Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29279

May 16, 2012                                                         Jamada Al-Thani  25,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Kompany Waa Xidigii Ugu Waynaa Ee Ay Abid Soo Iibsato Manchester City”Alan Hansen’

Halyaygii hore ee kooxda Liverpool Alan Hansen ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay saameynta difaaca Vincent Kompany uu ku yeeshay qadiyada ay Manchester City ku qaaday horyaalka Ingiriiska.

Hansen ayaa ku qoray wargayska The Telegraph ‘’ciyaaryahan Kompany oo 6 milyan oo gini ugu kacay kooxda Manchester City wuxu muujiyay sababta uu u yahay difaacii ugu wanaagsanaa ee abid soo mara tan iyo waayihii English Premier horyaalka loo bixiyay  1992-kii. Hansen ayaa ku doodaya in ay khalad ahayd in ay laacibkan ka ilduufaan jamciyaadka ay leeyihiin dadka ciyaaraha wax ka qora oo aan abaalmarinadoodii laacibkan ku xusin.

Hansen ayaa isku dayay in uu woxoogaa ka yidhaahdo tayooyinka uu leeyahay Kompany oo sida uu qabo qayrul caadi ah ‘’Laacib waxa laga baahan yahay talaabo, dareen boos qaadasho, inuu kubada sare ku xoogan yahay, tan hoosana xukumo waana waaxo uu ku wada wanaagsan yahay Kompany’’ ayuu yidhi Hansen oo taageero  u muujiyay Kompany.

‘’Hadi aan maantadan ciyaari lahaa oo la I odhan lahaa soo  xulo qof difaaca kaala ciiyaara shaki la’aan isaga  ayaan sheegan lahaa’’ ayuu Hansen oo u hambalyeey xidiga iyo kooxdiisa Machestern City oo hanatay horyaalka Ingiriiska.