|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29280 |
May 17, 2012 Jamada Al-Thani 26,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gool-hayahe David De Gea Oo Markii Ugu Horeysay Loogu Yeedhay Xulka Waaweyn Ee Spain In Uu U SaftoGool hayaha kooxda Manchester United David De Gea ayaa marki ugu horeysay loogu yeedhay xulka waaweyn ee wadanka Spain oo kulamo saaxibtinimo la ciyaaridoona wadamada Serbia iyo South Korea. De Gea oo koobka dhalin yarada yurub uqaaday Spain ayaa ku biiray Manchester United waxana sanadkiisii koowaad si dirqi ah looga qaaday horyaalka England sidaas ayuuna ku muteystay in lamagacaabo. Atletico Madrid xidigaheeda Juanfran iyo Adrian Lopez ayaa sidoo kale markii ugu horeysay loogu yeedhay xulka Del Bosque ayaan 21-kan xidig ku darin xidigahga Barcelona iyo kuwa Athletic Bilbao madama ay 25-ka bishan ku kulmi doonaan Final-ka Copa del Rey. Chelsea labadeeda xidig ee Fernando Torres iyo Juan Mata ayaa sidoo kale ka maqan liiskan madaama ay ciyaari doonaan Final-ka Champions League todobaadka soo socda. Dib ayaa laga soo magacabi doona 23-ka nin ee Spain u mataleysa Euro 2012. Xulka Spain ee hada lasoo magacabay waxa kamid ah Casillas (Real Madrid), Reina (Liverpool), De Gea (Man United) Arbeloa (Real Madrid), Ramos (Real Madrid), Albiol (Real Madrid), Alba (Valencia), Monreal (Malaga), Torres (Atletico Madrid), Dominguez (Atletico Madrid) Alonso (Real Madrid), Cazorla (Malaga), Etxebarria (Real Betis), Isco (Malaga), Garcia (Benfica), Soriano (Villarreal), Silva (Man City), Navas (Sevilla)Negredo (Sevilla), Soldado (Valencia), Lopez (Atletico). |