Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29280

May 17, 2012                                                         Jamada Al-Thani  26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siirada Saxaabada Rasuulka (scw)

Taariikhda Asxaabiyada Weyn Ee  Al Rabiic Binu Ziyaad Al Xaarithi  (Q.2aad)

Muslimiintii oo helay hanti fara badan: Markii uu qaboobay dagaalkii, ayaa waxa ALl-Rabiic Binu Ziyaad oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka u yimid guddoomiyihii degmada, isaga oo doonaya in uu bixiyo lacag furasho ah. Al-Rabiic ayaa ku yidhi “waan ku sii deenayaa haddaad muslimiinta u badiso lacagta furashada”. Guddoomiyihii degmada “imisaad doonaysaa?”. Al-Rabiic Binu Ziyaad “waxan dhulka ku qotominayaa warankan, dabadeedna waxaad korkiisa ku shubaysaa dahabka kiisa huruudka ah iyo fiddada ama qalinka ilaa aad ka qariso qarin”. Guddoomiyhii degmada wuxu yidhi “waan oggolahay”, wuxuna kaasafoortadiisa ka soo saaray dahabkii kala duwanaa, isaga oo warankii dhulka lagu qotomiyay korkiisa ku shubay jeer dahabkii ay qariyaan waranka.

Furashadii Sijistaan: Saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee waxay ciidankiisii ku guuleystay oo guda galeen markale sidii ay u furan lahaayeen gobolka Sijistaan. Dagaallo daran kadib, waxa is fur-furay dhufeysyadii ku hareeraysnaa Sijistaan. Dadkii degganaa magaalooyinka iyo tuulooyinku waxay billaabeen in ay soo dhoweeyaan ciidamadii Al-Rabiic Binu Ziyaad, iyaga oo A-l-Rabiic ka dalbanaya nabadgelyo kahor intaanu ula bixin seefaha ilaa uu markii danbe ka gaaro magaallada Zaranj oo ahayd xarunta gobolka Sijistaan.

Waxyar kadib maba la joogin, jeer ciidamadii gaallada ay u diyaar garoobaan inay dagaal ku qaadaan ciidamada muslimiinta, waxayna isaga yeerteen meel kasta, si ay u difaacdaan magaalladoodii istiraatiijiga ahayd, arrintaasina wax kasta ha ku qaadatee. Labadii ciidan waxaa dhex martay dagaal si ba’an labada dhinac loogu hoobtay, iyadoo labada ciidanba ay ka dhinteen dad aad u badan Markii ay ciidamadii muslimiinta ay u soo muuqatay guushii dagaalka ayaa guddoomiyihii gaallada ee la oran jiray Barweez guda galay siduu ula heshiin lahaa Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si uu isaga iyo tolkiisa ay u helaan wax u dhaama dhimmashada kaga imaanaysa dagaalka.

Barweez wuxuu ergo u diray Al-Rabiic Binu Ziyaad, isagoo weydiisanaya inuu u sameeyo madal ama ballan uu kula kulmo, si uu ugala xaajoodo nabad, wuuna ka aqbalay Al-Rabiic dalabkaas. Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa amray ciidamadiisa inay diyaariyaan goobtii uu kula kulmi lahaa Barweez, wuxuuna ciidankiisa ka dalbay in hareeraha goobta kulanka lagu soo daadiyo meydadkii gaalladii reer Furus ee dagaalka lagu laayay, iyo sidoo kale in meydad kale lagu daadiyo waddada labadeeda dhinac ee uu soo mari doono Barweez.Wuu cabsanayay qofkii arkaa: Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu ahaa nin aad u dheer, lehna midab maariin, aadna u xoog badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay qofkii arka Al-Rabiic. Barweez markii uu u soo galay Al-Rabiic waxaa durbadiiba gashay cabsi aad u weyn, cabsi awgeed ayuu ku sigtay inay nafta uga baxdo, kadib markii uu arkay meydadkii dadkiisii laga laayay ee lagu daadiyay waddada. Ma uusan ku dhiiran Barweez inuu u soo dhowaado Al-Rabiic si uu u salaamo. Wuxuu ka cabsaday in la dilo, hadal gango leh oo laga dareemayo cabsi daran ayuu kula hadlay Al-Rabiic, isagoo ballan kula galay inuu u soo saaro 1000 wiil oo dhalinyaro ah, uuna mid kastaana madaxiisa saaro koob dahab ah, sidiina ayuu Al-Rabiic Binu Ziyaad uga aqbalay dalabkii ka yimid Barweez.

Maalin aad u weyn ayeey ahayd: Maalintii xigtay wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad soo galay magaalladii, iyagoo dadkii degganaa magaallada-na ay garab socdaan tahliishii (Laa ilaaha Illallaah) iyo takbiirtii (Allahu akbartii) ay qaadayeen muslimiinta. Waxay ahayd maalin aad u weyn oo ka mid ahayd maalmaha Eebbe (sw), sidiina ayuu A-Rabiic Binu Ziyaad sabab ugu noqday inuu furto magaalooyin fara badan oo ka mid ahaa dhulkii ay degganaayeen reer Furus.

Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad ahaa geesigaas ay muslimiinta u kaalmaystaan ka hortagga cadoowga Alle ilaa markii danbe dowladdii islaamka ay gacanta u gasho qoys la yiraahdo reer Banii Ummaya. Run ahaantii waxay ahayd nasiib darradii ugu weynayd ee islaamka soo waajaha, kadib markii dowladdii islaamka ee loo wada dhammaa ay la wareegeen qoyskaas reer Banii Ummaya.

Al-Rabiic oo madax looga dhigay Khuraasaan

Magaalladii Khuraasaan ee la xoreeyay waxaa madax looga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad kadib markii uu u magacaabay Mucaawiya Binu Abii Sufyaan.

Hase ahaatee, Al-Rabiic Binu Ziyaad kuma qalbi fiyoobeen madaxnimadaas, oo wuxuu jeclaa inuusan madax noqon, weliba wuxuu sii dhibsaday markii uu warqad ka helay ninka la yiraahdo Ziyaad Binu Abiih oo ka mid ahaa madaxdii waaweynaa ee reer Banii Ummaya, dhinaca kalena ka mid ahaa raggii dilay Xuseen Binu Cali wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw). Warqaddii loo soo diray Al-Rabiic, ayaa waxaa ku qornaa hadalladan “amiiral mu’miniinka Mucaawiye wuxuu ku amrayaa inaad dahabka kiisa huruudka ah iyo kiisa cad (qalinka) kana mid ah qaniimooyinka jihaadka aad u dhigtid bankiga dhexe ee muslimiinta, wixii intaas ka soo harana aad u qaybisid mujaahidiinta”, taasina waa mid si toos uga hor imaanaysa qodobbada ku cad nusuusta qur’aanka. Waxaan ognahay inuu Eebbe (sw) qaybiyay sida loo kala qaadanayo hantida laga soo helo jihaadka, iyadoo shan qaybood qayb la dhigayo baytul-maalka, halka inta soo hartayna loo qaybinayo mujaahidiinta, iyadoo uu qaybinayana amiirka jihaadka. Noloshii waan ka noogay(Quustay):Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi dalabkaas si daran ayuu ugu gacan saydhay, wuxuna warqad uu ugu jawaabayo Ziyaad Binu Abiih ku yidhi “waxan kitaabka Alle ka helay amar ka duwan kii aad igu soo amartay magaca amiiral-mu’miniinka”, dabadeedna dadkii ayuu isugu yeedhay isaga oo u dhawaaqayana wuxu ku yidhi “ku soo kallaha qaniimooyinkiinii oo kaalaya qaata”, wuxuna maalkii qaniimada shan meelood meel ahaan  u diray bankiga dhexe ee muslimiinta ee Dimishiq.

Maalintii jumcada ee xigtay markay timid, wuxu Al-Rabiic Binu Ziyaad u soo baxay salaaddii jumcaha isaga oo xidhan dhar cad. Dadkii ayuu u jeediyay khudbaddii jumcaha, dabadeedna wuxu yidhi “dadoow waan ka noogay noloshan ee waan duceenayaaye ee aamiin ii dhaha ducadayda” kadibna wuxu ku duceystay “Ilaahayow haddaad kheyr ila doonaysid xaggaaga ii qibloow oo i oofso si degdeg ah oo aan dib dhigid lahayn”, dadkiina ducadiisa ayey aamiin u yidhaahdeen. Maalintaas qoraxdu kamay dhicin ilaa uu ka dhinto saxaabigii geesigii ahaa ee dunidan dhow ka doortay la kulankii Eebbe (sw). Ilaahay ha ka raalli noqdo, hana u naxariisto saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi.