Haatuf News

Home | Contact Us | Links |  Archives

 ISSUE 3076

Septemper 7 2012                                                                  Shuwal 20,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Muddo 10 Sanadood Ah Ayaan Xilkaas Hayay Waxaan Go’aansaday Inaan Raad Wanaagsan Ka Tago, Xilkana Si Fiican U Wareejiyo

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir

Hargeysa, September 7, 2012 (Haatuf) – Gudoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ah Maayarka Caasimada Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa sheegay inaanu mar labaad isku soo sharaxi doonin doorashada golaha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28 November 2012, kaas oo tilmaamay inuu muddo toban sanadood ah xilka hogaaminta golahaasi uu hayay, isla markaana uu go’aansaday inuu waxqabad wax ku ool ah Caasimada uga tago, si sharaf lehna xilka uga dago, waxaanu intaa ku daray in muddada saddexda bilood ee ka hadhsan doorashada uu dadaal hor leh ka samayn doono jidadka waaweyn ee badhtamaha Caasimada.

Maayar Jiciir ayaa sidoo kale beeniyay inaanu ilaa hada si rasmiya ugu biirin urur siyaasadeedka Wadani, balse uu yahay masuul ilaa hada dhexdhexaad u ah axsaabta.

Eng Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, isla markaana aanu xogwaraysi kooban kala yeelanay wararka sheegaya inuu mar labaad isku soo taagi doono doorashada golaha deegaanka, ayaa isagoo ka hadlaya arrinkaa waxa uu yidhi “Run ahaantii mar labaad iskuma soo taagayo musharaxnimada doorashada golaha deegaanka ee inagu soo fooleh, musharaxna ma ihi, waxaanse go’aansaday maadaama aan muddo toban sanadood gaadhaysa xilkaasi golaha deegaanka hayay inaan si sharaf leh xilka uga dago, isla markaana aan raad horumar ah caasimada uga tago, waxaanan go’aansaday inaan muddada saddexda bilood ee ka hadhay doorashada aan hawlgalo horumarinta iyo dhismaha Jidadka waaweyn ee badhtamaha Caasimada dhex mara oo aanu kaga mashquulnay muddadii hore jidadka cusub ee aanu ka samaynay shanta degmo iyo xaafadaha kala duwan ee Caasimadu ka kooban tahay, kuwaas oo ilaa hada jidadka cusub ee aanu samaynay ay gaadhayaan 46 waddo oo kuwa ugu dheeri ay gaadhayaan masaafo 50Km ah”

Maayarka oo aanu waydiinay waxyaalaha ka jira warar sheegay in urur siyaasadeedka Wadani uu ku biiray, isla markaana uu ka digo rogtay xisbigii Udub ee laga soo doortay, ayaa waxa uu yidhi “Ilaa hada go’aan rasmiya oo aan ugu dhawaaqay ururka wadani ma jiro, sidoo kalena go’aan aan kaga baxay Udub oo aan kuu sheegaana ma jiro”

Maayarka mar aanu waydiinay maadaama uu yahay nin siyaasiya muddo dheerna hogaaminayay golaha deegaanka caasimada xisbiga uu mustaqbalkiisa siyaasadeed u wareejin doono, waxa uu yidhi “Ilaa hada arrinkaasi maan go’aansan”