Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhiyay Wasaarada Qorshaynta

Munaasibad xadhiga lagaga jarayay dhisme cusub oo lagu kordhiyay xaruunta wasaarada qoryshaynta qaranka Somaliland ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin uu horkacayo madaxeyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil C/laahi Saylici, wasiirka qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire,  iyo Madaxa Hay’ada UNDP, ee Somaliland mr Steven. Dhismahan oo lagu kordhiyay wasaarada qorshaynta ayaa waxa maalgalintiisa ka qayb qaadahay hayada horumarinta qaramada midoobay ee UNDP. Xafladii xadhiga lagaga jarayay dhismaha lagu kordhiyay wasaarada qorshaynta waxa hadalo ka jeediyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici waxana uu ugu horeyn u mahad celiyay wasiirka wasaarada qorshaynta oo uu ku tilmaamay in uu hawl adag qabtay mudada labada sano ku dhow  ee uu hayay xilka wasaarada qorshaynta, waxa kale oo uu Saylici, tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo goob lagu shaqeeyaa isaga oo arintaa ka hadalayana waxa hadaladiisii kamid ahaa “Shaqadu waxa ay u baahantahay goobtii lagu shaqaynayay, marka meeshii lagu shaqaynayay la helo ayaa shaqada tayadeeda iyo hurumarkeeda la gaadhi karaa” waxa kale oo uu Madaxweyne Ku Xigeen C/raxmaan Ismaaciil C/laahi Saylici, sheegay sida uu ugu faraxsanyahay balaadhinta dhismaha wasaarada isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ aad ayaan ugu farxsanahay in dhismaha intan le’eg laga hirgaliyo wasaarada si ay hawshii qaranka ay u haysay ugu fushato”. Ugu danbayna waxa uu madaxweyne xigeenku u mahad naqay dhamaan ka qayb qaateyaashii dhismaha lagu kordhiyay wasaarada qorshaynta oo ay ugu horeyso hay’ada UNDP.  Waxa kale oo madasha ka hadlay wasiirka wasaarada qorshaynta   Dr Sacad Cali Shire,  oo tilmaamay isbadalka horumarka leh ee wasaaradu samaysay intii ay xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay talada dalka haysay.