|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29279 |
May 16, 2012 Jamada Al-Thani 25,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Siirada Saxaabada Rasuulka (scw) Taariikhda Asxaabiyada Weyn Ee Al Rabiic Binu Ziyaad Al Xaarithi (Q.2aad) Madaxii Muhaajir oo la gooyay, lagana soo laalaadiyay meel sare: Intaa kadib, wuxu Muhaajir seeftiisa kala soo baxay galkeedii, sidii ayuuna ku galay dagaalkii. Wuxu seeftiisii ku kala beeray safafkii dagaalka, wuxuna billaabay in uu si geesinimo leh oo aan cabsi ku jirin uu dhulka u dhigo gaalladii uu la dagaalamayay. Inkasta oo uu Muhaajir muujiyay wacdarradaas weyn, haddana waxa markii danbe korkiisa dhinac weliba ka haleeshay seefihii iyo warmihii ay soo tuurayeen gaallada, ilaa markii danbe uu dhulka ku dhaco isaga oo dangiigan oo meyd ah. Dhinaca kale, waxay gaalladii si aan naxariis lahayn u soo goosteen madaxii Muhaajir, waxayna ka soo laa-laadiyeen meel sare oo goobta dagaalka ka mid ahayd. Al-Rabiic: waan kuu aargudi doonaa: Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa eegay walaalkii Muhaajir oo madaxiisa ka soo laalaada meel sare, markaasuu si ay sugnaansho iimaaneed ku jirto u yidhi “alla ayaan badnidaa, waxana kuu sugnaatay meel loo dheelmado meeshii ugu wanaagsanayd”, wuxuna ula jeeday Jannada. Dhinaca kale, wuxu Al-Rabiic ballan ku galay in uu u aargudi doono walaalkii, wuxuna yidhi “wallaahi ayaan ku dhaaranayaa in aan kuu aargudi doono adiga iyo muslimiinta la laayay-ba inshaalah”. Wuxu la wareegay hoggaaminta ciidanka:Markii uu arkay Abuu Muusaa Al-Ashcariyi sida uu Al-Rabiic uga walbahaaray geerida sida saxariirta leh ugu timid walaalkii, ayaa waxa la qumanaatay in uu hoggaaminta ciidanka uu uga tanaasulo Al-Rabiic, sidii ayuuna Rabiic ula wareegay hoggaaminta ciidanka, waxayna Tageen magaallada Suus si ay u furtaan. Ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Al-Rabiic ayaa sidii hufadii oo kale hal mar u galay goobihii ay degganaayeen gaallada. Dagaal ba’an oo dhex maray ciidamadii muslimiinta iyo gaallada kadib, wuxu Eebbe (sw) sabab uga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad in uu furto magaalladii la odhan jiray Manaadir. Waxay muslimiintii laayeen dagaalyahaniintii gaallada ahaa, waxayna soo qafaasheen ubadkoodii, iyagoo hantidoodiina intuu Alle doonay qaniimaystay (qaniimada waa hantida laga soo helo jihaadka). Xiddigii Al-Rabiic oo soo ifay: Dagaalkii Manaadir kadib waxa iftiimay xiddiggii Al-Rabiic Binu Ziyaad, wuxuna magaciisa ku faafay carab kasta iyo guud ahaan muslimiintii waqtigaas. Wuxu ka mid noqday Al-Rabiic Binu Ziyaad madaxda sare loo eego, kuwaasoo iyaga looga fursan waayo markay xaaladdu qadhaadhaato. Muslimiintii markay goosteen in ay furtaan gobolka Sijistaan waxay ballan adag ku galeen in uu Rabiic la wareego hoggaaminta dagaalkaas, iyaga oo ka rajo qabay in uu u soo hoyn doono guulo waaweyn. Ciidamadii uu hoggaaminayay Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa waxay u kicitimeen dhulka Sijistaan iyagoo jidka Alle ku duulaya. Wuxu Al-Rabiic mariyay ciidankiisa dhul lama galaan ah oo aad u dheer aadna khatar u ah. Socod dheer kadib, magaalladii ugu horeysay ee uu la kulmay waxay ahayd magaallada loo yaqaano Rustaaqu Zaaliq, magaalladan oo xad la leh magaallada Sijistaan, waxayna ahayd magaallada Rustaaqu Zaaliq magaallo aad u cammiran, lehna daaro aad u dhaaheer, sidoo kale wax soo saar badan. Waxa magaallada ku hareereesnaa dhufeysyo aad u waaweyn. Halyeeygii geesiga ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxu intuuna magaallada gelin diray ilaalo ciidamadiisa ka mid ah, si ay u soo indha-indheeyaan xaaladda magaallada.., waxayna ilaaladii soo ogaadeen in ay dadka deggan magaalladaas ay u dabaaldagi doonaan xaflad ay leeyihiin. Wuxu Al-Rabiic la beegsaday qabashada magaallada habeenkii ay dhiganayeen xafladda, sidiina ayuu si kedo ah dagaal ugu qaaday iyagoo ku mashquulsan xafladdooda. Guddoomiyihii oo isna la qafaashay: Gaallada raggoodii ciidamada ahaa wuu laayay Rabiic, halka uu soo qafaashayna kuwo kale oo gaadhayay ilaa 20 000 qof, waxana ku jiray kuwaas la soo qafaashay guddoomiyihii magaallada. Sidoo kale, waxa kale oo dadkii la qafaashay ku jiray addoon u shaqayn jiray guddoomiyaha degmada, wuxuna haystay markaa lacag gaadhaysa 300 000 oo dirham, (lacag aad iyo aad u fara badan) si uu u siiyo sayidkiisa. Al-Rabiic ayaa ku yidhi ninkii “halkeed ka keentay lacagtan faraha badan?!”. Wuxu yidhi “waxay ka timid mid ka mid ah tuulooyinka uu xukumo sayidkaygu”. Al-Rabiic ayaa ku yidhi “Tuullo kastaa ma waxay bixisaa lacagtan oo kale sannad kasta”. Wuxuu yidhi “haa”. Al-Rabiic ayaa yidhi “siday ku dhacday?!”. Wuxu yidhi “lacagtan waxan ka soo saarnaa faasasyadeena iyo dhididkeena” oo uu ula jeeday lacagtani waa waxaan soo shaqaysanay ee aan ku soo tacabnay. Muslimiintii oo helay hanti fara badan: Markii uu qaboobay dagaalkii, ayaa waxa ALl-Rabiic Binu Ziyaad oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka u yimid guddoomiyihii degmada, isaga oo doonaya in uu bixiyo lacag furasho ah. Al-Rabiic ayaa ku yidhi “waan ku sii deenayaa haddaad muslimiinta u badiso lacagta furashada”. Guddoomiyihii degmada “imisaad doonaysaa?”. Al-Rabiic Binu Ziyaad “waxan dhulka ku qotominayaa warankan, dabadeedna waxaad korkiisa ku shubaysaa dahabka kiisa huruudka ah iyo fiddada ama qalinka ilaa aad ka qariso qarin”. Guddoomiyhii degmada wuxu yidhi “waan oggolahay”, wuxuna kaasafoortadiisa ka soo saaray dahabkii kala duwanaa, isaga oo warankii dhulka lagu qotomiyay korkiisa ku shubay jeer dahabkii ay qariyaan waranka. Furashadii Sijistaan: Saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee waxay ciidankiisii ku guuleystay oo guda galeen markale sidii ay u furan lahaayeen gobolka Sijistaan. Dagaallo daran kadib, waxa is fur-furay dhufeysyadii ku hareeraysnaa Sijistaan. Dadkii degganaa magaalooyinka iyo tuulooyinku waxay billaabeen in ay soo dhoweeyaan ciidamadii Al-Rabiic Binu Ziyaad, iyaga oo A-l-Rabiic ka dalbanaya nabadgelyo kahor intaanu ula bixin seefaha ilaa uu markii danbe ka gaaro magaallada Zaranj oo ahayd xarunta gobolka Sijistaan. Waxyar kadib maba la joogin, jeer ciidamadii gaallada ay u diyaar garoobaan inay dagaal ku qaadaan ciidamada muslimiinta, waxayna isaga yeerteen meel kasta, si ay u difaacdaan magaalladoodii istiraatiijiga ahayd, arrintaasina wax kasta ha ku qaadatee. Labadii ciidan waxaa dhex martay dagaal si ba’an labada dhinac loogu hoobtay, iyadoo labada ciidanba ay ka dhinteen dad aad u badan Markii ay ciidamadii muslimiinta ay u soo muuqatay guushii dagaalka ayaa guddoomiyihii gaallada ee la oran jiray Barweez guda galay siduu ula heshiin lahaa Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si uu isaga iyo tolkiisa ay u helaan wax u dhaama dhimmashada kaga imaanaysa dagaalka. Barweez wuxuu ergo u diray Al-Rabiic Binu Ziyaad, isagoo weydiisanaya inuu u sameeyo madal ama ballan uu kula kulmo, si uu ugala xaajoodo nabad, wuuna ka aqbalay Al-Rabiic dalabkaas. Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa amray ciidamadiisa inay diyaariyaan goobtii uu kula kulmi lahaa Barweez, wuxuuna ciidankiisa ka dalbay in hareeraha goobta kulanka lagu soo daadiyo meydadkii gaalladii reer Furus ee dagaalka lagu laayay, iyo sidoo kale in meydad kale lagu daadiyo waddada labadeeda dhinac ee uu soo mari doono Barweez.
Wuu cabsanayay qofkii arkaa: Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu ahaa nin aad u dheer, lehna midab maariin, aadna u xoog badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay qofkii arka Al-Rabiic. Barweez markii uu u soo galay Al-Rabiic waxaa durbadiiba gashay cabsi aad u weyn, cabsi awgeed ayuu ku sigtay inay nafta uga baxdo, kadib markii uu arkay meydadkii dadkiisii laga laayay ee lagu daadiyay waddada. Ma uusan ku dhiiran Barweez inuu u soo dhowaado Al-Rabiic si uu u salaamo. Wuxuu ka cabsaday in la dilo, hadal gango leh oo laga dareemayo cabsi daran ayuu kula hadlay Al-Rabiic, isagoo ballan kula galay inuu u soo saaro 1000 wiil oo dhalinyaro ah, uuna mid kastaana madaxiisa saaro koob dahab ah, sidiina ayuu Al-Rabiic Binu Ziyaad uga aqbalay dalabkii ka yimid Barweez. |