|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29280 |
May 17, 2012 Jamada Al-Thani 26,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Hotel Casri Ah Oo Laga Hirgalinayo Bada Hoosteeda Gobolka Bariga DhexeHormarka laga samaynayo Technolgy-yada ayaa si xoogan ugu sii faafaya dunida labaad iyada oo gobolka bariga dhexe markii ugu horeysay laga hirgalinayo Hotel ku yaala badda gunteeda hoose. Shirkada Drydocks World oo ah shirkad xaga dayactirka iyo iibinta Gaadiidka badda iyo dhismayaasha ka hawl gashay oo laga leeyahay dalka iskutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ay soo bandhigtay naqshada Hoteel kamid ah kuwa ugu raaxda badan aduunka oo laga dhisay badda gunteeda hoose. Waxa ay heshiis la gaadhay shirkada BIG InvestConsult ee dalka Switzerland taas oo heysata xuquuqda technology-da dhismaha Hotelkan. Waxa Hotel-kan lagu magacaabaa “World Discus Hotel” waxana ku bixi doontaa qiimo lacageed oo dhan $ 2.2 bilyan,waxa uu yeelan doonaa 21 qol, qofka gudihiisa ku jiraa waxa uu awood u yeelan doonaa in uu daawado afarta jaho ee bada marka uu gudaha u galo hudheelka. Hoteelkani waxa uu xaga sare ku leelan doonaa saqaf sare oo ay ku dagi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan (helicopters) Waxa lagu xidhi doona qalab casri ah oo sheegaya hadii ay dabeylo ama duufaano soo socdaan ,laakiin manoqon doono hotel-kii ugu horeeyay ee laga dhiso badda hoosteeda waxana jira dhisme laga dhisey Jasiirada Maldives ee badweynta Hindiya muddo hore. |