Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Joomitirada D/ Hoose Ee Berbera:Caqabad Hortaagan Dhismaha Iyo Fiditaanka Magaalada

Faalo: Weriye Maxamed Xaraggo

Magaalo-xeebeedda Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee guud ahaan dhaqaalaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka soo xaroodo, ayaa labadii sano ee u danbeeyay ka soo kabatay dib-u-dhac ballaadhan, dayac iyo burbur ku habsaday dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay, taas oo qarka u saarnayd inay isu bedesho bahalo-galeen ah.

Darxumada iyo dayacaasi wuxuu sababay inay dadkii ehelka u ahaa uga hayaamaan dhinaca caasimadda Hargeysa iyo magaalada Burco, kuna hadhaan oo keliya shaqaale degaanno kala duwan ka kala yimi iyo safarro ganacsi habeen-dhaxeedu ku adkaa. Taas oo aan tobankii sanno ee u dambeeyey guri cusub gudaheeda laga binnayn, mid ka duma mooyee.

Addeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida Caafimaadka, Laydhka, Biyaha iyo waxbarashada, ayaa la rumaysan yahay inay xuddun u ahaayeen sababta reer Berbera uga hayaameen magaalada, ka dib markii gabaabsi iyo qaaliyow isu barkadeen.

Masuulliyadda magac-xumada Berbera cidii doontaa ha yeelatee waxa laysku raacsanyahay inay Berbera eersatay masuulliyiintii xilalka kala duwan ka soo qabtay oo indhaha ka laliyay inay hoos u eegaan magaalada, waxa kale oo iyaguna dub-u-dhaca Berbera lafdhabar u ah Goleyaashii deegaanka ee codka shacabka ku yimi sannadkii 2001, oo ahaa Doorashooyinkii ugu horreeyay ee shacabku codkooda ku soo saaraan xildhibaannadii goleyaasha Deegaanka oo ay masuulliyad gaar ahi ka saarantahay haggaajinta addeegyada bulshada.

Tan iyo intii ka dambaysay isbeddelkii siyaasadeed ee uu talada dalka kula wareegay xisbiga Kulmiye 1-dii July sannadkii 2010, waxa magaalada Berbera laga hirgeliyay mashaariic door ah oo dib u soo celiyey cammirnaantii dadka iyo ganacsiga, waxana si xawli ah wax looga qabtay horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismeyaala tiro badan oo lagu kordhiyey xarumaha hay’adaha kala duwan ee ku yaal magaaladaas iyo guro waaweyn oo dadweynuhu ka dhisteen.

Waxaa sannadkii u dambeeyey sii kordhayey dib-u-dhiska dhismeyaashii hore ee magaaladaas oo tobankii sannadood ee la soo dhaafay caaradu dabooshay oo aan cid gelin, sidoo kalena waxa gudaha iyo daafaha Berbera laga binneeyey dhismeyaal cusub oo isugu jira dabaqyo iyo daaro fiilooyin ah oo aan noocooda oo kale laga hirgelin magaalo-xeebeedda Berbera ku dhowaad labaatankii sanno ee Somaliland jirtay.

Isbedelka ka muuqda Berbera ee ay hormoodka u yihiin maamulka cusub ee Gobolka Saaxil iyo masuulliyiinti hore u joogay oo isla-jaan-qaaday waxa barbar taal arrin dhabar-jab ku ah horumarka iyo cammirnaanta magaalada Berbera, oo ah  koox shebakad isku xidhan noqday yar oo ku mamay laaluush iyo dhaqaale ay ku xidhaan muwaadin kasta oo doonaya inuu Berbera ka dhisto guri, waa Joomitirada dawladda Hoose ee Berbera oo iyagu laf-dhuun gadhay ku noqday dhismaha iyo korodhka magaalada Berbera. Kuwaas oo shacab badan ku riday niyad-jab, ka dib markay war wareejiyaan muddo dheer amma weydiiyaan dhaqaale xad-dhaafa oo aanu muwaadinku bixin Karin.

Dad badani waxay ka niyad-jabeen daba-wareega iyo leel leelka kooxda Joomitirada dawladda Hoose ee Berbera iyo waaxda dhulku kula kacaan, waxaanad subax kasta indhahaagu qabanayaan boqollaal qof oo faylal ay guryo ku dhisan lahaayeen la hor tuban Xarunta Dawladda Hoose ee Berbera. Kuwaas oo l’a hawlwadeennadii u shaqayn lahaa, oo suuq-madow ka sammaystay magaalada, islamarkaana dhaqaale badan weydiiya ciddii guri doonaysa inay dhisato.

 “Sanad baan daba-socday in lay sharciyadeeyo guri aan doonayay inaan Berbera ka dhisto, ka dib markii aan waayay cid iga qabata faylasha iyo lacagta cashuurta igu waajibtay. Way adagtahaya sidaad ku hesho cid kuu shaqaysa,  waxaanay sammaysteen goobo cayiman oo iyaga u gaara, oo cidda ay doonayaan ugu shaqeeyaan. Markaan muddo dheer daba socday ee aan ku daalay waxaan go’aansaday inaan ka hadho, anigoo gurigiina ka dhistay Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, haddii aan joomitirada iyo hawlwadeennada dawladda Hoose ee dhulka ku shaqo leh ummadda laga qabana waxa iman doonta in dad bulshadu niyad-jab darted u joojiyaan guryo badan oo ay dhisan lahaayeen.” Sidaa waxa yidhi Muwaadin ka mid ah dadweynaha niyad-jabka ka qaaday shebekadda qawlaysatada ah oo aan kula kulmay magaalada Berbera, kaasoo magaciisa ku soo gaabiyay Ayaanle.

Kooxda Joomitirada Dawladda Hoose ee Berbera waxay ku mameen lacago xad-dhaafa oo ay ka helaan muwaadiniinta ay wadnaha qabteen. sidaa daraadeed Maamulka Gobolka Saaxil, Golaha Deedaanka iyo cidkasta oo ummadda u tudhaysaa waa inay meel uga soo wada jeestaan kooxdan caqabadda ku ah horumarka oo tallaabo adag ka qaadaan.

Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago)