Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2995

June 04, 2012                                                                                Rajab 14,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xildhibaan Dheeg Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Mudane Golahooda Ka Tirsan

Hargeysa, June 4, 2012 (Haatuf) - Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay xildhibaan Cabdi qaadir Indho-Indho oo uu kaga hadlay arimo doora.

Xildhibaan Dheeg oo shalay shir jaraa,id ku qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay inuu xildhibaan Indho-Indho Ka shaqeeyo sidii deegaamadiisa uu ugu dhaadhicin laha inay nabada qaataan.

Ugu horayn xildhibaan Dheeg oo jawaab ka bixinaya hadal uu xildhibaan Indho-Indho ku sheegay in ogaan loo reebay wasiir xaabsade oo ka mid ahaa waftigii Somaliland u matalayey shirkii ka dhacay wadanka turkiga balse aanay wasiirka u suurta gelin arimo la xidhiidha dhinaca passport-ka waxa uu yidhi xildhibaanka aanu golaha guurtida ku  wada jirno ee Cabdiqaadir Indho Indho waxa uu u hadlay nimaan loo hadli  Karin, balse waxa loo hadlaa nin jilicsan oo aan codkiisa iyo cududiisa ku meel mari Karin.

Xildhibaan Indho waxa uu u hadlay wasiir xaabsade oo ah nin mugiisa iyo magaciisa ku  jooga meesha, raga xabagta meesha ku dhajisan u joogana maaha kaas oo  yidhi qolo ahan,gobol ahaan iyo cidla ayaa lagaga tagay, balse Xaabsade nin cidla lagaga tago maaha, nin hadii uu arkayo  in laga tagayana aamusnaan kara, Xaabsana maaha nin la odhan karo cidlaa lagaga tagay nin aad u hadlaysana maaha waa nin kaa da, weyn, kaana cilmi badan siyaasada kaaga soo horeeya mana ah nin aad u hadli karo

Xildhibaan dheeg oo ka hadlaya dhaliisha uu golaha guurtida u soo jeediyey xildhibaan Indho-Indho waxa uu yidhi Dhaliishii golahayaga waxa uu saaray meel kale, anaguna hadii aanu nahay mudanayaasha golaha guurtida dhaliisha aanu leenahay inaanu cid kale ku dhaleecayno maaha, hadii aanu gudoomiye bedalayno,haddii aanu dhaqaale ka hadlayno iyo wixii kale ee aanu ka hadlaynaba inaanu gole ahaan uga hadalno oo aanu waxayaga asturno ayaanu leenahay laakiin inaanu nidhaahno cid kale ayaa naga danbaysa iyo cid kale ayaa na baabiinaysa waa nagu ceeb marka golihii ayaad meel kaga dhacdee golaha raali geli wixii aad tabanaysana golaha hor keen.

Sidoo kale xildhibaan dheeg oo ka hadlaya sadexda wasiir ee ka qayb galay shirkii lagu qabtay dalka turkiga oo uu xildhibaan Indho-Indho ku sheegay inay yihiin sadex wasiir oo isku qoysa waxa uu yidhi sadexdii wasiir ee tagay shirka turkiga waxa uu xildhibaan Indho-Indho ku sheegay inay yihiin sadex wasiir oo isku qoysa markaa waxaan leeyahay xildhibanka waxaad u dhaaratay inaad dalka iyo dadka daacad u tahay, ninka dawlada somaliland dirataana maaha nin la yidhaa waa qolo ama waa gobol, cidii meel loo diraana intay doonto ha ahaatee waa cid huwan magaca qaranka somaliland ee maaha nin qoys ka soo jeeda iyo nin jilib ka soo jeedana

Xildhibaan dheeg oo hadalkiisa sii wata ayaa hadana jawaab ka bixiye hadal uu xildhibaan Indho-Indho Ku sheegay in dawlada somaliland looga fadhiyo inay soo cadeeyaan halka ay martay 2% loogu tala galay horu marinta gobolada bari ee somaliland waxaanu  yidhi Xildhibaan indho-indho waxa uu ka hadlay 2% loogu tala galay gobolada bari  oo uu sheegay inaanay garanayn meel ale meel ay mareen laakin marka hore waxa mudan hadii aad gobol ka soo jeedo oo aad mudane tahay inaad tabashada gobolka iyo  ta qaranimadaba u hadashaa waa daw laakiin  marka gobolkii aad ka soo jeeday aanad waxba ka hayn ee mushaharka aad qaadato lagaa siiyo shanta gobol ee kale cashuurta laga qaado, waxay kaa mudan yihiin gobolada kale inaad ka xishooto oo aad ka aamusto.

Xildhibaan dheeg oo sidoo kale la hadlaya xildhibaan Xasan Cumar oo ka mid ahaa waftigii tagay gobolada bari ee dalka waxa uu yidhi xildhibaan Xasan cumar waxa uu ka mid aha waftigii aanu u dirnay gobolada bari oo aanu nidhi soo wacyi geliya, markii uu dhex tagay goboladii halkii uu ka wacyi gelin lahaa ayaa waxa uu soo celiyey baaq qaylo dhaana oo uu leeyahay 2%-dii la siin jiray gobolada bari meeshay mareen somaliland ha ka soo waranto, laakiin anigu(Xildhibaan Dheeg) wasaarada maaliyada ayan tagay waxaanan ka soo qaaday cadayntii lacagtaa loogu tala galay gobolada bari taas oo ahayd inay dawladu lacagtaa ku bixisay mashaariicdii laga fuliyey gobolada bari oo ay ku baxday lacag dhan  1,074973.972$ una dhiganta 6,449,843,880 shiling lacagtaas oo ku kala baxday sariibada,kawaanka,dhismaha jaamacada nugaaleed,dhismaha dugsiga hawdka laascaanood,dhismaha cusbitaalka buuhoodle,dhismaha wadadaa  tabca,dhismaha rugta police-ka Dhahar,dhismaha rugta police-ka adhi cadeeye, waxaana xildhibaanka u ekayd inuu warqadan sii qaato oo uu dadkiisa ku qanciyo ileen isagaa  golihii ugu jiree, laakiin markii uu tagay gobolkii ugu shisheeyey ayuu yidhi   ha la doono lacagtaasi halkay  ku baxdo.

Waxaan leeyahya labada mudane waxay ka midaysan yihiin lacagtaa, gobolada aad ka soo jeedaan dadkoodii, isimadoodii, shacbigoodii waxaan odhan karaa ridada kaliya ee wadaa waa xubnaha kaga jira golayaasha oo aan daacad ahayn.

Ugu danbayntii Xildhibaan dheeg oo talo u soo jeedinaya xildhibaan Cabdi qaadir Indho-Indho  iyo xildhibaan Xasan Cumar waxa uu yidhi Waxa idinla gudboon inaad  dadkiina iyo inamadiina dhex tagtaan oo aad waanisaan oo aad ugu yeedhaan nabada hadii aydaan nabada ugu yeedhayna inad halkan ka guubaabisaan oo aad tidhaahdaan dagaalama maaha.