|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29280 |
May 17, 2012 Jamada Al-Thani 26,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Hantida Guud Ee Qaranka (Public Property) (Qalinka-Xaaji Saalix Al-Rashiidi) - Qarnnimada Dalku, waxay mar-kastaba u baahan tahay Hanti iyo lahaansho saldhig u ah jiritaankeeda. Hantida Qaranku, waxay noqon karaan, laba nooc midhkood:- (a)- Hantida Guud ( Koowad), waa Hantida ku lug leh Jiritaanka Qarannimada, waana Hanti Asal ah ee mark-kasta loo baahan yahay, aan la gadi karin, la Beddeli karin, aan kala qaybsami Karin, Ganacsina aan geli Karin. Waa Hanti mar-guurto iyo lama beddelaan ah. Wax ka Beddelka Hantida noocaas ah, waxuu u baahan yahay sharci u gaar ah ee ka horreeya Fullinta iyo meel-marinta fikradda wax ka beddelidda u jeeddada iyo nuxurka Hantida guud ee Qaranka. Hantida guud ee Qarankana, waxaa ka mid ah:- (1) Hantida Ciidamada, sida- Godadka loogu dhaqmo Dagaalka (Dhufeysyada), Saldhigyada, Xeryaha Ciidamada, Dhismayaasha Dagaalka, Goobaha Dab-ridka ee tijaabinta Hubka iyo Carbiska iyo Dhulka loo xayiray isticmaalka Ciidamada. (2) – Xeebaha, furdooyinka, Badda berriga u dhow, Rugaha Guntaalaha iyo Madhaafiicda!! (3) Jidadka Baabuurta, Buundooyinka ,Dekehadaha dhisan iyo Maddaarrada Dayuuradaha!! (4) – Dhammaan wixii leh, waxtar iyo micne taariikheed, suugaaneed amase Saldhig cilmi baadhiseed iyo dal-xiis!! (5) –Togaga biyo-mareenka, Harooyinka Baliyada, iyo goobaha Dur-durka . (6) – Hantida kale ee ma-guurtada, sida-xafiisyada, Isbitaallada, Dugsiyada iyo Dhismo kasta ee Dawladdu uga maarmi weydo dan guud darteed oo aan laga soo ag-dhowaan Karin!! - Waxaa xaaraan iyo sharci-darro ah in lagu soo xad-gubo, laguna so durko agagaarka iyo soohdimaha dhulkaas Hantida guud ah, isla markaasna la haweeysto in weerar Hubeysan laguba soo qaado. Dhulkaasi ma aha dhul cusub oo ay tahay in hadda lagaba hadlo. Hase yeeshee, wuxuu ahaa Hanti Qaran ee soo jireen ah oo aan hore loogu dhici jirin, looguna dhiirran jirin in wadar iyo waaxid toonna sheegan karaan. Waxaa hore loo yidhi Soomalidu kal baqata ayey leedahay ee kal xishoota malah! Waxaase wax yaabaha dhulka ka dhacayaa ugu wacan Damaca iyo Dawlad u hoggaansan la’anta Dadka qaarkii ee Dhul-boobka ku mamay, kuna xalaalsaday, kuwaaasoo hore aan juuq u odhan jirin, kuna dhici jirin, inay sii joogaan, kuna murmaan, Jagooyin ay hore u deganaan jireen , hase yeeshee, lagu san-dullayn jiray, inay dan awgeed, uga guuraan, taasoo aan wax muran iyo hadal ah toona laga soo celin jirin, xilliyadii xukunkii Somaliya amse Faqashtii, laga biqi jirey wuxuunna xalkoodu ahaa Amar- Dawlo - Muddeec, haddeerna xaalkoodu, waa mar-Dawlo ka-kac iyo suti-gaashaan ee bal aan sugno oo aan dhawrno,Qabiil iyo Qaran midka Jidkiisa la raaco ee wax- ku-ool-noqon kara!! (b) – Hantida Dhaqaale ee Dawladda (labaad) - Waa Hantida Dawladda ee ka kooban wax kasta ee ay Dawladdu ka heli karto dhaqaale amse u noqon kara ilo Daqaale. Hantida Dhaqaale ee Dawladdu, wey geli kartaa ganacsi, waa la beddeli karaa marka dan la bibo. Arrimaha saldhigga u ah Hantida Dhaqaale ee Dawladda, waxaa ka mid ah:- (1)- Cashuurta ay Dawladdu qaadato ee sharciga waafaqsan oo nqon karta:- (a)- Mid uu jideeyey sharciga guud ee Dalka oo dhan, (b)- Mid uu qeexay sharci gaar ah amase ku kooban meel gaar ah, taasoo noqon karta, mid toos ah amase mid dadban; waana in la ogaado inaan cashuur la qaadi Karin, haddaan sharci la wafajin, marka hore siiba wixii ku lug leh Cashuurta guud (tributes). (2)- Dakhliga Dawladda ka soo gala adeegga ay Bulshada u sameyso(services). (3)- Lacagta ay Dawladdu ka hesho wax ay lahayd ee ay gadday (4)- Lacagta ay Dawladdu ka hesho Deeq amase amaah ahaan, heer waddani amase caalimi ah!! - Hantida Qaranku nooc kasta ha ahaatee, waxay markasta mudan tahay ilaalin iyo tixgelin gaar ah, si wax-tarkeedu uu u noqdo mid laga wada faa’iideysto, looguna adeego Danta guud ee Qaranka oo keliya. - Ugu danbeyntii, daryeelka iyo ilaalinta dhulka Hantida guud ahi, wuxuu xil-wadareed ka saran yahay, Maamulka Dawladaha hoose, Wasaaradaha Arrimha Gudaha iyo Hawlaha guud iyo dhammaan Hay’adaha gacnta ku haya ee Maamla , Hantida guud ee Qaranka, taasoo wixii dayacaad iyo Maamul xumo ah ee ka yimaadda amse fal-denbiyeed ah ee ka dhasha, ay tahay in lagula xisaabtamo, ama lagu daba galo. - Hase- yeeshee, waxaa is-weydiin mudan, sababta Hay’adihii Amniga u xil sarranaa iyo mas’uuliintii Degmada Dagaalka laga soo qaaday, ay u sii ogaan waayeen ku-tallo-galka qorshaha sharci-jebiyeyaasha (law and order breakers), inta aysan Dagaalka soo qaadin, soona gaadhin fadhiisinka Ciidanka, taasoo la yaab iyo amakaag leh, inay ka dhacdo, meel Amni, Xuuraan iyo Sir-doonnimo ka jirto amse ka shaqayso!! - Sida loo wada jeedo oo cid kasaba dareentay, Wasaaradda Aarrinimaha Guddaha, waxay dhinac ula dheelliday xilkii laga rabay, weyna isku wadi kari weday, Arrimaha Amniga iyo Maamulka Dawladaha hoose ee xallinta khilaafaadka Dhulka, Xasilloonida Nabad-gellyada halista joogta joogtada ah iyo jaah- wareerka ku ah!! Bulsha weynta Soomalilan waxay ka muu-jiyeen Guux iyo Xan-sha-shaq, cabsi iyo dareen lama filaan ah, huwan, taasoo ay u nisbaynayaan feejignaan la’aanta Hay’addihii Amniga ee heer Degmo, Gobol iyo Qaran!! |