Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Shalay Hargaysa Loogu Sameeyey Mujaahid Axmed Maxamed Halac

Hargeys, May, 17, 2012 (Haatuf) – Alle ha u naxariistee Mujaahid Axmed Maxamed Halac ayaa aas Qaran shalay loogu sameeyey Magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu aasay Xabaalaha Boqol Jire, isla markaana uu aaskiisa ka qaybgalay Masuuliyiin uu horkacayo Madaxwaynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Sidoo kale Maydka Marxuumka ayaa maalintii doraad laga keenay Dalka Sweden, halkaas oo uu todobaadkan horaantiisii ku geeriyooday, (AHN) Mujaahid Axmed Maxamed Halac ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidamada booliska Soomaaliya  xilligii midowga Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo sidoo kale lagu xasuusto doorkii uu ka qaatay Halgankii ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, isla markaana wakhtigaas uu askariga ka ahaa dawladii Siyaad Barre Saraakiil badan ka caawiyey sidii ay talaabi lahaayeen.

Dhinaca kale Aaska Qaran ee shalay loo sameeyey Mujaahidkaas ayaa waxa Madaxwaynaha ku wehelinayey oo ka qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid  yihiin Shir-guddoonka labada aqal ee baarlamaanka , xildhibaano, madax dhaqameed iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo shalay xabaasha dusheeda kula hadlay Warbaahinta ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Col Halac, waxaana uu Ilaahay uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Sidoo kale Xubno ka mid ah saraakiishii ay ciidamada ka wada tirsanaayeen ee aqoonta badan u lahayd Marxuumka, ayaa iyana tacsi u diray qoyskii Marxuumka, iyaga oo ku tilmaamay Nin qayb  weyn ka qaatay taakulayntii jabhadii SNM iyo dagaalkii lagaga soo horjeeday Taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.