka ag dhawaa goobtii wiilkaasi uu farsamaynayey Chemicals-kaasi, xili maamulaha qolka Labka ah ee Dugsiga Bani-Yas Secondary School ee Musaffah ku yaala uu Magaaladaasi dibada uga maqnaa. Sidoo kale dhawr qof oo Arday iyo Macalimiin isugu jira ayaa waxa soo wajahay dhibaato dhinaca Neefsashada ah iyagoo markii la daweeyey iska ladnaaday. Maamulka Iskuulka ayaa si dhakhso ah ugu yeedhay Kooxda Gurmadka Shacabka, kuwaas oo ka daadgureeyey dhismaha Ardayda iyo Macalimiinta, isla markaana hubiyey in qolalku ay badqabaan. Maamulka ayaa waxa ay sheegeen in ay go’aansadeen in ay albaabada u laabaan Iskuulka maalmo kadib markii ay la tashadeen Golaha Waxbarashada ee Abu Dhabi. |