Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Kala Hadlay Dheeli Tir La’aanta Ka Muuqata Xidhiidhkooda Soomaaliya Iyo Somaliland

“Waxaan 6 Saacadood Ku Xanib-Naa Madaarka Istanbul Ka Dib Markii Ay Saraakiisha Laanta Socdaalka Ee Madaarku Garanwaayeen Passport Somaliland Oo Aanay Hore U Arag”

Hargeysa, May 17, 2012 (Haatuf) - Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, isla markaana ah Tafatiraha Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe oo socdaal dhawaan ku tagay Turkiga ayaa Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalkaasi Mr Bulent Arinc kala hadlay dheelitir la’aanta ka muuqata xidhiidhka uu Turkigu la leeayahay Soomaaliya iyo Somaaliland.

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Masuulka Turkiga ah kula kulmay shir 9-10/ 5/2012 lagu qabtay Caasimada dalka Turkiga oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 250 Suxufi oo ka kala socda dalalka Africa dhamaantood, waxa uu u sheegay in xidhiidhka Turkiga uu u janjeedho dhinaca Soomaaliya loona baahan yahay in la saxo, waxaanu Mr Gaboobe Ra’isal Wasaare ku xigeenka ku yidhi “Waad ku amaanan tihiin go’aanka geesinimada leh ee aad ku gaadheen inaad wax la qabataan Walaalihiina Soomaalida ah ee Muslimka. Hase yeeshii xidhiidhka aad Soomaalida la samaynaysaan  meelbuu ka dhantaalan yahay oo wuxuu ilaa hada ku kooban yahay uun dhinaca Soomaaliya, balse ma gaadhsiisna Soomaalida ku nool dalka Somaliland. Sidaas darteed ma haboona inaad Somaliland Indhaha ka lalisaan, waxaanan idin-kula talin lahaa in xidhiidhka aad Soomaalida la  bilawdeen aad laaxinka galay ka saartaan oo dantu ku jirto inaad xidhiidh isku dheelitiran la yeelataan Soomaaliya iyo Somaliland-ba”.

Shirkaas oo lagu qabtay Caasimada dalka Turkiga ee Ankara ayaa waxa inta badan lagaga hadlayey xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee u dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, waxaana lagu falanqaynayey sidii loo kobcin lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga ganacsatada iyo Shirkaddaha waaweyn ee Turkiga iyo kuwa ka jira dalalka Afrika.

Mr. Gaboobe oo shirkaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Shirkaasi waxa uu ahaa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalka Turkiga. Tusaale ahaan waxa shirkaas soo qabanqaabiyey soona agaasimay xafiiska Ra’isal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, danta ugu wayn ee ay ka lahaayeena waxay ahayd inay xayeysiiyaan oo ay Afrika tusaan Imkaaniyaadka dhaqaale ee uu dalkoodu leeyahay, iyaga oo taa u marinaya 250-ka suxufi ee ay Ankara ku casuumeen.

Waxa kale oo ka mid ah ahmiyada wayn ee ay shirkaas siiyeen dadka dhinaca Turkiga uga soo qaybgalayey oo ahaa dad Meeqaamka ay bulshada ku dhexleeyihiin aad uu sareeyo, kuwaas oo ay ka  mid ahaayeen Maalgashadayaal (Investors), Mulkiilayaasha Warshadaha iyo Ganacsiga waaweyn ee dalka Turkiga ka jira, Suxufiyiin, Macalimiin wax ka dhiga Jaamacadaha, Madaxda warbaahinta, dad kale iyo dabcan Siyaasiyiin uu hogaaminayey Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaas Bulent Arinc oo lagu tilmaamo ninka labaad ee ugu awooda badan dalkaasi, kaas oo isaguna si firfircoon uga qaybgalayey fadhiyada shirka”.

Yuuusuf Cabdi Gaboobe waxa kale oo uu sheegay inuu dalka Turkiga ku galay Passport-kiisa Somaliland, isaga oo arintaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Waxaan 6 Saacadood ku xanib-naa Madaarka Istanbul ka dib markii ay Saraakiisha laanta socdaalka ee Madaarku garanwaayeen Passport Somaliland oo aanay hore u arag, waxaanay ii sheegeen in Baasaaboorka Soomaaliya oo kaliya uun ay garanayaan, Soomaalidii Madaarkaa martayna ay siteen Passport-ka Soomaaliya. Hase yeeshee ka dib markii ay xidhiidho badan la sameeyeen Ankara oo ah Caasimada dalkaas ayey aakhirkii i siiyeen Fiisihii dabadeedna aan u anba baxay dhinaca Ankara oo shirku ka socday”.