Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3004 |
June 15 2012 Rajab 25,1433H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gobolkan Awdal S/land Ayuu Dhalay Ayaa La Yidhaa, Hadii Ay Jirto Mee Abaalkii Uu Ku Lahaa” Xildhibaan Cali Gabiley Boorama, June 15, 2012 (Haatuf) - Shir balaadhan oo qaadhaamo loogu yaboohay dadka Abaaruhu Barakiciyeen ee ku sugan deegaanao ka mid ah degmooyinka Lughaya, Saylac iyo meel ka mid ah Boorama ayaa G/Awdal ayaa lagu qabtay hutelka MAANA Guest House ee Magaalada Boorama, isla markaana ay ka soo qaybgaleen Madaxda dawlada, xildhibaano, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boorama. Shirkan ayaa isagu ahaa mid dhawaan qy ku baaqeen madaxda dhaqanka G/Awdal qaarkood oo ay kaga dalbadeen in xildhibaanada golayaasha kaga jira G/Awdal ayaa u yimaadaan Boorama shir lagaga tashan doono sidii gumar Abaaraha ah loo samayn lahaa, taasi oo ay shirka yimaadeen xildhibaanada Awdal kaga jira golayaasha qaarkood, qaarna ay maqnaayeen. Ugu horayna waxaa kulankaasi lagaga warbixiyay xaalada dadka Abaartu halakaysay ee ku sugan deegaanada xeebaha iyo buuralayda Gobolka Awdal, Kulankaasi waxaa hadalo ka jeediyay culimaudiin, saladiin iyo madax ka tirsan maamulka Somaliland, G/xigeenka Ururka siyaasiga ah ee UMMADA Dr Qaasim Sh Ibraahim oo madshaas ka hadlay wuxuu dhaliilay xukuumada Somaliland ee dadkaasi laga hadlayo u soo gurman weyday ilaa xiliga, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay Anigu garan maayo xukuumada dadkeeda ilaa wakhtigan ka maqan ee soo dhaafi la'a Gabilay, balse reer Awdaloow waxaan idin leeyahay isku tashada inta la idin soo gaadhayo oo bilaaba qaadhaanka, Aniguna waxaan bixinayaa Aniga oo ku hadlaya magaca Ururka UMADA laba kun oo doolar. Ururka Umada ayaa noqonaya Ururada tartamaya kii ugu horeeyay ee ku bixiya deeq madashaasi dadka barkacay qaadhaanka loogu ururinayay. Culimada iyo salaadiinta oo ka soo jeeda deegaanada Awdal/Salal oo madashaasi khudbado ka jeediyay. Isla markaasina baaqa u bandhigay bulshada gudaha iyo dibada ku nool ee ka soo jeeda Awdal iyo Somaliland si looga qaybqaato gurmadkaasi dadka Abaaruhu jilbaha dhigeen ayaa waxaa ka hadlay Sh C/laahi Sh Cali Jowhar Sheekhal Baladka Boorama wuxuu tilmaamay sida gurmadkaasi waajib u yahay, wuxuu baaq u diray xukuumada iyo Hay'adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo wax haysata ama heli kartaa in ay gacan u fidiyaan dadkaasi, wuxuu farta ku fiiqay in dadkaasi degen Lughaya ee urursan iyo kuwa kaleba mudo lix bilood ah loo fidiyo gurmad, intaa ka dibna dib u dejin loogu sameeyo Badaha si ay wax soosaar u yeeshaan. Suldaan Ibraahim Jaamac iyo Suldaan C/raxmaan Dhawal ayaa iyauga soo jeediyay baaq ay kaga codsanayaan in xukuumada Somaliland u soo gurmato dadkaasi, isla markaana xukuumada ku eedeeyay in ay ka gaabisay. Masuuliyiinta xukuumada Somaliland ee kulankan ka soo qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Cukuse iyo Madaxa hay’ada ka hortaga Aafooyinka Maxamed Muuse Cawaale ayaa waxa uu sheegay Afhayeenku in ay dalka Somaliland ka jirto gudi gurmadka Abaaraha ah oo uu gudoomiye ka yahay M/xigeenku, isla markaana hawshani ay tahay mid taasi caawimo ah, balse ay xukuumada dhankeeda u xilsaaran yihin, Gudoomiyaha Hay'ada NERAD Maxamed Muuse Cawaale ayaa sheegay in uu isagu indhihisa ku soo arkay dadkaasi Abaaraysan mudo lix bilod ka hor ah, ilaa 4 sanana ay dhulkaasi Abaari ka jirtay, Hay'ad ahaana ay warbixinta siin doonaan xukuumada sida ay xaaladu hada tahay. dhulkaasi wuxuu waayay ayuu yidhi Roobabkii Xayska iyo Guga ee ka di'i jiray. Sidoo kale xildhibaanada ka soo qaybgalay shirkan lagaga hadlayay sidii loogu gurman lahaa dadka ku Abaaraysan deegano ka tirsan degmooyinka Lughaya iyo Saylac ayaa ugu baaqay xukuumada Somaliland in ay u soo gurmadaan dadkaasi Abaaruhu soo barakaciyeen. Xildhiaan Cali Gabilay ayaa wuxuu yidhi Gobolkan Awdal Somaliland ayuu dhalay ayaa la yidhaa, hadii ay jirto mee Abaalkii uu ku lahaa Somaliland, haka helo ayaan leeyahay, waxa kale oo aan ka codsanayaa xukuumada gaar ahaan Wasiirka Maaliyada C/casiis in cashurta 2% loogu daro, waa tii Bariga oo aan Abaari jirin loogu daray 2%ka, Xukuumadana waxaan leeyahay oo kale hadii aad gacantii midigta Bariga u fiiqday, bal gacanta bidixna u fidi dhanka Galbeedka. Xildhibaan Abuubakar Cabdi Good oo ka mid ah xildhibaanda xisbiga Kulmiyeee Golaha wakiilada kana soo jeeda G/Awdal ayaa isagu ku dhaliilay xukuumada Siilaanyo waxqabad la'aan dhanka gurmadka Abaaraha ah, wuxuu sheegay in jiidahaas ay soo mareen madax badan oo wasiiro leh, xildhibaano leh iyo masuuliyiin kaleba ilaa hdana aanay xukuumada Somaliland ka jawaabin baaqyada la jeedinayo iyo xaalda dadkaasi ku jiran. Ugu dambayna waxaa shirkaasi ka sheegay qaadhaanka ay bixinayaan ganacsatadii iyo hay’adahii ka soo qaybgalay kulankan oo ay ka mid ahaayeen Hay’ada Camud Foundation. Shirkada Telesom, shirkada SHABA, Jaamacada Camuud, Hay'ada African Relief iyo Ganacsatada magaalda Boorama qaarkood. Waxa kale qaadhaamo lacageed ku deeqay Taliyihii sirdoonka ee Somaliland Col Maxamed Casharaar, xildhibaanda madashaasi yimid iyo dadweyne kale oo ka soo qaybgalay kulankan balaadhan. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu blaadhnaa ee lagu qabto gudaha magaalada Boorama ee qaadhaan loogu ururinayo dadka ku dhibaataysan deeganada xeebaha iyo buuralayda ee Abaaruhu barakiciyeen. Sidoo kale Haaweenka ku dhaqan magaalada Boorama ayaa ka bilaabay gudaha magaalada Boorama Ururinta qaadhaan ay ugu gurmanayaan dadkaasi Abaaruhu saameeyeen mudada 4 sano ku dhaw. |