|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29279 |
May 16, 2012 Jamada Al-Thani 25,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Alex Ferguson Oo Taalabo Hore Ugu Qaaday Sidii Uu Kooxda Dib Ugu Soo Dhisi Lahaa Iyo Evra Oo Taageero La Garab Istaagay Kadib guushii u soo hoyahaytay kooxda ka dhisan magaalada Manchester ee Manchester, ee Manchester City, oo todobaadkan horaantiisii ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska ee Englisha Premier League-ga oo ay sugaysay mudo 44-sano ah, ayaa durba waxa xanuun dareentay kooxdii guulaha isdaba jooga ah ka gaadhi jirtay horyaalka ee Manchester United. Kooxda uu hogaamiyo Ferguson ee Manchester United ayaa durba samaysay dhaq dhaqaayo ay ku doonayso ciyaartoy kooxda kusoo biira iyada oo masuuliyeenteedu ay ka qayb galeen ciiyaartii Finalka koobka jarmalka ee Dortmund koobka ku qaaday si ay usoo daawadaan ciyaartoyda ay is leeyihiin way idiin fiican yihiin. Tababare Sir Alex Ferguson ayaa doonaya in uu la soo wareego wax aan ka yareyn seddex ciyaaryahan oo u ciyaarta Borussia Dortmund ka dib markii uu daawaday sabtidii markii ay 5-2 Bayern Munich kaga qaadeen koobka German Cup, sida ay qortay jariirada Daily Mail. Tababaraha Manchester United ayaa ciyaaryahan ugu cadcad ee uu doonayo in uu la soo wareego uu yahay kubadsameeye Shinji Kagawa, lakiin sidoo kale waxa uu xiiseynayaa weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski, kaas oo dhaliyay seddex gool kulankii Finalka iyo difaaca Jarmalka Mats Hummels. Wadahadalo dhanka qadaraaska ah oo u dhaxeeyay Lewandowski iyo kooxda ayaa burburay waxana wakiilkiisa Maik Bartel uu yidhi sida Dail Mail ay qortay: “Heshiiska ay soo bandhigtay Dortmund maaha mid nagu filan, waxanu ku xaqiijin karaa in Manchester United ay xiiseyneyso ciyaaryahanka” Waxa sidoo kale dareensan yahay Hummels aabihiisa oo sidoo kale ah wakiilkiisa in lagu martiqaaday Manchester si uu kooxda wadahadalo u la galo. Manchester United waa in ay kharashgareysaa ugu yaraan 50 milyan oo ginni hadii ay doonayso seddexda ciyaaryahan, lakiin agaasimaha kooxda ayaa ku adkeysanaya in ciyaartoydooda ay ku faro adaygi doonaan marka Kagawa laga reebo. “Waxan filaneynaa in Kagawa uu tagayo, lakiin ma jirto lacag inaga dhaadhicin karta in aan iska iibino ciyaartoyda kale” ayuu yidhi Hans-Joachim Watzke. Dhanka kale waxa fikirka ciyaartoyda lagu doonayo Ferguson ku taageeray Difaaca baalka bidix ee kooxda Manchester United Patrice Evra, oo sheegay in ay ka dhaadhacsantahay in uu macalin Ferguso kooxda kusoo biirin doono xidigaha ay tabeysay xilli-ciyaareedkan oo dirqi lagaga qaaday horyaalka Ingiriiska. Evra ayaa sheegay in ayna muhiim ahayn cida imanaysaa laakiin uu isaga ahaan hoosta ka xariiqayo sida uu u hubo in ayna howshu ka hoos bixi doonin tababare Ferguson oo lagu yaqaanno isha macaan ee uu u leeyahay suuqa kala iibsiga. Dhanka kale Evra oo wax laga waydiiyay xilli-ciyaareedkii dhamaaday. Ayaa waxa uu yidhi “ Ma waalni, sidaa darteed ma lihi sanad wanaagsan baa nasoo maray’’. |