Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweyne Kasta Raadka Iyo Dhaxalka Uu Ka Tago Waxa Qayb Ka Ah Dadka Ku Xeeran

Cabdiraxman Cadami

Madaxweyne kasta marka la soo doorto ama sifa kaleba ku yimaado wuxuu kursiga ku fadhiistaa isaga oo rajo weyn ka qaba in uu noqon doono hogaamiye fiican ama guulaysta, wuxuu jecel yahay in uu wax ka bedelo heerka nolosha dadkiisa, wuxuu jecel yahay in uu ku dherersado ama uu baro dhaafiyo madaxweyneyaashi ka horeeyey kuwii ugu magac weynaa ee dalka soo mara, wuxuu doonayaa in uu raad iyo dhaxal ka tago taariikhda gala, isaguna magac iyo maamuus ka helo hase yeeshee madaxweyneyaasha qaarkood uma suurta gasho in ay xaqiijiyaan hindisayaashii iyo wixii ay laabta ku hayeen.

Hadaba maxay tahay sababtu?  Maxaa ka leexiyey himilooyinkii iyo ujeedooyinkii uu lahaa iyo yoolkii uu higsanayey?  Hor iyo horaan waxa aynu ognahay madaxweynuhu wax kasta aqoon dheeraad ah u ma laha, wax walba na  isagu keligii ma qaban karo, golahiisa wasiirada ka sakow arimaha muhiimka ah  wuxuu la kaashadaa ama ku tiirsan yahay koox rag iyo dumarba leh oo uu aad ugu kalsoon yahay.  Su’aashuse  waxay tahay madaxweynuhu sidee ayuu u xushaa ragan uu ku go’aan qaadanaayo talooyinka ay siinayaan.

Madaxweynaha fiicane wuxuu  isku xeeraa la-taliyaal fiican (The best presidents are ones who surround themselves with the best advisers).

Waxay ku soo xushaan aqoon, karti, daacadnimo iyo maskax furan, mid kastaa oo ka mid ahi wuxuu iswaydiiyaa sida ugu haboon ee uu u caawin karo madaxweynaha ( how can I help the president) iyaga oo dareensan culayska iyo masuuliyada madaxweynaha saaran.

Ka ay wax ka xumaanayaan wuxuu soo urursadaa kuwo isagu jecel yahay ama qaraabadiisa ah oo aan aqoon iyo khibradtoona u la hayn masuuliyada dusha loo saaray ama wuxuu soo xushaa kuwo uu raali ka yahay la shaqayn tooda oo dhego nugul (Comfortable), hadalkiisa maqla waxna aan ku soo celin.

Marka ay warbaxin ka siinayaan xaaladaha dalka iyo waxa ka jira waxay u sheegaan wuxuu jecel yahay  in uu maqlo, halkii ay uga sheegi lahaayeen wuxuu u baahan yahay in uu maqlo.

Waxay hoos u dhigaan dhibaatada iyo arrimaha xasaasiga ah ee dalka gudahiisa ka jira ama khataraha shirqoolada dibeda kaga socda.

Waxa la iskaga gudbaa ama laga qariyaa fadeexadaha maamulka iyo musumaasuqa ka jir hay’adaha dawlada.

Dhaliilaha iyo cabashada dadweynaha ee hay’adaha sharci fulinta, garsoorka iyo kuwa adeegyada waxa looga dhigaa in ay yihiin warar dacaayad ah oo lagu ceebaynaayo dawlada iyo madaxda qaranka.

Waxa loo buunbuniyaa wax yar oo ay xukuumadu qabatay iyo sida dadku mabsuudka ugu yahay hogaamintiisa  marka laga reerbo dad tiro yar oo ka xun horumarka xukuumada samaynayso.

Sidaaderaadeed   maadama madaxweynaha aanay hawlo culusiba u oolin  waxa lagu mashquuliyaa arimo yar yar oo madaxda hoose qaban karto iyo balamo aan rasmi ahayn oo wakhtiga lagaga lumiyo .

 

Haddii xaaladu sidaa ku sii socoto waxa dhici kara  in ay xukuumadu gabto waajibaadkii  iyo masuuliyadii ka saarnayd  dalka  iyo dadkaba.

Si kastaba ha ahaate in kasta oo uu hamigiisu ahaa in uu noqdo hogaamiye fiican, wuxuu ku biiraa liiska ku wii fashilmay, halka qaar kalena ay ka mid noqdaan kuwii guulaystay.

Waxa run ah madaxweyne kasta raadku uu ka tago waxa qayb ka ah raga ku xeeran hadana taariikhda waxa lagu suntaa magaca madaxweynaha oo keliya xumaan iyo samaan hadba wixii u galay  yaalaa lama xasuusto kuwii kaabay ama kuwii kaday.

Cabdiraxman cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Hargeisa Somaliland.