Haatuf News

Home | Contact Us | Links |  Archives

 ISSUE 3022

July 6 2012                                                                        Shabcaan 16,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Naadiga Maktabada Wareegta Oo Burco Ku Qabtay Kulan Ay Ku Soo Bandhigeen Faa’iidada Uu Akhrisku Leeyahay

Burco, July 5, 2012 (Haatuf) - Naadiga Maktabada wareegta ayaa shalay Burco ku qabtay kulan ay kusoo Bandhigayeen faa’iidada wax akhrisku uu leeyahay iyo waliba la dagaalanka qabyaalada.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen, Abwaano, qoraayo, naadiyada qoraalka, madaxda Gobolka Togdheer, Degamada iyo waliba Wasiirka Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo Weftida Maktabada wareegta Socdaalkooda ay Hargeysa kaga yimaadeen ku wehelinayey ayaa waxa madashaas ugu horayn ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale waxaana Hadaladiisa ka Mid ahaa “Waxa farxad ii ah inaan Burco maanta aan joogo Anigoo naadigan qoraa ahaan ula Socda, Buugaagtanina Quraaan maaha, laakiin Muhiimad bay leeyihiin Buugaagteeniina iyo dhaxalkeedii cidlay ku darxumoodaan iyagaa ugu daran, aniguna qoraalkan waxa aan bilaabay 1971 waxaa igu horeeyay Afar Buug oo Timacade lahaa, waad ogtihiin oo Muuse Galaal wuxuu ka tagay 16 Buug, Yuusuf Xaaji Aadan isna waad garanaysaa, waxaa loo baahan yahay jiilkiinani inaad ka faa,iidaysataan Awoowa yaashiin iyo ayeeyaashiin intaanay tagin”.

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa isna Halkaas ka hadlay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Hadii Shir laysugu yimaado ujeedaa laga leeyahay markaas hadii kelmad laysugu yimaado hala barto, waxaana la arki jiray Qof wayn oo lagu daydo maantana Ninkii waynaabaa Mushkiladu ka jirtaa oo wax kala qaybinaya oo qabyaalad iyo naxli wada Markaa mushkilada ina haysataa waa Qofkii waynaa, waxaan leeyahay dhalinyarooy ka goosta ka wayn, isku qolaynu nahay wax tari maysee, waad ogtihiin oo adhigii Xoolihii iyo dhirtii dhamaade oo dadkii waxay sitaan qalin xoogsi ah waxaa loo baahan yahay inaad ka gudubtaan”.

Maayarka Magaalada Burco Maxamuud Axmud Xasan ayaa isna Goobtaas ka hadlay, kaas oo sheegay in hawshani hawl muhiim ah oo lagaga raysanayo Jaadka iyo wax yaalaha xunxun isla markaasna dhalinyarada ka codsaday inay ku dedaalaan inay wax qoraan.

Waxaa iyagun halkaas ka hadlay qaar ka mid ah qoraayadii iyo Naadiga maktabada wareega oo sheegay in qoraalka iyo Buugaagtu ay yihiin kaydka ay umadi leedahay.