Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3010 |
June 22 2012 Shabcaan 2,1433H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Furaha Quluubta Qore: Maxammed Xaashi Cismaan MUHIIMADA BARASHADA SIIRADA RASUULKA SCW (Q/2aad) Kuwii Nebiga SCW raacay waxa ay gaaladu u dhibeen nooc kasta oo wax loo dhibo, iyaguna way samrayeen una adkaysanayeen qaab kasta oo loo dhibo, oo aanay ka noqonin caqiidadoodii ka dib markii macaanka Iimaanku iyo garashadu ku sugmeen laabbahoodii. Nebiga SCW akhlaaqdiisu waxay ahayd Quraanka, runta oo uu ka sheego hadalka, ballan qaadkiisuna mid aan isbeddelin haddii dagaal lagu jiro ooy jartu kulushay iyo haddii la degen yahayba. Haddii la baqanayo iyo haddii la nabdoon yahayba, caydhnimo iyo dheregba, farabadni iyo fara yariba, hadduu gacan sareeyo iyo haddii kaleba. Wuxuu dugsigiisa ku bari jiray farayeyna wanaag oo dhan xumahana ka reebi jiray, u xalaaleeyay wixii fiicnaa, kana xarimay wixii xumaa. Jideeyay shareecadiisii marba in ilaa Ilaahay dhammaystiray diintii loo soo dhiibay, noqotayna mid dhan. Lama helayo wanaag caqligu garannayo oo aanu farrini, iyo xumaan caqligu garannayo oo aanu reebini, lama helayo wax la is yidhaa taasi hadduu fari lahaa, mana reebin wax la yidhaa taasi hadduu reebi lahaa.Waxa ku kulmay wanaagii ummaddaha oon lagu sheegin Tawraad, Injiil, iyo Zabuur toona ka waranka Alle iyo Malaa’igtiisa iyo maalinta aakhiro, sida uu uga warramay Nebigu SCW oo ah waji buuxa. Waxaanu sheegay waxyaalo aan ku jirin kutubahaasi hore, oo haddii uu eego ka caqliga lihi cibaadooyinka uu jideeyey iyo cibaadooyinkii ummaddaha kale, waxa kuu muuqanaysa mudnideeda iyo miizaankeeda. Sidaasi oo kale haddii laga eego dhinaca axkaamteeda, iyo gebi ahaan shareecada inay ummaddiisu u noqonayso dhammays ummadihii kale dhan kasta. Haddii loo qiyaaso geesinimadoodii iyo ku jihaadkii jidka Alle iyo u samirkoodii dhibaatada, waxay noqonayaan kuwii ugu jihaad weynaa uguna geesisanaa. Haddii loo qiyaaso deeqsinimadoodii iyo wanaagoodii kuwa kale, waxa caddaanaysa in ay ka deeqsi sanaanayeen kuwaa hore. Fadligaa iyo galadahaasina waxay ku gaadheen oo ay ka soo aflaxeen dugsigii Rasuulka SCW, kana soo qalin jabiyeen. Ilaahay baana u marag furay oo ku sheegay qawlkiisa: “Waxaad ahaydeen ummaddii ugu khayrka badnayd ee loo soo saaro dadka”. Risaaladda Nebi Muxammed SCW waxay ahayd kacaankii ugu khatarsanaa ee uu caalamku arkay, ee sugtay xorrnimada caqliga iyo jidhkaba. Risaaladdasuna waa Kitaabka Quraanka, oon wax ku darid iyo wax ka dhimmisi toona gaadhayn, waana ka garashada iyo dammiirka addoomaha gaadhsiinaya qabsashada xadhiga Alle ee adag. Quraanku waa Rasuulkii oo nool oo aad wax weydiinaysid kuuna jawaabaya, jawaabtaasina kugu qancinaya. Risaaladda Nebi Muxammed SCW waxa u gaar ah in ay tahay mid guud oo joogto ah. Ilaahayna wuxuu awoodi karayey in uu tuula kasta u soo diro Nebi u diga, casri kastana Nebi hanuuniya sidii horeba u dhici jirtay in uu Nebiyo u soo diro deegaano aan kala fogayn. Mar haddii ummaduhu aanay ka maamraynin digniin, casriyaduna aanay ka maamrayn hoggaamiyaal. Maxaa markaasi waxaasi oo idil dusha looga saaray Nebi keliya? Run ahaantii waxay u egtahay in ay tahay lana odhan karaa waa Mucjiso, oo keenaysa micnayoow farabadan. Soo diridii Nebi Muxammedna SCW waxay ka maaransiisay in la soo diro ciidan idil oo Nebiyo ah, oo ku kala baaha daafaha arlada. Markaasi Nebi Muxammed SCW kelidii ayaa loo soo diray in uu xidhiidhiyo khalqiga oo dhan, iyo Khaaliqii abuurtay ee xaqa ku soo saaray, inuu jiritaankooda ku haggaajiyo raacidiisa kuna arkayaan qaayahooda nolosha, iyo xikmadii loo abuurtay. Dadkii ayuu ka soo saaray dulmigii, iyo mugdigii ay ku jireen qarniyada, una soo saaray iftiinkii. Wuxuuna ka tegay Kitaab noqday Nuur ifaya oo wax hanuuninaya ilaa inta laga afuufayo Suurta! Haddaba ifkaasi sidii lagu fidiyay innaguna soo gaadhay waxay ahayd halgan qadhaadh oo loo soo huray naf iyo maalba, kagana soo gudbay togag dhiig ah oo dartii loo rogay. Isbeddelkaasi khatarta ahaa ee intaa leekaa cidii samaysay ee ka soo bilowday halkii u hoosaysay soona gaadhsiisay figtii ugu sarraysay iyo hoggamiyahoodiiba maaha dawo ku meel gaadh ah, ama arrin sahlan oo sheeka uuna, ee waa daweyn asal ah ooy u baahan tahay jiritaanka nolosha Aadamigu barashadiisa. Addeecida Rasuulkuna SCW waa addeecida Alle ee maaha ku dayasho indhala oo qof Aadami ah layska daba galayo, ee waa macalinkii ummadda Islaamka ah. Allaha Nebi Muxammed SCW innoo soo dirayna wuxuu faray Muslimiinta inay wanaagiisa iyo akhlaaqdiisa kaga daydaan. Waxaana innoogu sugan ku dayashadii ugu fiicnayd, taasoo uu Rasuulku SCW ahaa macalin wax hagaajinaya oo nafaha ka sifaynaya wasakhda nusqaanta, iyo bulshada oo heerka ugu sarreeya wanaag la gaadhsiiyo. Barbaarrintuna ma hagaagayso ilaa ay ku tiirsanaato ku dayasho cid fiican, waayo qofka xumi kuma reebi karo astaamo wanaagsan dadka ku xeeran, ee waxa raadka fiican reebaya oo laga filayaa ka ay indhuhu arkayaan shakhsiyadiisa, ee ay la yaabayaan edaabtiisa iyo sharaftiisa. Waxaana qasab ah si ka raacayaa uu u helo wanaag fara badan waa in uu ka la raacayaa leeyahay wax ka sii farabadan oo wanaag ah. Wuxuuna Rasuulkii SCW asxaabtiisa ku dhex ahaa tusaale sare oo wuxuu ku baaqayo in laga barto ah, oo ku banaan. Taasoo uu asxaabtiisii ku dhex beeray wanaagiisii heerka sare ahaa marka la eego sida uu ula dhaqmayey, ka hor intaanu ku beerin wuxuu ku leeyahay ee xikmad iyo wanaag ah. Rasuulku SCW wuxuu weheshan jiray asxaabtiisa ee kamuu didi jirin. Waanu sharfi jiray mid kasta, tiiyoo aanu midna abuurtiisa ku xad gudbayn, mid walbana uu siinayo xaqiisa. Taasi oo kuwa la fadhiya aanu midkoodna u malaynayn in uu midka kale ka sharfan yahay. Wuxuu ahaa wajigiisa qof ay ka muuqato farxad joogto ahi, dabci fudud oon qallafsanayn ahayna mid wax ceebeeya, ama cataaba ama ammaan badan. Wuxuu is-illowsiin jiray wixii aanu doonayn, kamanuu quusan jirin wuxuu rabo. Wuu la kaftami jiray asxaabtiisa wuuna dhexgeli jiray oo uu la dersi jiray. Wuu ka jawaabi jiray codsiga ay u jeediyaan ka xorta ah, ka addoonka ah, iyo ka miskiinka ahiba, bukaankana wuxuu ku booqan jiray halka magaalada ugu fog. Waanu ka aqbali jiray kii u cudurdaarta. Waxaana lagu yaqaanay Rasuulka SCW in uu gacan furnaa oo aanu weligii waxba ku bakhaylin, geesi buu ahaa aan xaqa ka fadhiisan, caaddil buu ahaa oon weligii xukun wax ku dulmiyin. Weli lama arag cid ka dhoollo caddayn badan, welina inta wax la weydiistay muu odhanin maya. Rasuulku SCW aad ayuu u aamus badnaa, tiiyoo loo baahdo mooyaane muu hadli jirin. Waanu is hortaagi jiray kii ku hadla wax aan fiicnayn. Qosolkiisuna wuxuu ahaa dhoolla caddayn, hadalkiisuna mid go'an oon lahayn ku dardarid, iyo gaabsi toona, qosolka asxaabtiisuna wuxuu ahaa dhoolla caddayn, tiiyoo ay ka tahay qadarrin iyo ku dayasho. Fadhigiisuna wuxuu ahaa mid dulqaadasho, khayr iyo amaanaba leh, oon sare loogu qaadi jirin codadka lana dhex muquuran jirin wax xaaraan ah. Haddii uu hadlayana aanay dhaqaaqi jirin dadka la fadhiyaa, sidiiyoo shinbiro dhakada ka saaran yihiin. Haddii uu socdana wuxuu u socon jiray si urursan oo laga garannayo in aanu ku jirin jil-jilayc iyo caajisnimo toona. Ibnu Abii Haala wuxuu yidhi, ”Wuxuu aamuskiisu ahaa afar: dulqaadasho, digtoonaan, qadarrin iyo fikrad”. Rasuulku SCW wuxu jeclaa udgoonka, iyo urta fiican oo uu aad u isticmaali jiray. Dhididkiisuna waxa uu ahaa miski, waxaana laga urin jiray jidka uu maro oo la odhan jiray jidkan waxa maray Rasuulkii SCW. May jirin cid Rasuulka SCW ka akhlaaq fiicnayd, cid asxaabtiisa ama reerkiisa ahi haddii ay u yeedho wuxuu odhan jiray "haye" wuxuu la adeegi jiray guriga reerkiisa, haddii ay salaaddu soo gashana inta uu waysaysto ayuu salaadda u bixi jiray. Waxa Anas laga wariyey in uu yidhi: Waxaan Nebiga SCW u adeegayey toban sanno. Ilaahay baan ku dhaartee in aanu Nebigii SCW hadal xun i odhan. Waxa kaloo uu ka sheegay, marka uu qof gacan qaadayo Rasuulku SCW kamuu siidayn jirin gacantiisa, ilaa uu qofku isagu ka qaado, wajigana kamuu jeedin jirin ilaa uu qofku ka sii jeediyo. La Soco………….
|