|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29279 |
May 16, 2012 Jamada Al-Thani 25,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Messi Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Kabaha Dahabka Ah Ee Horyaalada Yurub Xidiga sanadka ee kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta kabta dahabka ee gool dhaliyaha horyaalada yurub, kadib markii uu 50-gool ka dhaliyay horyaalka La Liga. Halka uu kaalinta labaad ka galay Ronaldo oo u ciyaara kooxda Real Madrid, oo dhaliyay 46-gool kaalinta sadexaad waxa soo fadhiistay gool dhaliyaha Arsenal Roben Van Persie oo dhaliyay 30-gool kaalinta afraad waxa soo fadhiistay K. Huntelaar 29-gool dhaliyay una ciyaara kooxda Shalke ee dalka Jarmalka, kaalinta shanaad Ibrahimovich oo Milan u dhaliyay 28-gool halka kaalinta lixaad uu ka fadhiyo Rooney oo Manchester United u dhaliyay 27-gool Dhanka kale Kooxda Real Madrid ayaa dhigtay rikoor hor leh ka dib markii ay horyaalka ku qaadeen 100 dhibcood oo ay ugu danbaysay guushii 4-1 ee ay kaga badiyeen kooxda Mallorca. Cristiano Ronaldo ayaa goolasha furay ka dib 19 daqiiqo ka hor inta ayna shabaga goolal ku hubsan Karim Benzema iyo Mesut Ozil oo labo gool dhaliyay. Guushan ayaa ka dhigeysa in Madrid ay jabisay rikoorkii Barcelona ee 2009-10, markaas oo 99 dhibcood ay horyaalka ku qaadeen, waxaana ay Los Blancos haatan ka dhigeysaa kooxdii ugu horeysay ee 32 kulan badisa hal xilli ciyaareed. Ronaldo ayaa sidoo kale isna u dabaaldegay rikoodh uu dhigay, madaama uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya koox kasta hal xilli ciyaareed oo La Liga ah. Goolka uu dhaliyay ayaa ka dhigeysa goolkiisii 46aad ee xilli ciyaareedkan, isaga oo afar gool ka hooseeya ciyaaryahanka ku guuleystay gooldhalinta La Liga oo eh 50 gool. Messi ayaa 17 kooxood oo ka mid ah 19ka kooxood ee La Liga kula tartamayay gool ka dhaliyay xilli ciyaareedkan, lakiin Ronaldo ayaa noqday xidigii goolashada ka dhaliyay dhamaan 19ka kooxood. Goolkii uu madaxa ku dhaliyay Ronaldo ayaa sidoo kale ka dhigeysa goolkiisii 60aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.
|