|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29280 |
May 17, 2012 Jamada Al-Thani 26,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xidigaha Kubada Cagta Iyo Tababare Yaasha Caanka Ah Oo Qiimayta Ciyaartoyda Ku Saleeya Wadaniyad Jeclaysi La Muuqaal Ah QabyaaladaMudooyinkii u danbeeyay waxa si cad usoo if baxayay taageerada iyo nasab ku doorashada ciyaartoyda aduunka iyada oo xidigii hore kubada usoo maray, tababare yaasha iyo dadka magaca ku leh ciyaarta kubada cagtu ay si mutaxan taageero shakhsi ah ula garab istaagaan ciyaartoyda xiligan kubada ciyaarta ee kasoo jeeda dalkooda hooyo. Xidigaha Pele iyo Diego Maradona oo ah labada ciyaartoy ee aduunka ugu saamaynta badan ciyaarta kubada cagta ayaa waxa ay toos ah ugu ololeeyaan ciyaartoyda u nasab sheegta wadamada ay kasoo kala jeedaan ee Brazil iyo Argentina, waxa kale oo qaar kamid ah tababareyaasha kubada cagta oo si muuqata u taageera ciyaartoyda asal ahaan kasoo jeeda dalkooda hooyo. Waxana tusaale loo soo qaadan karaa tababareyaasha kooxaha Real Madrid , Arsenal, Jose Mourinho iyo Arsene Wenger. Boqorka kubada cagta aduunka ee Pele waxa uu si cad uga soo horjeedaa xidiga aduunka ee Lionel Messi oo mar kasta ku tilmaamo ciyaartoy aan tayo lahayn halka uu difaac adag u galo Diego Maradona oo ay kasoo wada jeedaan dalka Argentina, dhanka kale waxa uu Pele taageeraa mid kamid ah ciyaartoyda ka ciyaara gudaha Brazil oo la yidhaa Nymar. Hadaba Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegtay in Cristiano Ronaldo uu u qalmo in uu ku guuleysto abaalmarinta laacibka sannadka ee Ballon d’Or, isaga oo ku dooday in goolashii Messi ay ahaayeen kuwo aan wax micno ah laheyn, madaama uu ku guuldareystay in uu Barcelona ku hogaamiyo Primera Division.Messi ayaa jabiyay rikoodho badan xilli ciyaareedkan intii uu socday oo ay ku jirto 50 gool oo uu shabaqa soo taabtay horyaalka La Liga, lakiin Mourinho ayaa aamisan in 46dii gool ee uu dhaliyay Ronaldo inay ka qiimo badan yihiin sababta oo ah waxa ay ka cawiyeen Real Madrid in ay horyaalka ku guuleystaan “Cristiano waa qasab in uu noqdo ciyaaryahanka ku guuleysta Ballon d’Or, maaha in uu ahaa ciyaaryahankii gooldhalinta qaaday, lakiin sababta oo ah goolashiisa ayaa lagu qaaday horyaal” ayuu tababaraha reer Portugal ku sheegay wareysi uu siinayay SIC. “Messi waxa uu dhaliyay 50 gool oo aan wax micno laheyn, sida Cristiano uu u dhaliyay 42 gool xilli ciyaareedkii hore oo aan micno laheyn” “Cristiano muu awoodin in uu ku guuleysto abaalmarinta gooldhalinta, lakiin waxan qabaa in uu ku guuleysan karo Ballon d’Or”. |