|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29280 |
May 17, 2012 Jamada Al-Thani 26,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ajaanibkii Dalka Laga Saaray Oo Dib Usoo Rogaal Celiyay Iyo W/Daakhilga Oo Ka Seexatay Dabagalka Go’aankii Lagu MastaafuriyayHargeysa, May 17, 2012 (Haatuf) - Dadkii Ajaanibka ahaa ee Xukuumada Somaliland ay horaantii Bishii June 2011-kii ay dalka ka saartay, ayaa baryahan dambe dib ugu soo qulqulaya Caasimada dalka ee Hargeysa, gaar ahaan Qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo u badnaa dadkii Ajaanibka ahaa ee dalka laga saaray, oo suuqyada Caasimada ka dawarsan jiray iyo qaar ka shaqaysan jiray-ba.Saddexdii bilood ee u dambeeyay ayaa dalka ay si xawliya ugu soo qulqulayeen dadkaasi hore dalka looga saaray oo u badnaa dadka Oromada ahaa ee ka soo haajiray dalka Itoobiya, kuwaas oo bishii ugu dambaysay faras magaalaha Hargeysa iyo xaafadaha kala duwan ee Caasimada lagu arkayay, iyagoo raxanraxan u socda suuqyada, isla markaana ah haween iyo caruur faraqyada is haysta.Wasaarada arrimaha gudaha oo xukuumada ugu xilsaarnayd go’aankii sanadkii hore dalka lagaga mastaafuriyay ayaan ilaa hada wax dabagal iyo Kaantarool ah aan ku samayn go’aankaasi hore ee dib loogu celiyay dalalkoodii, kuwaas oo lagu tilmaamo in dadka ajaanibka ahi dabac ay ka heleen go’aankii hore ee xukuumada ay fursad ugu noqotay in mar labaad ay dalka dib ugu soo rogaal celiyaan, kuwaas oo labadii bilood ee u dambeeyay ku soo qulqulayay dalka, gaar ahaan Caasimada Hargeysa.Ajaanibkan dalka sharci darada ku soo galaya ayaa la sheegay inay intooda badan ka soo talaabeen deegaanada u dhexeeya xuduuda Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan degmooyinka Tog-wajaale oo lug iyo gaadiid-ba ay kaga soo talaabaan, iyagoo sidoo kalena Kaantaroolada u dhexeeya Wajaale ilaa Hargeysa aanay wax baadhis iyo kaantarool ah ku samaynin ajaanibka sida qayrul sharciga ah dalka u soo galaya. |