Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3027

July 12 2012                                                                        Shabcaan 22,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

La Taliyaha Madaxwaynaha Ee Arimah  Haweenka Ayaa Haween-weynaha S/land Ugu Baaqday Mudaharaad Ka Dhan Ah Wakiilada

Hargeysa, July 12, 2012 (Haatuf) - La Taliyaha Madaxwaynaha Somaliland Marwo Amaal Xaaji Miisaan, ayaa sheegtay in Mudanayaasha golaha Wakiiladu ka soo hor-jeedaan xuquuq ay sheegtay in dastuurka dalku siiyay, taas oo haween-waynaha Somaliland ugu baaqday dibad-bax ka dhan mudanayaasha golaha Wakiilada oo dib u celiyay tallo soo jeedin haweenka kuraas kooto ah uga xidhaysa Golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo deegaanada Somaliland.

La Taliyaha Madaxwaynaha oo ka hadlaysay Hargeysa, ayaa haweenka ugu baaqday Mudaharaad balaadhan oo ay ku dalbanayaan in golaha Wakiiladu ansixiyo kootada Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku taliyey in haweenka laga siiyo Guurtida, Wakiilada iyo deegaanada dalka Waxaan leeyahay “Haweenka Somaliland waa in aad sameysaan Mudaharaad aad kaga soo horjeedan Golaha Wakiilada” ayay tidhi waxayna intaa ku dartay “Waayo Xuquuqdeeni ayey hortaagan yihiin, waxa inoo balan ah idinka oo isa soo hortuba Golaha Wakiilada oo ku mudahaarada”.

Marwo Amaal Xaaji Miisaan waxay haweenka ku adkaysay in aanay golaha ka hor-taggin ilaa ay meel-mariyaan kootada Waa inaydaan ka dhaqaaqin ilaa golahaasi ansixinayo Saamiga aynu ku leenahay Golayaasha Qaranka ee Kootada laynoo siiyey.

Dhanka kale, dalada ururada haweenka Somaliland ee NAGAAD ayaa shalay Hargeysa ku qabtay kulan lagaga hadlay sidii wakiiladu u meel-marin lahaayeen kootada haweenka, waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Guddoomiyaha dallada Nagaad Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi ayaa sheegtay in dastuurka dalku xaquuq siman siiyay dhamaan muwaadiniinta Somaliland, isla markaana wakhtigan loo baahan yahay in xeerkan la meelmariyo xeerkan.

Waxaana ka mid ahaa hadaladeedii, ujeeddada aynu isugu nimi waxa weeyaan in aynu soo saarno baaq muujinaya dareenkeena ku wajahan haweenka Somaliland sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda ee ay u heli lahaayeen tiro cayiman. Waxa aynu ognahay in aan dastuurka Somaliland kala faquuqin muwaadiniinta dalka siiba qodobadiisa 8aad iyo 36aad waxa ay si isku mida u sheegayan in ay siman yihiin muwaadiniinta Somaliland oo ay u siman yihiin fursad kasta oo qof muwaadini leeyahay. Qaarka mida haweenkii ka qabgalay shirka ayaa iyana dhamaantood muujiyay sida ay u danaynayaan xeerka kootada oo la filayo in uu golaha Wakiilada cod u qaado toddobaadka dambe.