Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3011

June 24 2012                                                                           Shabcaan 4,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ku Simaha Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Daakhilig Oo Si Rasmi Ah Xilkii Wasaaradaasi Ugu Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee Dhawaan Loo Soo Magacaabay

Hargeysa, June 24, 2012 (Haatuf)  - ku simaha agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Maxamed Cismaan Dube ayaa si rasmi ah mansabkaasi ugu wareejiyey Agaasimaha guud ee dhawaan Madaxwayne Siilaanyo u soo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Cumar Faahiye, kaas oo shalay xilkaasi si rasmi ah ugala wareegay ku simihii jagadaasi sii hayey tan iyo markii uu Xilkaas baneeyey Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige(Balaaki) oo buuxiyey Kursigii golaha wakiilada ee Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Agaasimihii guud ee hore ee Wasaarada Xilidhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige oo xafladaas xil wareejinta ah oo ka qabsoontay Hoolka shirarka ee Wasaaradaasi ka hadlay ayaa sheegay in xilka qaranku uu wareegto yahay, isla markaana mudadaas dheer ee Wasaarada Daakhiliga aan loo soo magacaabin Agaasimaha Guud tilmaamay in Madaxwaynuhu u soo xulayey Agaasime gudan kara waajibaadka shaqo ee culus ee yaala wasaaradaas.

Sidoo kale waxa isaguna madashaas ka hadlay Wasiir ku xigeenka Amniga C/laahi Abokor, kaas oo balanqaaday inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan Agaasimaha cusub oo uu u rajeeyey inuu xilkaas loo soo igmaday si wanaagsan u gudan doono, isla markaana ay la shaqayn doonaan.

Waxa isaguna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey ku simihii Agaasimaha Guud ee Daakhilig Maxamed Cismaan Dube, kaas oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradaasi arrimaha gudaha, waxaanu balan qaaday Mr Dube inuu si wanaagsan ula shaqayndoono Agaasimaha Guud ee Madaxwaynuhu u soo magacaabay, kaas oo tibaaxay inuu Wasaaradaas kala kulmi doono shaqaale si wanaagsan ula wada shaqeeya.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay agaasimaha cusub Mr Faahiye waxaanu sheegay inuu isagu yahay kan u baahan inuu wax dhagaysto balse aanu hadal badan odhanayn “anigu maanta waxaan u baahanahay inaan waxbadan ka dhagaysto  madaxda iyo masuuliyiinta kale ee halkan ka hadashay ama hadli doonta” ayuu yidhi Faahiye.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaas kalmadiisii ka yidhi Agaasimaha Guud ee xilka la wareegayey Axmed Cumar Faahiye, kaas oo tilmaamay inuu rajaynayo inuu wax badan ka qaban doono hawlaha loo igmaday, isla markaana u mahadnaqay Madaxwayne Siilaanyo.

Mr Faahiye waxa uu sheegay inuu wada shaqaynta shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda Daakhiliga la’aantood aanu waxba qabankarin, kaas oo dhamaantood ka codsaday inay garab ku siiyaan xilka loo magacaabay oo uu qiray inuu aad u culus yahay.

Ugu danbayn waxa madasha ka hadlay Wasiirka Wasaardda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), kaas oo halkaas ka jeediyey kalmado soo dhawayn ah, balanqaadayna inay si wayn u wada shaqayn doonaan Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabayWasaarada uu Masuulka ka yahay.

Wasiir Duur waxa kale oo ka hadlay Weerarkii dhawaan dad rayid ah oo degan Tuulada Gawso-wayne ee gobolka Saraar, kaas oo cambaareeyey falkaas, isla markaana ku baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo oo iska kaashado wixii dhaawacaya.