Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maxkamada Ciidanka Qaranka Oo Xukun Dil Iyo Xabsi Daa’in Ku Riday 22 Qof Oo Weerar Ku Qaaday Xero Ciidan, Tilmaantayna Inay Qirteen Dambigaasi 

“Waxa Xusid Mudan In 22 Ka Uu Xukunku Ku Dhacay Ay Maxkamada Ka WadaQirteen Dambiga Lagu Soo Eedeeyey Oo Ah In Xerada Ciidanka Ay Soo Weerareen”Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Kornayl Yuusuf Faarax Sharmaarke

Hargeysa, May 17, 2012 (Haatuf) – Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qaranka ayaa shalay xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku kala riday 22 qof oo ka mid ahaa koox dablay ah oo doraad subax weerar hubaysan ku soo qaaday Xerada Ciidanka ee Madaafiicda Goobta ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku dileen 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka.

Maxkamada Ciidamada Qaranka ayaa 17 qof oo ka mid ah 22-kaasi ku xukuntay Dil Toogasho ah, halka 5-ta kalena ay ku riday Xabsi daa’in, kadib markii sida ay sheegtay Maxkamadu ay qirteen weerarka ay ku qaadeen Xeradaasi ciidanka, isla markaana Markhaatiyo ku filan la hor keenay Maxkamada.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qaran Kornayl Yuusuf Faarax Sharmaarke oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maxkamadu ay dacwada ragaasi bilawday Subaxnimadii hore ee Maalintii shalay, isla markaana ay soo gabogabaysay 4:00 Galabnimo ee shalay, ayaa xaqiijiyey in kooxdaasi ay Qirteen dambiga lagu soo oogay ee ah inay weerar ku qaadeen Xero Ciidan.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qaranka oo xukunka lagu riday Dablaydaasi faahfaahin ka bixinayaana waxa uu yidhi “Saaka ayay Maxkamadu bilaabantay waxaanay soo gabogabowday 4:00 galabnimo, xukunku wuxuu ku dhacay 22 qof, kuwaas oo ay ku kala xukuntay 17 dil Toogasho ah ayay ku xukuntay, 5 ka mid ahna waxa ay ku xukuntay xabsi daa’in, saddex ka mid ahna dhaawac ayay ahaayeen oo dib ayay u dhigtay dacwadoodii, marka la soo daweeyo ayay dib u  qaadaysaa, saddexdii kale ee hadhayna dambi ayaa ku cadaan waayey oo waa la sii daayey, tirada guud sidaa ayay ku dhamaatay iyo go’aanka 28-kaa maxbuus ee maxkamadu, waxaana xusid mudan in 22 ka uu xukunku ku dhacay ay Maxkamada ka wada qirteen dambiga lagu soo eedeeyey oo ah in Xerada Ciidanka ay soo weerareen, qiraalna way ahaayeen markhaatiyo ku filana maxkamada ayaa la keenay oo cadeeyey, dabeeto sidaas ayuu xukunku ugu dhacay”.

Maalintii doraad ayay ahayd markii Magaalada Hargeysi ay ku waa bariisatay Rasaasta ka dhacda Hubka dhuunta ka onkoda oo ay koox hubaysani ku weerareen xero ciidan oo ku taala duleedka Bari ee magaalada Hargeysa, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, taas oo noqotay dhacdadii ugu horaysay Somaliland ee koox shacab ahi ay weerar hubaysan ku qaadaan Xero Milatari oo ay ku sheeganayaan inay lahaan jireen dhulkaasi xeradu ku taalo.