Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

SOHASCO Oo Kulan Wacyigelinta Tahriibta Ah Ku Qabtay Degmada Wajaale

Hargeysa, May 17, 2012 (Haatuf) - Ururka waddaniga ah ee SOHASCO, ayaa kulan wacyigelin ah oo ku saabsan dhibaatooyinka tahriibta iyo taakulaynta muhaajiriinta tabaalaysan ku qabtay shalay magaalo-xuduudda Tog-wajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley.

Kulan-wacyigelineedkan oo uu fuliyey ururka SOHASCO oo kaashanayey hay’adda caalamiga ah, isla markaana maalgeliyeen dawladaha Maraykanka iyo Sweden oo lagu qabtay Dugsiga Hoose/dhexe Isra ee degmada Wajaale, waxa dadweynaha magaaladaas loogu soo bandhigay khudbado iyo barnaamijyo madadaalo ah oo ku tacaluqa wacyigelinta khataraha ku xeeran tahriibta badaha iyo weliba sida ay waajib ugu tahay guud ahaan shacabka reer Somaliland dhawrista xuquuqda tahriibayaasha.

Guddoomiyaha ururka SOHASCO Mr. Saleebaan Faarax Habbane, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada barnaamijkan oo uu sheegay inuu yahay mid dhallinyarada lagaga wacyigelinayo dhibaatooyinka tahriibku leeyahay.

 “Ma lihin awooddii xakamayn lahayd tahriibka, balse waxaynu leenahay awooddii wax sheeg,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan, waxaannu intaa raaciyey in barnaamijkan wacyigelinta tahriibka laga hirgelin doono dhammaan gobollada Somaliland.

Mr. Habbane waxa kaloo uu si faahfaahsan uga warbixiyey ujeeddooyinka ururkiisu ka leeyahay kulamada noocan ah oo uu sheegay inay salka ku hayaan sidii bulshada reer Somaliland looga wacyigelin lahaa dhibaatooyinka tahriibta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhawrista iyo ilaalinta xuquuqda muhaajiriinta dalkooda maraya.

“Tog-wajaale waa marin muhiim ah oo ay soo maraan dadka tahriibayaasha ah oo dalal kala duwan ka socda, doonayana inay beegsadaan waddamo iyo meelo kala fog oo adduunka ah, markaa waxa loo baahan yahay in loo naxariisto dadkaas muhaajiriinta ah ee dhexmaraya,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOHASCO.

Ugu dambayn, waxa uu shacabka ku dhaqan degmada Wajaale uga digay in wax dhibaato ah loo geysto tahriibayaasha, xaqa iyo xuquuqdooda qofnimana la ilaaliyo.

Maamulaha Dugsiga Hoose/dhexe Isra ee kulankaas lagu qabtay Sh. Aadan Sh. Abokor, ayaa si weyn ugu mahadnaqay ururka SOHASCO ee fulinaya ololaha ku saabsan dhibaatooyinka tahriibta, isagoo xusay baahida loo qabo joogtaynta kulamada noocan oo kale ah si dhallinyarada loogu baraarujiyo halisaha baahsan ee ku meersan safarrada tahriibta badaha.

“Dhammaantiin waxaad tihiin dhallinyaradii iyo xooggii dalkan iyo mustaqbalkii berri waddankani lahaa. Runtii tahriibku waa arrin jirta oo lagala kulmo dhibaatooyin fara badan, waxana ka mid ah in qofku naftiisa halaago amma silic iyo khataro badan la soo darsaan.

Tog-wajaale waa magaalo-xuduudeed, waxayna marin muhiim ah u tahay dadka muhaajiriinta ah, sidaa awgeed waxa looga baahan yahay dadweynaha reer Wajaale hadday la kulmaan dadkaas tahriibayaasha ah inay dhawraan xuquuqdooda, kana wacyigeliyaan khataraha ay waajahayaan ee nafahooda ku biimaynayaan.” Sidaa waxa yidhi Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Laanta Socdaalka ee Wajaale.

Waxa kaloo kulan-wacyigelineedkaas ka hadlay Mr. Faysal Aw Xasan oo ka tirsan maamulka dawladda hoose ee degmada ee Wajaale, waxaannu halkaas kaga xo-warramay sheekooyin iyo dhacdooyin kala duwan oo uu la kulmay muddadii uu ka shaqaynayey magaalo-xuduudeeda Tog-wajaale, kuwaas oo ka mid yihiin dad muhaajiriin ah oo laga qaaday xataa hantdii yarayd ee ay siteen laga dhacay, qaar la garaacay iyo weliba kuwo waxyeellooyin kala duwan oo bani’aadamnimada ka baxsan loo geystay.

Sidaa awgeed, waxa uu bulshada reer Wajaale ugu baaqay inay ka digtoonaadaan hadimaynta dadka muhaajiriinta ah ee dhexmaraya.

“Runtii SOHASCO iyo IOM way asiibeen inay magaalada Wajaale ka fuliyaan wacyigelinta noocan ah oo runtii aad loogu baahnaa, waxaanan rajaynayaa in farriinta barnaamijkan muhiimka ah xambaarsan yahay ay si dhaba uga hirgasho Tog-wajaale,” ayuu yidhi Mr. Faysal Aw Xasan.

Geesta kale, kulan-wacyigalineedkaas waxa lagu soo bandhigay riwaayad ka tarjumaysa duruufaha qallafsan ee ku meersan tahriibka badaha iyo ciyaaraha hiddaha, dhaqanka iyo qalaamo-rogadka oo ay soo bandhigeen kooxo dhallinyaro ah.

Ururka waddaniga ee SOHASCO waxa uu kulamo wacyigelineed oo noocan ah hore uga soo qabtay caasimadda Hargeysa iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.