Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3043

July 31 2012                                                                     Ramadaan 12,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Wax Qoray (Sh. C/risaaq Macalin Abshir (Musanif) Qaybtii-51aad

Khabaab Ibn Arath wuxu yidhi: maalin ayaan Nabiga (scw) u imid isagoo go’iisa barkan Kacbada harkeeda, annagoo mushrikiinta dhib badan kala kulannay markaas ayaan iri: Rasuulka Allow miyaadan Alle noo baryayn miyaadan arag wax aan ku jirno, markaas ayuu soo fariistay isagoo wajigiisu guduudan yahay, oo yidhi: waad dagdagaysaane dadkii idinka horreeyay shanlo xadiid ah ayaa lagu shanlayn jiray inta lafta ka sokaysa ee hilib iyo seedo ah dhibkaasina diinta kama leexin jirin, (dariiq kale) ama miinshaar ayaa madaxa kala barkiisa laga saari jiray oo lagu oran jiray diintaada ka laabo taasina diinta kama leexin jirin, Allana waa dhamaystidhi doonaa amarkiisaan ilaa safarku isaga socdo Sanca ilaa Xadramowt isagoo aan ka cabsanayn Alle mooyee iyo bahal uu arigiisa uga baqo, waadse dagdagaysaan. 

Hadalhaynta bishaarooyinkaani run ahaantii ma ahayn wax ku kooban kaliya dadka muslimiinta ah, ee waxay ahayd arrin la wada ogsoon yahay ilaa xilliyada qaarkood gaaladu ay ku maadayna jireen, Aswad Ibn Mudalib iyo kuwa fadhiga la wadaaga ee ay saaxiibada yihiini markay arkaan saxaabada Nabiga (scw) intay isqandhuuftaan ayey oran jireen: waxaa idin dul maraya boqorradii aduunka, ayagaa qabsan doona Kisra iyo Qaysar!! Markaas ayey inta kor u qayliyaan oo qosqoslaan sacab tuman jireen. 

Hadaba saxaabadu markay fiiriyaan bishaarooyinkaan kulligood muujinaya mustaqbalka iftiimaya ee ay higsanayaan islamarkaana hore uga dabqaadanayeen rumaysnaanta aakharo iyo guusha wayn ee laga rajo qabo in janno lagu liibaano, sidoo kale rumaysnaanta in ay jirto maalin cadowgaan daandaansanaya laga gacan sarrayn doono iyo in cadaadintaani tahay marxalad socota oo laga gudbi doono, waxay u arkayeen jirdilka iyo silicdilyaynta lala beegsanayo ee dhinac walba ka hareereeyay kaliya un “daruuraha xagaabaa durba faydantee” marxalad socota oo lasoo afjari doono. 

Dhinaca kale Rasuulka Alle (scw) wuxu quluubtooda ku dheefin jiray macaanka iimaanka, xigmadda Qur’aanka iyo murtida Sunnada, isagoo ku tarbiyaynaya tarbiyad qoto dheer hufidda ruuxda, sare u qaadidda himmadda, higsashada goolal sarsare, hagaajinta dhexdooda, ka xoroobbidda u hoggaansamidda maadiyaadka, ka fogaanshaha dhadhansiga shahwaadka, sidoo kale wuxu afuufi jiray dhinbisha damiirkooda, isagoo ka saaraya mugdiga jaahiliyadda una saaraya iftiinka iimaanka, wuxu bari jiray adkaysiga iyo dulqaadka, cafinta iyo layliyidda nafta, markaas ayey lamid noqdeen xagga quwadda ku duugan adkaysiga buuraha, waxaa la qaymo yaraaday macaansiga aduunyada, waxay ka fogaadeen jiidashada caadifadda, waxay baahidooda oo dhan kusoo koobeen raalligalinta Allaha wayn, u shaqaynta jannada, barashada cilmiga, ilaalinta dagganaanshaha iyo xasilloonida, taasina waa miraha tarbiyaddii Nabiga (scw) macallinkii dunida oo dhan loo diray inuu haggaajiyo. 

Gaadhsiintii Diinta Islaamka ee Meelo ka baxsan makka

Kadib markii geeridu ku timid Abutalib, Nabiga (scw) adeerkiis, ahaana ninkii u taagnaa ilaalintiisa, islamarkaana uu ku jiray ammaangalintiisa, cadaadinta iyo gardarrada lala beegsanayo Nabiga (scw) laf ahaantiisa ayaa heerkii ugu xumaa gaartay, waxay mushrikiintu bannaanka soo dhigeen cadaawad iyo colaadin qaawan, sidaa darteed Makka waxay isu rogtay meel ayna suuragal ahayn inuu Nabigu (scw) kusii noolaado, bisha Shawaal sannadka tobnaad ee nabinnimada –oo ku beegan dhamaadka May ama bilowga Jun sannadka 619 ciise dabadi—ayuu Nabigau (scw) u sadcaalay xagga magaalada Daaif, waxayna Makka u jirtaa lixdan mayl, safarkaas oo uu cagihiisa ku maray siisocod iyo soo noqodba, waxaana Nabiga (scw) safarkiisaan ku weheliyay saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha, intii uu waddadaan ku jiray qabiila kasta oo uu waddada kusii maro wuxu ugu yeerayey Islamka hasayeeshee hal midihina kama aqbalin, hadaba markii uu gaaray gudaha Daaif, wuxu ugu horreyntiiba u qasday saddex nin oo walaalo ah oo ah madaxda beesha Thaqiif, nimankaan oo kala ah Cabdiyaaliil Ibn Camar Ibn Cumayr Athaqafi iyo walaalihiis Mascuud iyo Xabiib, halkaas oo uu Nabigu (scw) inta la fariistay ugu yeeray diinta Alle iyo inay u gargaaraan Islaamka.