Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3035

July 22 2012                                                                     Ramadaan 3,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Muwaadiniin Cabasho Ka Muujiyay Shil Baabuur Oo Walaalkood Ku Geeriyooday, Sheegayna In Taraafiga Gabiley Si Qaldan Oo Aan Sharciga Waafaqsanayn U Maamulay Xaqiiqda Baadhitaanka

Hargeysa, July 22, 2012 (Haatuf) - Cabdi Xasan Aw Muxumed iyo Maxamed Xuseen Xasan oo ah muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa cabasho weyn ka muujiyay habdhaqan ay sheegeen in Ciidanka nabadgalyada waddooyinka gobolka Gabiley kula dhaqamay baadhista shil baabuur oo Walaalkood ku dhintay horaantii bishan July oo ka dhacay deegaan u dhexeeya Jidka Gabiley iyo Kalabaydh, waxaanay tilmaameen in Walaakood oo wata gaadhi MarkII ah xilli 2:00 ku beegan uu shil dhexmaray gaadhi nooca Jaadka qaada ee Waaraadka loo yaqaan.

Waxay intaa ku dareen in walaalkood uu soo gaadhay dhaawac culus, isla markaana Kooma galay, ayaa Taraafigu isla wakhtigaas tageen goobtii shilku ka dhacay, isla markaana u maamuleen baadhista shilkaasi nidaam qaldan, iyaga oo sheegay in marxuumku qaldanaa.

Muwaadiniintan ayaa Waxay sidaasi ku sheegeen mar ay xalay Haatuf uga warameen dhacdadaasi, ayaa sidoo kale waxay sheegeen in reerka uu ka dhashay darawalka Baabuurka wayn waday ay dhakhtarka Hargeysa ugu yimaadeena aroortii uu ku geeriyooday marxuumkaasi cusbitaalka, isla markaana yidhaahdeen anaga ayaa qabna arrinkan ee Maydka Aasa oo xabaalo qodka iyo Kafanka aanu keeno, balse ilaa hada way soo socdaan.

Ugu horayna  Cabdi Xasan Aw Muxumed oo marxuumka ay walaalo ahaayeen, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa dhacday bishan July horaanteedii Nin aanu walaalo nahay oo ku dhintay shil baabuur oo magaciisa la odhan jiray Xuseen Xasan Aw Muxumed, Baabuur MarkII ah oo uu watay isaga oo Wajaale goor Habeenimo ah ka soo noqday oo maraya Jidka Gabiley iyo Kalabaydh dhexdooda meesha la yidhaahdo Carro Tuulka, una soo jeeda Hargeysa xilli ku beegan abaara 2:00 habeenimo ayaa Gaadhi nooca Jaadka Qaada ee shirkada Ina Afdiinle leedahay oo ahaa Waaraad oo sii socday wajaale oo uu si badheedh ah Haadkiisa ugu doontay, ka dib walaalkay dhaawac culus ayaa gaadhay kaligii ayaana gaadhiga watay oo cidi lamay socon, isla markaana cusbitaalka Gabiley ayaa la keenay isaga oo dhiig matagaya, ka dib Taraafiga Gabbiley ayaa wakhtigaa tagay oo shaqadooda ay ahayd, balse waxaan ka cabanaynaa sida ay wax u maamuleen, gaadhigii yaraa waddada wuu ka dhacay,  gaadhiga wayna waddadii waa laga dajiyay oo banaanka ayaa la joojiyay, waxay soo saareen Ciidankii nabadgalyada waddooyinka ee meesha tagay Gaadhiga yar ayaa khaladka lahaa oo uu taliyaha Taraafiga Gabiley ka masuul ahaa oo la yidhaahdo Ina Cagjar uu soo saaray go’aan uu leeyahay ka dib markii la baadhay sharci aan maxkamada ku geeyo oo dambi ah oo uu galay ninka gaadhiga qaadka waday ee shilka gaystay, hadaba waxa isweydiin leh dhinacayagii dhibanaa meesha maanu joogin darwalkii gaadhiga wayn ayaa la joogay waxbaa laysku shushubtay oo si qaldan oo qalad ah ayaa shilkaas lagu sheegay in ninka MarkII-ga Watay qaldanaa, kadib go’aan aan na qanci ayay soo saareen oo ah “Marxuum Qaldaan” waxa kale oo jirtay walaalkay waxaanu u soo qaadnay Cusbitaalka Hargeysa ka dib laba habeen markuu dhaawicii u jiifay ayuu geeriyooday, aroonimadii Jimce ayaa dhakhtarka waxa noogu yimid odayaasha darwalka gaadhiga Jaadka waday beeshiisa ka soo jeeday oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Yaasiin dheeg oo ka tirsan golaha guurtida isaga iyo laba oday oo kale waxay yidhaahdeen maydka Aasa arrinkiisa waanu qaadanay ee Kafanka iyo Xabaalo qodka ayaanu keenaynaa, sidii ayaa Maydkii aanu ku qaadnay, balse in yar ka dib anaga oo Maydkii maydhayna ayaa xildhibaan dheeg odayaashayadii la soo hadlay oo uu yidhi shirkadii Ina Afdiinle waxay tidhi arrinkaas ma qabno ee Dawlada ayay u taalaa sidaa igu ogaada anigu arrinkii waan ka baxay.

Hadaba arrinkaasi oo ah arrin ugub ku ah Somaliland in la yidhaahdo qof gaadhi jiidhay Magtiisa bixin mayno, isla markaana Taraafigii majaro habaabiyay kiiska iyaga oo laaluush qaatay oo ninkaasi marxuumka lacag lagu kala qaatay.

Waxaanu masuuliyiinta sare ee xukuumada, waxgaradka, culimaa’udiinka iyo dhamaan bulshada reer Somaliland ugu baaqaynaa in arrinkaasi inta aan dhibaato kale ka iman wax laga qabto, waxa kale oo aanu madaxweynaha ugu baaqaynaa in arrinkaa la ay madaxda sare soo faro galiyaan si looga baxsado inta aanay dhibaato culuski ka iman arrinkaas.

Sidoo kale waxa isaguna arrinkaa ka hadlay Maxamed Xuseen Aw Muxumed oo marxuumka dhintay dhalay, oo sheegay in arrinkas si degdeg ah wax looga qabto.